< 撒母耳記下 20 >

1 當時,在那裏有個敗類,始叫舍尸巴,是本雅明人彼革黎的兒子。吹著號,喊說:「我們和達味沒有關係,對葉瑟兒子的產業沒有分子。以色列人! 各自回本家吧!
Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.
2 因此,眾以色列人離開達味,跟隨了彼革黎的兒子舍巴;但猶大人仍然緊隨他們的君王,由約旦河直到了耶路撒冷。
Sidaas daraaddeed raggii reer binu Israa'iil oo dhammu way ka hadheen Daa'uud la socodkiisii, oo waxay daba galeen Shebac oo ahaa ina Bikrii, laakiinse raggii reer Yahuudah waxay ku hadheen boqorkoodii, oo ay la socdeen tan iyo Webi Urdun xataa ilaa Yeruusaalem.
3 達味王進了耶路撒冷的宮殿,就將他留下看守宮殿的十個個嬪妃,留在禁官裏,養活她們,卻不再親近她們。她們被禁在冷官內,一直到死,終身守寡。
Daa'uudna waa yimid gurigiisii Yeruusaalem ku yiil, markaasaa boqorkii soo kaxaystay tobankiisii naagood oo addoommaha ahaa, ee uu kaga tegey inay guriga dhawraan, oo intuu meel gaadh leh geliyey ayuu masruufayay, laakiinse uma uu tegin. Sidaas daraaddeed ilamaa maalintii ay dhinteen bay xidhnaayeen, iyagoo carmallo ah.
4 王對阿瑪撒說:「三天之內,你應給我召集猶大人,你也親自也該來到這裏」。
Markaasaa boqorkii wuxuu Camaasaa ku yidhi, Ragga reer Yahuudah muddo saddex maalmood ah isugu kay yeedh, oo adiguna markaas halkan joog.
5 阿彼撒去召集猶大人,但他遲延耽擱,過了君王他所定的期限。
Markaasaa Camaasaa u tegey inuu reer Yahuudah isugu yeedho, laakiinse wuu ka daba maray wakhtigii loo qabtay ee lala ballamay.
6 達味就對阿彼撒說:「現今彼革黎的兒子舍巴危害我們,恐怕甚於阿貝沙隆。你快去領你主人的軍隊去追趕他,免得他佔了設防的城,由我們眼前逃脫」。
Markaasaa Daa'uud Abiishay ku yidhi, Hadda Shebac oo ah ina Bikrii wuxuu inagu samayn doonaa waxyeello ka sii daran tii Absaaloom, haddaba addoommada sayidkaaga kexee, oo eryo, waaba intaasoo ay magaalo deyr leh helaan, oo ay inaga baxsadaane.
7 約阿布的部下,革肋提人和培肋提人,以及所有的勇士,都跟阿彼撒去了。他們由耶路撒冷出發,趕走彼革黎的兒子舍巴。
Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.
8 當他們來到基貝紅的大石旁,阿瑪撒也迎面而來。約阿布身穿戰袍,束著腰帶,腰間掛著一把帶鞘的刀。約阿布的刀出鞘落地。
Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.
9 約阿布對阿瑪撒說:「吾兄,你好﹖」約阿布遂用石手抓住阿瑪撒的鬍鬚,與他親吻。
Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado.
10 阿瑪撒沒有提防約阿布手中的刀;約阿布就用刀刺穿了他的肚腹,五臟傾流在地上,沒有再刺第二下,他就死了。約阿布與自己的兄弟阿彼瑟,便往前追趕彼革黎的兒子舍巴。
Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu caloosha seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.
11 看守阿瑪撒屍首的約阿布的一個兵士喊說:「誰喜愛約阿布,誰屬達味,就跟約阿布去! 」
Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.
12 阿瑪撒此時臥在路中血泊中,那人見眾人停留不前,就將阿瑪撒的屍首,由路上搬到田裏,上面蓄上一件衣服,因為他見軍人到了那裏,就停在屍首前。
Oo Camaasaa wuxuu yiil jidka dhexdiisa isagoo dhiiggiisii dhex jiifa. Oo ninkiina markuu arkay in dadkii oo dhammu weli taagan yihiin ayuu Camaasaa jidkii ka qaaday oo meel ku jiiday, markaasuu marona kor saaray kolkuu arkay in dadkii yimid oo dhammu ay is-ag taageen.
13 屍首由路上搬走後,軍人就都過去,跟隨約阿布追趕彼革黎的兒子舍巴。
Oo markii jidka laga durkiyey ayaa dadkii oo dhammu tageen oo Yoo'aab raaceen inay eryadaan Shebac oo ahaa ina Bikrii.
14 舍巴走遍了以色列各支派,人都不理他。隨後到了貝特瑪阿加的阿貝耳,眾彼革黎人卻聚集起來,跟隨了他。
Isna wuxuu dhex maray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo tan iyo Aabeel, iyo Beytmacakaah, iyo reer Beerii oo dhan, oo dhammaantood intay soo urureen ayay eryadeen.
15 約阿布大軍前來,把他包圍在貝特瑪阿加的阿貝內,興築攻城的壁壘。跟隨約阿布的大軍遂下手挖城牆,使牆倒塌。
Oo intay yimaadeen ayay isagii ku hareereeyeen Aabeel oo ku taal Beytmacakaah, oo taallo ciid ah ayay derbigii magaalada ag tuuleen, ilaa ay qarkii ugu sarreeyey gaadhsiiyeen; oo dadkii Yoo'aab la socday oo dhammuna aad bay u garaacayeen derbigii magaalada si ay u dumiyaan.
16 當時城中有個聰明的婦人,站在城牆上喊說:「請聽! 請聽! 你們對約阿布說:來這裏,我有話對你說」。
Markaasaa naag caqli badanu magaaladii ka dhawaaqday, oo waxay tidhi, Waan idin baryayaaye, I maqla, oo i dhegaysta; oo waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaan, Halkan iigu kaalay, aan kula hadlee.
17 約阿布來到她那裏,婦人便問說:「你是約阿布嗎﹖」他答說:「我是」。她便對他說:「請你聽你婢女一言! 」他答說:「我聽」。
Markaasuu u soo dhowaaday, oo naagtii waxay ku tidhi, Ma Yoo'aab baad tahay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ahay. Kolkaasay ku tidhi, Bal erayadayda maqal, anoo addoontaada ah, oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan ku maqlayaa.
18 她說:「從前有句話說:你去問問阿貝耳,事便可解決。
Markaasay la hadashay oo ku tidhi, Waxaa waa hore la odhan jiray, Hubaal Aabeel talo ha laga doonto, oo saasay xaalkii ku dhammeeyeen.
19 我在以色列算是一座和平忠厚的城,你卻圖謀消滅一座以色列的母城。為什麼你要吞滅上主的產業﹖」
Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa?
20 約阿布答說:「決無此事,我決無意消滅或破壞。
Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato.
21 完全不是這麼一回事;只因厄弗辣因山地的一人,即彼革黎的兒子名叫舍巴的,造反抗拒達味王;只要你們將他交來,我即撤離此城」。婦人對約阿布說:「請看,他的頭由城上拋給你」。
Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa.
22 婦人就去憑自己的智慧勸說眾百姓。他們便砍了彼革黎的兒子舍巴的頭,拋給約阿布。約阿布遂吹起號角,撤兵離城,各自了本家。約阿布也回了耶路撒冷君王那裏。
Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.
23 約阿布統率以色列的眾軍隊;約雅達的兒子貝納雅管理革勒提人和培肋提人;
Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.
24 阿多蘭管理奴役;阿希路得的兒子約沙法特作御史;
Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,
25 史沙作書記;匝多克和厄貝雅塔爾作司祭;
oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,
26 此外,雅提爾人依辣也也作達味的司祭。
oo Ciiraa oo reer Yaa'iir ahaa isna Daa'uud buu wadaad u ahaa.

< 撒母耳記下 20 >