< 歷代志上 7 >

1 [依撒加爾的後代]依撒加爾的兒子:托拉、普瓦、雅叔布和史默龍四人。
Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac, iyo Fuwaah, iyo Yaashuub, iyo Shimroon, afar bay ahaayeen.
2 托拉的子孫:烏齊、勒法雅、耶黎耳、雅赫買、依貝散和舍慕耳,都是托拉家族的族長,英勇的戰士;再達味時代,依他們的家系,人數有二萬二千六百。
Wiilashii Toolacna waxay ahaayeen Cusii, iyo Refaayaah, iyo Yerii'eel, iyo Yahmay, iyo Yibsaam, iyo Shemuu'eel, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahoodii oo ahaa reer Toolac, oo qarnigoodiina rag xoog badan bay ku ahaayeen. Wakhtigii Daa'uud joogayna tiradoodu waxay ahayd laba iyo labaatan kun iyo lix boqol.
3 烏齊的兒子依次辣希雅;依次辣希雅的兒子:米加耳、敖巴狄雅、約厄耳和依史雅......五人,┬歐是族長。
Farcankii Cusiina waxay ahaayeen Yisraxyaah, iyo wiilashii Yisraxyaah oo ahaa Miikaa'eel, iyo Cobadyaah, iyo Yoo'eel, iyo Yishiyaah, oo waxay isku ahaayeen shan, dhammaantoodna waxay ahaayeen rag madax ah.
4 按家系和家族歸屬於他們的,尚有三萬六千出征的戰士;因為他們有很多婦女和兒童。
Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.
5 連他們的兄弟,即全依撒加爾支派中的英勇的戰士,登記的人數,共計八萬八千。[本雅明的後代]
Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.
6 本雅明的兒子:貝拉貝革爾、耶狄厄耳三人。
Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.
7 貝拉的兒子:厄茲朋、烏齊、烏齊耳、耶黎摩特和依黎五人,都是家族的族長;英勇的戰士,按家族統計,共計二萬二千三十四人。
Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.
8 貝革爾的兒子:則米辣、約阿士、厄里厄則爾、厄里約乃、敖默黎、耶肋摩特、阿彼雅、阿納托特和阿拉默特:以上是貝革爾的兒子,
Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.
9 是家族的族長;英勇的戰士,按家族統計共計二萬二百人。
Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.
10 耶狄厄耳的兒子彼耳漢;彼耳漢的兒子:耶烏士、本雅明、厄胡得、革納阿納、則堂塔爾史士和希沙哈爾:
Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.
11 以上是耶狄厄耳的子孫,家族的族長;英勇的戰士能上陣作戰的,有一萬七千二百人。
Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,
12 依爾的兒子叔平和胡平;阿赫爾的兒子胡生。納斐塔里支派
iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.
13 納斐塔里的兒子:雅赫則耳、古尼、耶則爾、沙隆:是彼耳哈的子孫。[默納協支派]
Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.
14 默納協的兒子:馬基爾,是他的一個阿蘭妾給他生的;瑪基爾是基肋阿得的父親。
Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,
15 瑪基爾娶了妻,妻名叫瑪阿加,她的姊妹名叫責羅斐哈得,她只有女兒。
Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.
16 瑪基爾的妻子瑪阿加生了一個兒子,給他起名叫培勒士;他的兄弟名叫舍勒士。舍勒士的兒子:烏藍和勒耿。
Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.
17 烏藍的兒子貝丹:以上是默納協的子孫,瑪基爾的兒子基肋阿得的子孫。
Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.
18 他的姊妹摩肋革特生依市曷得、阿彼厄則爾和瑪赫拉。
Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.
19 舍米達的兒子:阿希楊、舍根、里刻希和阿尼罕。[厄弗辣因支派]
Wiilashii Shemiidaacna waxay ahaayeen Axyaan, iyo Shekem, iyo Liqxii, iyo Aniicaam.
20 厄弗辣因的兒子:叔特拉;叔特拉的兒子貝勒得,貝勒得的兒子塔哈特,塔哈特的兒子厄拉達,厄拉達的兒子塔哈特,
Farcankii Efrayimna waxay ahaayeen Shuutelax oo dhalay Bered, oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Elcaadaah, oo isna dhalay Taxad,
21 塔哈特的兒子匝巴得。厄弗辣因的兒子叔特拉和厄則爾以及厄拉得,為加特的土人所殺,因為他們下去劫掠土人的牲畜。
oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
22 他們的父親厄弗辣因哀悼他們多日,他的兄弟們也來慰弔。
Oo aabbahood Efrayimna maalmo badan ayuu aawadood u barooranayay, laakiinse waxaa isaga u yimid walaalihiis inay tacsiyeeyaan.
23 以後,他又走近了自己的妻子,她懷孕生了一個兒子,給他起名叫貝黎雅說:「我家遭過患難。」
Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.
24 他的女兒舍厄辣建立了上下貝特曷龍和烏曾舍厄辣。
Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.
25 貝黎雅的兒子勒法黑,勒法黑的兒子勒舍夫,勒舍夫的兒子特拉黑,特拉黑的兒子塔罕,
Oo wuxuu dhalay Refax, oo isna dhalay Reshef, iyo wiilkiisii Telax, oo isna dhalay Tahan,
26 塔罕的兒子拉丹,拉丹的兒子阿米胡得,阿米胡得的兒子厄里沙瑪,
oo isna dhalay Lacdaan, oo isna dhalay Cammiihuud, oo isna dhalay Eliishaamaa,
27 厄里沙瑪的兒子農,農的兒子若蘇厄。
oo isna dhalay Nuun, oo isna dhalay Yashuuca.
28 他們佔據和居留的地方:貝特耳和所屬村鎮,往東有納阿郎,往西有革則爾和所屬村鎮,舍根和所屬村鎮,直到阿雅和所屬村鎮。
Oo hantidoodii iyo hoygoodiiba waxay ahaayeen Beytel iyo magaalooyinkeeda, iyo xagga bari Nacaraan, iyo xagga galbeed Geser, iyo magaalooyinkeeda, iyo weliba Shekem iyo magaalooyinkeedii, iyo Casaah iyo magaalooyinkeedii,
29 在默納協子孫手中的,有貝特商和所屬村鎮,塔納客和所屬村鎮,默基多和所屬村鎮,多爾和所屬村鎮:以色列的兒子若瑟的子孫住在以上各地。[阿協爾支派]
iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.
30 阿協爾的兒子:依默納、依市瓦、依市偉和貝黎雅,和他們的姊妹色辣黑。
Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.
31 貝黎雅的兒子:赫貝爾和瑪耳基耳,後者是彼爾匝依特的父親。
Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.
32 赫貝爾生雅費肋特、芍默爾、曷堂和他們的姊妹叔亞。
Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.
33 雅費肋特的兒子:帕撒客、彼默哈耳和阿市瓦特:以上是雅費肋特的兒子。
Wiilashii Yafleedna waxay ahaayeen Faasag, iyo Bimhaal, iyo Cashwaad. Intaasu waa ilma Yafleed.
34 他兄弟芍默爾的兒子:洛赫加、胡巴和阿蘭。
Wiilashii Shemerna waxay ahaayeen Axii, iyo Raahgaah, iyo Yehubbaah, iyo Araam.
35 他兄弟曷堂的兒子:祚法黑、依默納、舍肋士和阿瑪耳。
Oo walaalkiisii Xeelem wiilashiisiina waxay ahaayeen Soofax, iyo Yimnaac, iyo Sheelesh iyo Caamaal.
36 祚法黑的兒子:穌亞、哈爾乃費爾、叔阿耳、黎依默辣、
Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,
37 貝責爾、曷得、沙瑪、史耳沙、耶特爾和貝厄辣。
iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.
38 耶特爾的兒子:耶孚乃、丕斯帕和阿辣。
Wiilashii Yeterna waxay ahaayeen Yefunneh, iyo Fisfaah, iyo Araa.
39 烏拉的兒子:阿辣黑、哈巴耳和黎茲雅:
Wiilashii Cullaana waxay ahaayeen Aarax, iyo Xannii'eel, iyo Risyaa.
40 以上全是阿協爾的子孫,家族出名的族長,英勇的戰士,傑出的將領;能上陣打仗的登記人數,共計二萬六千。
Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.

< 歷代志上 7 >