< 撒母耳記上 11 >
1 大約過了一個月,阿孟人納哈士上來圍困基肋阿得的雅貝士,雅貝士所有的居民對納哈士說:「你與我們立約,我們就服事你。」
Markaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa.
2 阿孟人納哈士回答他們說:「在這條件下,我纔與你們立約:就是剜出你們各人的右眼,我要藉此羞辱全以色列。」
Markaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan.
3 雅貝士的長老回答他說:「請讓我們休戰七天,我們派人到以色列全境去,如果沒有人來救我們,我們就向你投降。
Markaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa.
4 使者到了撒烏耳的基貝亞,就把這事講給民眾聽,民眾遂放聲大哭。
Markaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen.
5 那時撒烏耳正跟著牛從田間回來,便問說:「民眾有什麼事,如此號淘大哭﹖」人們就把雅貝士人的話講給他聽。
Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.
6 撒烏耳一聽說這些話,上主的神便降在他身上,遂勃然大怒,
Oo Saa'uulna markuu maqlay hadalladaas ayaa Ruuxa Ilaah si xoog leh ugu soo degay, oo xanaaqiisiina aad iyo aad buu u kululaaday.
7 立即牽了一對牛來,剖分成塊,託使者分送到以色列全境說:「凡不隨從撒烏耳如撒慕爾出征的,也必這樣對待他的牛! 」上主的驚嚇降在民眾身上,因而他們好像一個人一齊出征。
Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.
8 撒烏耳在貝則克檢閱了他們;以色列人共三十萬,猶大人三萬。
Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.
9 撒烏耳對來的使者說:「你們這樣對基肋阿得的雅貝士人說:明天太陽正熱時,救援就必達到你們那裏。」使者便回去,向雅貝士人報告,他們都很喜歡。
Markaasay waxay ku yidhaahdeen wargeeyayaashii yimid, Dadkii reer Yaabeesh Gilecaad waxaad ku tidhaahdaan, Berrito markii qorraxdu kulushahay ayaad samatabbixin heli doontaan. Markaasaa wargeeyayaashii u yimaadeen oo u warrameen dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo iyana way farxeen.
10 雅貝士人遂對阿孟人說:「明天我們向你們投降,你們看著怎樣好,就怎樣對待我們罷!
Sidaas daraaddeed dadkii reer Yaabeesh waxay yidhaahdeen, Berrito ayaannu idiin soo bixi doonnaa, oo waxaad nagu samayn doontaan kulli wax alla wixii idinla wanaagsan.
11 第二天撒烏耳把民眾分作三隊,在黎明以前衝入了阿孟人營中,擊殺他們一直到日中最熱的時候;剩下的人都逃散了,以至沒有兩人在一起。
Oo maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan.
12 民眾於是對撒慕爾說:「誰曾說過:撒烏耳豈能作我們的君王﹖把這些人交出來,讓我們處死他們! 」
Markaasaa dadkii waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Waa ayo kii yidhi, Ma Saa'uul baa na xukumaya? Nimankaas soo bixi aannu dilnee.
13 撒烏耳回答說:「今天不可處死任何人,因為今天上主在以色列中施行了救恩。」
Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Ninnaba maanta la dili maayo, waayo, maanta Rabbigu wuxuu samatabbixiyey reer binu Israa'iil.
14 撒慕爾以後對民眾說:「來,我們到基耳加耳去,在那裏重新建立王國。」
Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Ina keena aynu Gilgaal tagnee oo aynu halkaas boqortooyada ku cusboonaysiinnee.
15 民眾便都去了基耳加耳,在那裏於上主面前立撒烏耳為王,並給上主奉獻了和平祭;撒烏耳同全體以色列人舉行了盛大的盛會。
Markaasaa dadkii oo dhammu waxay tageen Gilgaal, oo Gilgaal ayay Saa'uul ku boqreen Rabbiga hortiisa, oo waxay halkaas Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno nabaadiino, oo halkaasaa Saa'uul iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu aad ugu farxeen.