< 列王紀上 10 >
1 [舍巴女王來訪]舍巴女王聽說撒羅滿因上主之名獲得的聲望,即前來以難題考問撒羅滿。
Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ku saabsanaa xagga magaca Rabbiga ayay ugu timid inay ku imtixaanto su'aalo adadag.
2 她帶了許多隨員,駱駝裝載大批的香料、黃金和寶石,來到了耶路撒冷;當她進見撒羅滿時,就向他提出了心中的一切疑難,
Oo waxay Yeruusaalem la timid dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.
3 撒羅滿對她所問的一切難題,一一給她解答了,沒有一樣可難住君王,而不能給她解答的。
Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan; oo wax boqorka ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.
Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,
5 筵席上的餚饌,群臣的坐次,僕從的侍候和服裝,供應的飲料,以及他在上主殿內奉獻的全燔祭,驚訝得出神,
iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa, iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin.
6 因而對君王說:「關於你的言行和智慧,我在我國內所聽到的傳說,的確是真的!
Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaadu run buu ahaa.
7 以前我原不相信這些傳聞,及至我來親眼見了,纔知道人告訴我的還不及一半;你的智慧和你的富貴遠超過我所聽聞的。
Habase yeeshee erayadaas ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen; oo weliba badhna la iima sheegin. Xigmaddaada iyo barwaaqadaadu way ka sii badan yihiin warkii aan maqlay.
8 你的妻妾,你的臣僕,能常常侍立在你面前,聆聽你的智慧,是多麼有福!
Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.
9 上主你的天主應受讚美!他喜愛你,使你坐了以色列的王位;上主因為永遠喜愛以色列,纔立你為王,秉公行義。」
Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.
10 舍巴女王遂將一百二十「塔冷通」黃金,大批香料和寶石,贈送給君王;以後進入的香料,再沒有像舍巴女王送給撒羅滿的那樣多。
Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.
11 從敖非爾運金子的希蘭船隻,也從敖非爾運來了大批檀香木和寶石。
Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.
12 君王用檀香木,為上主的殿和君王的宮殿製造了欄杆,又為歌詠者製造了琴和瑟;以後再沒有這樣的檀香木運進來,也沒有人再看見過,直到今天。
Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu tiirar uga dhigay gurigii Rabbiga, iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado; oo ilaa maantadan la joogo geedo almuug ah oo kuwaas oo kale ah ma iman, lamana arkin.
13 撒羅滿王除了照王的寬洪大量送給舍巴女王的禮品外,凡女王所要求的喜愛的物品,君王都送給了她。以後,她和自己的臣僕走了,回了本國。撒羅滿的財富
Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.
14 撒羅滿每年收入的金子,重量有六百六十六「塔冷通;」
Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,
15 由商人、小販、各國君王和本國太守所進獻的,尚不計算在內。
oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.
16 撒羅滿王用黃金打造了二百個大盾牌,每個用金六百「協刻耳。」
Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan waaweyn oo dahab la tumay ah; oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab ah.
17 有用黃金打造了三百個小盾牌,每個用金三「米納。」君王把這些盾牌,都放在黎巴嫩林宮。
Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex mina oo dahab ah, markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.
Oo weliba boqorku wuxuu kaloo sameeyey carshi weyn oo foolmaroodi ah, oo wuxuu ku dahaadhay dahabkii ugu fiicnaa.
19 寶座有六級台階,座背後有牛頭,座位兩邊有扶手,扶手兩旁立著兩隻獅子。
Carshigu wuxuu lahaa jaranjaro lix tallaabo ah, oo carshiga xaggiisa sare ee dambena way wareegsanayd; oo kursiga meeshiisa lagu fadhiisto labadeeda dhinacba waxay lahayd meelo xusullada la saarto, oo meelaha xusullada la saartana dhinacooda waxaa taagnaa laba libaax.
20 六級台階上立著十二隻獅子,每邊六隻。任何國家都沒有像這樣的寶座。
Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax; oo boqortooyana saas oo kale looguma samayn.
21 撒羅滿王所有飲器都是金的,黎巴嫩林宮的一切器具,都是純金的,沒有一件是銀子的;銀子在撒羅滿時代並不值什麼。
Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.
22 因為君王有一隊塔爾史士船隻,與希蘭的船隻一同航海;去塔爾史士的船隻,每三年往返一次,運來金、銀、象牙、猿猴和孔雀。撒羅滿的智慧
Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.
23 這樣,撒羅滿王在富貴和智慧上,超過了世上所有的君王。
Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.
24 全世界上的人都想見撒羅滿的面,聽聽天主賦於他心中的智慧。
Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.
25 各人給他帶來自己的禮物:銀器、金器、衣服、兵器、香料、駿馬和騾子:年年都是如此。撒羅滿的馬車
Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.
26 撒羅滿也積聚了戰車和騎兵;他擁有戰車一千四百輛,騎兵一萬二千,駐紮在屯車城和耶路撒冷君王左右。
Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
27 君王在耶路撒冷有的銀子多如石頭,香柏木多如平原的桑樹。
Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.
28 撒羅滿所有的馬,都是從慕茲黎和科厄運來的,是君王的商人付出定價,從科厄買來的。
Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.
29 從慕茲黎運來一輛戰車,需銀六百「協刻耳;」一匹馬,需銀一百五十「協刻耳。」同樣,為赫特人和阿蘭人的君王輸送車馬,也是經過這些商人。
Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.