< 撒母耳記下 11 >
1 年初,正當諸王出征的季節,達味派約阿布率領他的將官和以色列人出征;他們蹂躪了阿孟子民,就包圍辣巴。當時達味住在耶路撒冷。
Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Daa'uud Yoo'aab diray isagoo wata addoommadiisii, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay baabbi'iyeen reer Cammoon, oo Rabbaahna way hareereeyeen, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.
2 一天傍晚,達味由床上起來,在宮殿的房屋頂上散步;從房頂上看見一個女人在沐浴,這女人容貌很美。
Oo makhribkii ayaa Daa'uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka saqafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aragga aad bay u qurux badnayd.
3 達味遂派人打聽這女人是誰;有人告訴他說:「這不是厄里安的女兒,赫特人烏黎雅的妻子巴特舍巴嗎﹖
Markaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo?
4 達味便派人將他接來;她來到他那裡,達味就與她同寢,那時她的月經剛潔淨了。事後,她便回了家。
Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.
5 不久,那女人自覺懷孕,就打發人告訴達味說:「我懷了孕。」
Oo naagtiina way uuraysatay; markaasay Daa'uud u soo cid dirtay oo u sheegtay, waxayna ku tidhi, Uur baan yeeshay.
6 達味派人給約阿布說:「打發赫特人烏黎雅來見我。」約阿布就打發烏黎雅去見達味。
Daa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud.
7 烏黎雅一來到他跟前,達味就問:「約阿布近來如何﹖士兵好嗎﹖戰事怎樣﹖」
Oo markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay.
8 達味向烏黎雅說:「你下到家中洗洗腳吧! 」烏黎雅剛離開皇宮,隨後就送來了王的飲食。
Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka.
9 烏黎雅卻同他的主人的僕役一起睡在宮門旁,沒有下到家裡。
Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin.
10 有人報告達味說:「烏黎雅並沒有回到自己家裡。」達味便向烏黎雅說:「你不是由遠道回來的嗎,為什麼不下到你家裡去呢﹖」
Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday?
11 烏黎雅回答達味說:「約櫃,以色列和猶大人都住在帳幕裡,我主約阿布和我主的僕人都在野外露宿,我豈能回家吃喝,和我妻子一起睡覺﹖上主永在,陛下萬歲! 我絕不做這樣的事。」
Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn.
12 達味向烏黎雅說:「今天你還留在這裡,明天我要打發你回去。」烏黎雅那天就留在耶路撒冷。第二天,
Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay.
13 達味召他來與自己一起飲宴,將他灌醉,傍晚,烏黎雅出去,仍與他主人的僕役睡在一起,並沒有到家裡去。
Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin.
14 到了早晨,達味給約阿布寫了一封信,要烏黎雅親手帶去。
Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah.
15 他在信上寫說:「你應派烏黎雅到戰事最激烈的前線,然後,在他後邊撤退,讓他受攻擊陣亡。」
Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.
16 約阿布察看那城以後,知道那裡有最強悍的敵人,就派烏黎雅到那裡去了。
Oo markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan.
17 城內的人出來,與約阿布交戰,達味的僕役中,有些人陣亡了,赫特人烏黎雅也陣亡了。
Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay.
Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,
19 他吩咐使者說:「若你把戰事的經過向君王報告完了以後,
oo kii farriinta wadayna wuxuu ku amray oo ku yidhi, Markaad boqorka uga warrantid waxa dagaalka ku saabsan oo dhan,
20 王若向你發怒說:為什麼你們靠近城牆作戰﹖你們不知道有人會由城牆上射擊嗎﹖
markaas hadduu boqorku cadhoodo, oo kugu yidhaahdo, War maxaad magaalada ugu dhowaateen inaad la dirirtaan? Miyeydaan ogayn inay derbiga idinka soo tooganayaan?
21 誰擊殺了耶魯巴耳的兒子阿彼默肋客﹖不是一個女人從城牆上把一塊磨石丟在他身上﹖他就死在特貝茲嗎﹖為什麼你們靠近城牆呢﹖你就答說:你的僕人赫特人烏黎雅也陣亡了。」
Bal yaa dilay Abiimeleg oo ahaa ina Yerubbeshed? Sow naagu dhagax wax lagu shiido derbi kagama soo tuurin oo sow kuma uu dhiman Tebes? Haddaba maxaad idinku derbiga ugu dhowaateen? Markaas waxaad ku tidhaahdaa, Addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna waa dhintay.
22 使者就前來見達味,把約阿布打發他報告的一切全向達味報告了。達味對約阿布大怒,向使者說:「你們為什麼靠近城牆作戰﹖你們不知道有人會由城牆上射擊嗎﹖誰射擊了耶魯巴耳的兒子阿彼默肋客﹖不是一個女人從城牆上把一塊磨石丟在他身上,他就死在特貝茲嗎﹖為什麼你們靠近城牆呢﹖」
Haddaba wargeeyihii waa tegey, Daa'uudna wuu u yimid oo u sheegay wixii Yoo'aab u soo diray oo dhan.
23 報信的人向達味說:「那些人向我們衝來,下到平原來攻打我們,我們就追擊他們到城門邊,
Oo wargeeyihii wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nimankii way naga xoog badnaadeen, markaasay dibadda noogu soo baxeen, oo annana waxaannu eryannay iyagii ilaa ay iriddii magaalada galeen.
24 射手就從城牆上射擊我們. 君王的僕役大約死了十八人,你的僕人烏黎雅,那個赫特人也死了。
Markaasay kuwii wax toogan jiray addoommadaadii derbiga ka soo toogteen, oo boqorow, addoommadaadiina qaar baa dhintay, oo addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna wuu dhintay.
25 「達味向報信的人說:「你去告訴約阿布說:不必對這事過傷心,因為刀劍有時砍這人,也有時砍那人;你只管加緊攻城,將城毀滅。你要鼓勵他。
Markaasaa Daa'uud wuxuu wargeeyihii ku yidhi, Waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaa, Waxanu yay kula xumaan, waayo, seeftu mar mid bay baabbi'isaa, marna midka kale, haddaba magaalada dagaalka aad ugu sii adkee, oo afgembi; oo adna isaga dhiirrigeli.
26 「烏黎雅的妻子聽說他丈夫陣亡了,就為他丈夫舉哀。
Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.
27 居喪期一滿,達味就派人將他接到自己的宮中,成了他的妻子,給他生了一個兒子。達味這樣行事,使上主大為不悅。
Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.