< 申命記 29 >

1 這是上主在曷勒布山與以色列子民訂立的盟約以外,在摩阿布地方吩咐梅瑟同以色列子民訂立盟約的言辭。
Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.
2 梅瑟將所有的以色列人召來,對他們說:你們親自看見了上主當著你們的面,在埃及地對法郎,對他的臣僕,對他全國所做的一切,
Markaasaa Muuse u wada yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waad wada aragteen wixii Rabbigu markaad Masar joogteen hortiinna ku sameeyey Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan iyo dalkiisii oo dhan,
3 那些驚人的折磨、神蹟和偉大的奇事,你們都親眼看見過。
kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen, iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa,
4 但是,直到今天,上主還沒有給你們一顆能明瞭的心,能看見的眼,能聽見的耳。
laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.
5 我在曠野四十年之久領導你們,你們身上的衣服沒有穿壞,腳上的鞋也沒有穿破;
Oo anigu intii afartan sannadood ah ayaan cidlada idinku dhex kexeeyey, oo dharkiinnii korkiinna kuma duugoobin, kabihiinniina cagihiinna kuma dhammaanin.
6 當時你們沒有吃糧食,也沒有喝清酒醇酒,這是要你們知道,我上主是你們的天主。
Idinku ma aydaan cunin kibis, mana aydaan cabbin khamri ama wax lagu sakhraamo toona si aad u garataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
7 你們一來到此地,赫市朋王息紅和巴商王敖格出來與我們交戰,我們擊敗了他們,
Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.
8 佔領了他們的土地,分給了勒烏本人和加得人以及默納協半個支派作產業。
Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.
9 所以你們應謹守遵行這盟約的話,好使你們在所做的一切事上,都能順利。
Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.
10 今天你們全都站在上主你們的天主面前,──你們的首領、族長、長老、官長、和以色列所有的男子,
Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan,
11 你們的幼小和妻子,以及在你營中的外方人,從為你砍柴到為你汲水的人,──
iyo dhallaankiinnii, iyo naagihiinnii, iyo qariibkiinnii xeryihiinna ku dhex jira, xataa kan geedaha idiin jara iyo kan biyaha idiin dhaansha,
12 都來同上主你的天主締結盟約。即上主你的天主今天與你所立附有詛咒的誓約,
inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,
13 好叫他今天,有如他向你所許過的,有如他向你祖先亞巴郎、依撒格和雅各伯所誓許的:立你做他的人民,他做你的天主。
inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
14 我不但與你們立這約和這誓,
Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan,
15 而且也與那些今天與我們同站在上主我們的天主面前的人,和那些今天不與我們同在這裏的人立約。
laakiinse waxaan la dhiganayaa ka maanta inala taagan halkan Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, iyo ka aan maanta halkan inala taagnaynba,
16 你們清楚知道,我們怎樣在埃及地住過,怎樣由一些民族中間走過;
(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,
17 你們也見過他們的醜惡之物和他們那裏所有的木、石、金、銀的偶像。
waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil, )
18 惟願在你們中沒有一個男人或女人,或家族,或支派,今日存心遠離上主我們的天主,去奉事這些民族的神;惟願在他們中沒有一根生出毒草和苦艾的根子,
waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,
19 以致有人在聽了這咒誓之後心中慶幸說:「我雖隨心所欲地行事,仍平安無事。」這要使濕地與乾地同歸於盡。
oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo.
20 上主決不肯寬恕他;上主的烈怒和憤恨必向這人發作,這書上載的一切詛咒都要降在他身上,上主必由天下抹去他的名字。
Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan.
21 上主將把他由以色列各支派中分出,照這法律書上所載的一切詛咒,使他遭受災禍。
Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga.
22 未來的一代,即繼你們而興起的子孫,和遠地來的外方人,見了這地的災禍和上主所降的災殃,
Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday,
23 見了硫磺、鹽鹵和被焚毀的整個地區,不能耕種,沒有出產,寸草不生,正如上主在忿怒和氣憤中消滅的索多瑪、哈摩辣、阿瑪得和責波殷所受的破壞一樣,
iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,
24 各民族要問說:「為什麼上主這樣對待了這地﹖這盛怒為何如此猛烈﹖」
markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay?
25 人必回答說:「這是因為他們離棄了上主他們祖先的天主,領他們出埃及地時,與他們所締結的盟約,
Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar,
26 而去事奉了其他的神,叩拜了他們素不認識,沒有給他們指定的神;
oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin,
27 上主於是向這地大發忿怒,使這書上記載的一切詛咒都降在這地上。
oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.
28 上主遂在忿怒激忿和烈怒中,將他們由本地拔除,拋棄在異國,就像今天一樣。」
Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay.
29 隱密的事,屬於上主我們的天主,已啟示的事,卻永遠與我們和我們的子孫有關,為叫我們實行這法律上的一切話。
Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan sharcigan erayadiisa oo dhan yeelno.

< 申命記 29 >