< 歷代志上 28 >

1 [達味宣佈建殿]達味召集了以色列的眾首長、各支派首長、值班服事君王的首長、千夫長、百夫長、掌管軍人及王室子女財產牲畜的首長,以及太監、勇士和眾顯要,到耶路撒冷來。
Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.
2 達味王站起來說道:「我的弟兄,我的百姓,請聽我的話! 我原有意為上主的約櫃,即為我們天主的腳凳,建造一座安放的殿宇,並且我已作了建造的準備;
Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey.
3 然而天主對我說:你不可為我的名建築殿宇,因為你是一個軍人,流過人的血。
Laakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay.
4 上主以色列的天主,由我父全家中選拔了我永遠作王,統治以色列,因為他選拔了猶大為長,由猷大家族中又選拔了我的父家,在我父親的兒子中,他喜愛我,立我作王,統治全以色列;
Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.
5 他又從我的眾子中,─因為上主賞賜了我許多兒子,選拔了我兒撒羅滿,坐上主王國的寶座,治理以色列。
Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.
6 他這樣對我說:是你的兒子撒羅滿要為我建築殿宇和庭院,因為我以選了他作我的兒子,我要作他的父親。
Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.
7 如果他堅守遵行我的誡命和法律,如同今日一樣,我必鞏固他的王權直到永遠。
Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.
8 所以現今當著全以色列,上主的會眾面前,在我們天主聽聞之下,我勸你們必須遵守並尋求上主,你們天主的一切誡命,好使你們保有這塊美麗的地方,永遠遺留給你們的子孫。
Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya.
9 至於你、我兒撒羅滿! 你要認識你父親的天主,全心樂意事奉他,因為上主洞察所有人的心,知道人的一切心思欲念。如果你尋求他,他必使你尋獲;如果你背判他,他必要永遠拋棄你。
Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba.
10 現在,你該注意,因為上主揀選了你建築殿宇作為他的聖所,你要勇敢去行。」[交付聖殿圖樣]
Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.
11 達味遂將門廊、廂房、府庫、樓閣、內室和至聖所的圖樣,交給了他的兒子撒羅滿;
Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka.
12 將他心中關於上主殿宇的庭院,周圍的房屋,天主殿內的府庫,聖物的府庫所有的圖樣,
Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa,
13 以及關於司祭和肋未人的班次,在上主殿內應行的一切禮儀,上主殿內行禮儀時應用的一切器皿,都指示給他,
iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,
14 並給他指定用多少份量的金子,製各種禮儀應使用的一切金器;用多少份量的銀子,製各種歷任應使用的一切銀器,
iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,
15 用多少份量的金子,製金燈台及台上的金燈,用多少份量製每盞金燈台及台上的金燈;用多少份量的銀子,製銀燈台及台上的銀燈,每盞銀燈台及台上銀燈的重量,按每盞燈台的用途應用多少;
iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,
16 用多少份量的金子,製供餅的桌子,每張應用多少;用多少銀子製銀桌子;
iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah,
17 用多少份量的純金,製叉、盤和壺;用多少份量的金子,製各種金碗,每隻碗重量多少;用多少份量的銀子,製各種銀碗,每隻碗重量多少;
iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,
18 用多少份量的純金,製造香壇;最後給他指定了車子的圖樣,即展開翅膀遮蓋上主的約櫃的金革魯的圖樣:
iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.
19 這一切,即這一切工作的圖樣,都給他按照上主的指示劃了出來。[勸勉撒羅滿]
Oo Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan.
20 達味又對他的兒子撒羅滿說:「你要勇敢勉力去行,不必害怕,不必畏懼,因為上主天主,我的天主必與你同在;他決不遠離你,決不拋棄你,直到你完成修築上主殿宇的一切工作。
Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.
21 你看,司祭和肋未人已分好班次,奉行天主殿內的事務;在各種工作上,又有各種的巧匠自願輔助你,首領和全體人民又都聽你的指揮。」
Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.

< 歷代志上 28 >