< 申命記 23 >

1 凡外腎受傷或被閹割的人,不得進入上主的集會。
Oo kii xiniinyaha ka tuman ama guska ka jaran waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
2 私生子不得進入上主的集會;他的後代即便到了第十代,也不得進入上主的集會。
Oo garacna waa inuusan shirka Rabbiga gelin, oo xataa hadduu toban qarni joogo farcankiisu waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
3 阿孟人和摩阿布人不得進入上主的集會;他們的後代,即便到第十代,也永不得進入上主的集會;
Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
4 因為當你們出離埃及時,他們沒有帶食物和水,在路上前來迎接你們;又因他們從美索不達米亞的培托爾,雇了貝熬爾的兒子巴郎來咒罵你;
maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.
5 但是上主你的天主不但不願聽從巴郎,上主你的天主反而將咒罵變為你的祝福,因為上主你的天主愛你。
Habase yeeshee Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu diiday inuu Balcaam dhegaysto, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu habaarkii idiinku beddelay duco, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin jeclaa.
6 你一生永遠不要為他們謀安寧和幸福。
Cimrigiinna oo dhan waa inaydaan weligiinba iyaga u doonin nabad iyo barwaaqo toona.
7 你不可憎恨厄東人,因為他是你的兄弟;也不可憎恨埃及人,因為你曾在他們國內做過僑民。
Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.
8 他們所生的子孫到了第三代,即能進入上主的集會。
Oo carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa ha soo galeen shirka Rabbiga.
9 幾時你出征紮營,攻打你的仇敵,應避免一切惡事。
Markaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad wax kasta oo shar ah iska jirtaan.
10 你中間如有人夜間夢遺,即成為不潔,應走出營外,不可進入營內;
Oo hadduu idinku jiro nin aan nadiif ahayn oo habeenkii isku januubay, xerada dibadda ha uga baxo, oo waa inuusan xerada soo gelin.
11 傍晚時,應用水洗澡,日落時,才能進營。
Laakiinse markay casar gaabadkii tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.
12 在營外應有廁所,你應去那裏便溺。
Oo xerada dibaddeeda waxaad ka yeelataan meel aad u baxdaan,
13 在你的武器中;應有一把鏟;當你在外便溺時,用它來掘坑,然後用以剷土掩蓋糞便。
oo hubkiinna waxaad la qaadataan taki, oo kolkaad dibadda saxaro u fadhiisataan waa inaad takida god ku qoddaan oo intaad dib u soo jeesataan wixii idinka soo baxay waa inaad ciid ku aastaan.
14 因為上主你的天主在你營中往來,為救護你,將你的仇人交給你,所以你的營地應當聖潔,免得他在你那裏見到討厭的事,而離棄你。
Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan.
15 凡由主人逃到你這裏來的奴僕,你不應將他交給他的主人;
Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.
16 他應在你中間與你同住,住在他自己所選的地方,住在他喜歡的一座城內;你不可欺負他。
Isagu ha idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.
17 以色列婦女中不可有人當廟妓,以色列男人中亦不可有人作廟倡。
Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.
18 你不可賣淫的酬金和賣狗的代價,帶到上主你天主的殿內,還任何誓願,因為這兩樣於上主你的天主都是可憎惡的。
Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.
19 借給你兄弟銀錢、食物,或任何能生利之物,你不可取利。
Waa inaydaan walaalkiin intaad wax deymisaan korsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag korsaar ah, ama cunto korsaar ah, ama wax kale oo korsaar laysku deymiyo toona.
20 對外方人你可取利,對你兄弟卻不可取利,好使上主你的天主在你要去佔領的地上,祝福你進行的一切事業。
Kii shisheeye ah korsaar wax baad ku deymi kartaan, laakiinse walaalkiin waa inaydaan korsaar wax ku deymin, in Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku barakeeyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba intaad joogtaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
21 幾時你向上主你的天主許願,不要遲延還願,因為上主你的天主必向你追討,你就不免有罪了。
Oo markaad Rabbiga Ilaahiinna ah nidar u nidartaan waa inaydaan ka raagin inaad waxaas bixisaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu hubaal kaas wuu idin weyddiin doonaa, oo dembi buu idinku noqon lahaa.
22 如果你不許願,你就沒有罪。
Laakiinse haddaydnan nidar gelin taasu dembi idinkuma ahaan doonto.
23 凡你口中說出來的,你應遵守;凡你親口說出向上主你的天主所許的願,你應執行。
Wax alla wixii afkiinna ka soo baxay waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu nidarteen, oo wixii aad ikhtiyaarkiinna afka ugu ballanqaaddeen waa inaad bixisaan.
24 幾時你進入你鄰人的葡萄園,你可隨意摘食葡萄,可以吃飽,但不可裝入你的器皿內。
Markaad soo gashaan beerta canabka ah ee deriskiinna, canabka uga dherga si alla saad doonaysaan, laakiinse waa inaydaan weelkiinna waxba kaga qaadan.
25 幾時你進入你鄰人的麥田,可以伸手摘麥穗,但不可在你鄰人的麥田內動鐮刀。
Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.

< 申命記 23 >