< 以西結書 36 >

1 「人子,你向以色列群山講預言說:以色列群山,聽上主的話罷!
Oo weliba Wiilka Aadamow, buuraha reer binu Israa'iil wax u sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Rabbiga maqla.
2 吾主上主這樣說:因為敵人曾論你們說:『哈! 永遠荒涼了,那地已成了我們的產業。』
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadowgu wuxuu idinku yidhi, Ahaa, xataa meelihii sarsare oo hore annagaa hanti ahaan u leh.
3 為此你要預言說:吾主上主這樣說:因人使你們荒涼了,從各方面侵蝕你們,使你們成為殘餘民族的產業,並使你們成為人們的口頭禪和話柄:
Sidaas daraaddeed wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyagu cidla bay idinka dhigeen, oo dhinac kastaba way idinka liqeen, si aad quruumaha kale hanti ugu noqotaan, oo waxaa laydinku hadal hayaa bushimaha waranwarrowyada, oo dadyowgaad ceeb u tihiin.
4 為此,以色列群山! 你們聽吾主上主的話罷! 吾主上主這樣對高山、丘陵、溪澗、山谷、荒涼的廢墟,以及那些曾為四周殘餘民族的掠物和笑柄而被遺棄的城邑說:
Sidaas daraaddeed buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Sayidka Rabbiga ah maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha iyo kuraha, iyo webiyaasha, iyo dooxooyinka, iyo meelaha cidlada ah, iyo magaalooyinka laga tegey oo quruumaha kale ee ku wareegsan wax la dhaco oo la quudhsado u noqday,
5 吾主上主這樣說:我必在我妒火中發言攻斥各殘餘的民族和整個厄東,她們心裏懷著幸災樂禍,和輕視的心情,將我的地方據為自己的產業,劫掠它當作戰利品。
sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.
6 為此,你向以色列地域講預言,對高山、丘陵、溪澗和山谷說:吾主上主這樣說:因為你們遭受了異民的凌辱,看,我必在妒火和憤怒中發言。
Sidaas daraaddeed dalka reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg, oo waxaad buuraha iyo kuraha iyo webiyaasha iyo dooxooyinkaba ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, masayrkaygii iyo cadhadaydii ayaan ku hadlay, maxaa yeelay, idinku waxaad sidateen ceebtii quruumaha.
7 為此,吾主上主這樣說:我舉手起誓:你們四周的異民必要遭受他們當受的凌辱。
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacan taagan ayaan ku dhaartay oo idhi, Hubaal quruumaha idinku wareegsanu ceebtooday sidan doonaan.
8 以色列群山,你們要給我的百姓以色列生出枝葉,結出果實,因為他們快來到了。
Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.
9 看,我偕同你們,眷顧你們,使你們得以耕種,得以播種,
Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa.
10 在你們那裏增加全以色列家族的人數,使城邑再有居民,廢墟得以重建。
Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa.
11 我要在你們那裏,使人和牲畜的數目增多,他們要增加繁殖;我要使你們再有居民,如同昔日一樣,優待你們勝過先前,如此,你們便承認我是上主。
Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
12 我要引領人,即我的百姓以色列到你們上面,他們要佔領你,你要成為他們的產業,再不使他們喪失子女。
Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid.
13 吾主上主這樣說:因為人向你說:你吞噬了人,並使你的百姓喪失子女;
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa lagu yidhaahdaa, Dalyahow, dadka waad baabbi'isaa oo quruuntaadiina waad gablamisay,
14 從此你不再吞噬人,也不再使你的百姓喪失子女──吾主上主的斷語──
sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid.
15 我不再讓在你那裏聽到異民的凌辱,你也不再受異民咒罵,也不再使你的百姓喪失子女──吾主上主的斷語。」
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa inaan mar dambe ceebtii quruumaha dhexdaada laga maqal, oo mar dambena caydii dadyowga siima aad sidan doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad turunturayn doontid.
16 上主的話傳給我說:「
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
17 人子,以色列家族住在自己的地域時,以自己的品行和作為玷污了此地,他們的品行在我面前好似經期的污穢。
Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.
18 因他們在此地所流的血,又因他們的偶像玷污了此地,我遂在他們身上發洩我的憤怒,
Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.
19 將他們分散在異民中,散佈在各國,照他們的品行和作為懲罰了他們。
Oo markaasaan iyagii quruumaha ku kala dhex firdhiyey, oo waddammaday ku kala firidhsanaayeen. Waxaan iyaga u xukumay siduu socodkoodu ahaa iyo siday falimahoodu ahaayeen.
20 他們到了應去的異民那裏,還褻瀆了我的聖名,因為人們論及他們說:『這些人原是雅威的百姓,但他們卻應當離開他的地域! 』
Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.
21 我遂憐惜我的聖名,即以色列家族在他們所到的異民中所褻瀆的聖名。
Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.
22 為此,你要告訴以色列家族,吾主上主這樣說:以色列家族,我作這事並不是為了你們,而是為了我的聖名,即你們在所到的異民中所褻瀆的聖名。
Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.
23 我要使我的大名顯聖,即在異民中被褻瀆,即你們在他們中所褻瀆的聖名;當我在你們身上,在他們眼前顯為聖的時候,異民就要承認我是上主──吾主上主的斷語。
Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.
24 我要把你們從異民中領出,從各地聚集你們,領你們回到你們的地域。
Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
25 那時,我要在你們身上灑清水,潔淨你們,淨化你們,脫離各種不潔和各種偶像。
Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
26 我還要賜給你們一顆新心,在你們五內放上一種新的精神,從你們的肉身內取去鐵石的心,給你們換上一顆血肉的心。
Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.
27 我要將我的神賜與你們五內,使你們遵行我的規律,恪守我的誡命,且一一實行。
Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
28 如此,你們要居住在我賜給你們祖先的地方;你們要作我的百姓,我作你們的天主。
Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
29 我要救你們脫離各種不潔,命五穀豐登,不再讓你們遭受饑荒。
Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
30 我要使樹上的果實,天間的出產豐收,免得你們因饑荒受異民凌辱。
Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.
31 那時你們記起了你們的惡行和那些不好的行為,連你們自己對你們的罪過和醜惡之事,也感覺討厭。
Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.
32 你們應清楚知道:我作這事並不是為了你們──吾主上主的斷語──以色列家族! 對你們的品行害羞慚愧罷們!
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
33 吾主上主這樣說:在我潔化你們脫離各種罪過的那天,使城邑有人居住,廢墟得以重建,
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.
34 在過客眼中曾為荒蕪的地方,再得以耕種之時,
Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.
35 人們要說:那曾荒廢的地方,如今成了「伊甸」樂園;荒蕪廢棄和破壞的城邑,如今成了設防安居之地。
Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay.
36 如此,你們四周的殘餘民族便承認,是我上主重建了破壞的城,種植了荒廢的地。我上主言出必行。
Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.
37 吾主上主這樣說:我還要讓以色列家族求我實行這事:叫他們的人數繁殖,多如羊群;
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.
38 就如被奉獻的羊群,就如在慶節日耶路撒冷的羊群有多少,荒蕪的城邑也要充滿那麼多的人群:如此,他們便承認我是上主。」
Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

< 以西結書 36 >