< 出埃及記 10 >

1 上主對梅瑟說:「你去見法朗,因為我已使他和他臣僕心硬,要在他們中顯我的這些奇蹟,
Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Orod oo Fircoon u gal, waayo, qalbigiisii waan qallafiyey, iyo qalbiyadii addoommadiisa, inaan calaamooyinkaygan dhexdooda ka muujiyo,
2 好叫你將我怎樣戲弄了埃及人,在他們中行了什麼奇蹟,都講給你的子孫聽,使你們知道我是上主。」
iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.
3 於是梅瑟和亞郎去見法朗說:「上主,希伯來人的天主這樣說:你不肯在我前低頭要到幾時呢﹖放走我的百姓去崇拜我罷!
Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
4 如果你再拒絕放走我的百姓,看,明天我要使蝗蟲進入你的境內。
Laakiinse haddii aad diiddo inaad dadkayga sii dayso, bal ogow, berrito dalkaaga ayax baan ku soo dayn doonaa,
5 蝗蟲要遮蓋地面,甚至看不見地;蝗蟲要吃盡免於冰雹而給你們留下的一切,也要吃盡田野間給你們生長的一切樹木。
oo dhulkuu qarin doonaa, si aan dhulka loo arkin, oo wuxuu cuni doonaa wixii ka baxsaday roobkii dhagaxyada lahaa oo idiin hadhay, oo wuxuu kaloo cuni doonaa geed kasta oo duurka idiinka baxaya.
6 你的宮殿,你的臣僕和所有埃及人的房屋都要充滿蝗蟲:這是你的祖宗和你祖宗的祖宗入世以來,直到今天所沒有見過的災禍。」梅瑟遂轉身離開法朗走了。
Oo wuxuu ka buuxsami doonaa guryahaaga, iyo guryaha addoommadaada, iyo guryaha Masriyiinta oo dhan; si aan aabbayaashiin iyo awowayaashiin midkoodna arag tan iyo waagii ay dhulka joogeen ilaa maantadan. Kolkaasuu ka noqday oo ka tegey Fircoon.
7 法朗的臣僕們向法朗說:「這人陷害我們要到幾時﹖釋放這些人去崇拜上主他們的天主罷! 埃及已經滅亡,你還不知道嗎﹖」
Markaasaa Fircoon addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Ilaa goormuu ninkanu dabin inagu noqonayaa? Inaga sii daa nimanka, Rabbiga Ilaahooda ah ha u adeegeene. War miyaadan weli ogayn in Masar baabba'day?
8 梅瑟和亞郎被召到法朗那裏,法朗對他們說:「你們去崇拜上主你們的天主罷! 但那要去的是些什麼人﹖」
Markaasaa Muuse iyo Haaruun mar kale loo keenay Fircoon. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga Ilaahiinna ah u adeega, laakiinse waa ayo kuwa tegayaa?
9 梅瑟回答說:「我們要帶領少年老年同去,要帶領兒女,牛羊同去,因為我們要過上主的節日。」
Muusena wuxuu yidhi, Annagu waannu tegaynaa yar iyo weynba, oo waxaannu la tegaynaa wiilashayada iyo gabdhahayaga, iyo adhyahayaga, iyo lo'dayada oo dhan; waayo, waxaannu u iidaynaa Rabbigayaga.
10 法朗向他們說:「如果我放走你們和你們的孩子,就讓上主同你們在一起罷! 顯然你們不懷好意!
Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan.
11 絕對不成! 只是你們的男子可以去崇拜上主,這原是你們所要求的。」隨後把他們從法朗前趕走。
Sidaas ma aha; ee intiinna ragga ahu taga, oo Rabbiga u adeega; waayo, taasu waa wixii aad doonayseen. Kolkaasaa Fircoon hortiisa laga eryay iyagii.
12 上主對梅瑟說:「你向埃及地伸開你的手,使蝗蟲來到埃及地,吃盡冰雹從地上所剩餘的一切植物。」
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada ayaxa ugu fidi dalka Masar korkiisa, inuu kor yimaado dalka Masar, oo uu cuno geed yar oo kasta, oo ah in alla intii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsatay.
13 梅瑟向埃及地伸開他的棍杖,上主就使東風在地上颳了一整天一整夜,到了早晨,東風吹來了蝗蟲。
Markaasuu Muuse ushiisii dalkii Masar ku kor fidiyey, oo Rabbigu maalintaas oo dhan iyo habeenkii oo dhan, wuxuu dhulkii ku soo daayay dabayl bari ka timid, oo markii waagii beryay ayaa dabayshii bari ayaxii keentay.
14 蝗蟲到了埃及國,落在埃及全境,那樣多法,確是空前絕後。
Kolkaasaa ayaxii dalkii Masar oo idil dul fuulay, oo wuxuu ku soo degay dalkii Masar oo dhan; wuxuuna ahaa ayax baas; hortiisna lama arag ayax saas oo kale ah, dabadiisna ma jiri doono kaas oo kale.
15 蝗蟲遮蓋了地面,大地變黑。蝗蟲吃盡了冰雹所剩下的一切植物和一切果實,這樣埃及全國無論是樹上或是田野間的植物上,沒有留下半點青葉。
Waayo, wuxuu qariyey dhulka dushiisa oo dhan, kolkaasaa dalkii gudcur noqday; oo wuxuu cunay dhalatadii waddanka oo dhan, iyo midhihii dhirtii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsaday oo dhan; oo dalkii Masar oo dhanna wax cagaar ahuna kuma hadhin ama dhir ha noqoto ama dhalatada duurka.
16 法朗急速將梅瑟和亞郎召來,說:「我得罪了上主你們的天主,也得罪了你們。
Markaasaa Fircoon dhaqso ugu yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku dembaabay Rabbiga Ilaahiinna ah iyo idinkaba.
17 現今請你們寬赦我的罪罷! 只這一次! 求上主你們的天主,快叫這致命的災禍離開我。」
Haddaba waan ku baryayaaye, iga cafi dembigayga markan keliya, oo ii barya Rabbiga Ilaahiinna ah, inuu iga qaado dhimashadan keliya.
18 梅瑟從法朗那裏出來,祈求了上主。
Kolkaasuu Fircoon dibadda uga baxay oo Rabbiga baryay.
19 上主就換了強烈的西風,將蝗蟲捲去,投入紅海,在埃及四境沒有留下一個蝗蟲。
Markaasaa Rabbigu wuxuu soo leexiyey dabayl aad iyo aad u xoog badan oo galbeed ka timid, kolkaasay ayaxii kor u qaadday oo waxay ku gurtay Badda Cas, oo xataa ayax qudha ahi kuma hadhin dalka Masar oo dhan.
20 上主又使法朗心硬,他仍不肯放走以色列子民。第九災、黑暗
Markaasaa Rabbigu sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay tagaan.
21 上主對梅瑟說:「將你的手向天伸開,使黑暗降在埃及國。這黑暗似乎可以觸摸。」
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada xagga samada u taag, in gudcur ku soo dego dalka Masar, kaasoo ah gudcur aad u daran.
22 梅瑟向天伸開手,濃密的黑暗就降在埃及國,有三天之久。
Kolkaasaa Muuse gacanta xagga samada u taagay; oo waxaa dalkii Masar ku soo degay gudcur weyn oo in saddex maalmood ah jiray;
23 三天之內,人彼此不能看見,也不能離開自己的地方;但是以色列子民那邊,卻有光明照耀他們所住的地方。
oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen.
24 法郎召梅瑟笸亞郎來說:「你們去崇拜上主罷! 你們的孩子可與你們同去,只把牛羊留下! 」
Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen.
25 梅瑟回答說:「你本人應該給我們犧牲和全燔祭的祭品,叫我們獻於上主我們的天主。
Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga.
26 我們的牲畜也都要跟我們同去,連一個蹄子也不留下,因為我們要用這些來崇拜上主我們的天主;並且未到那裏之前,我們還不知道要用什麼崇拜上主。」
Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.
27 上主又使法朗心硬,他仍不肯放走他們。
Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo.
28 法朗對梅瑟說:「離開我去罷! 你要小心,不要再見我面,因為你見我面的那一天,你必要死! 」
Markaasaa Fircoon wuxuu isagii ku yidhi, War iga tag, oo iska jir, si aadan wejigayga mar dambe u arkin, waayo, maalintii aad wejigayga aragtid hubaal waad dhiman doontaa.
29 梅瑟回答說:「就照你的話好了! 我再不見你的面。」
Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Adigu si wanaagsan baad u hadashay, oo wejigaaga mar dambe arki maayo.

< 出埃及記 10 >