< 歷代志上 26 >

1 [守門的班次與任務]守門者的班次如下:科辣黑族中,有阿彼雅撒夫的子孫科辣黑的兒子默舍肋米雅。
Oo kooxihii iridjoogayaashiina waa kuwan: reer Qorax waxaa laga doortay Meshelemyaah ina Qore oo ahaa reer Aasaaf.
2 默舍肋米雅的兒子:長子為則加黎雅,次為耶狄厄耳,三為則巴狄雅,四為雅特尼耳,
Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Sekaryaah, kii labaadna Yediica'eel, kii saddexaadna Sebadyaah, kii afraadna Yatnii'eel,
3 五為赫藍,六為約哈南,七為厄肋約乃。
kii shanaadna Ceelaam, kii lixaadna Yehooxaanaan, kii toddobaadna Eliihooceenay.
4 敖貝得厄東的兒子:長子為舍瑪雅,次為約匝巴得,三為約阿黑,四為撒加爾,五為乃塔耳,
Oo Cobeed Edoomna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Shemacyaah, kii labaadna Yehoosaabaad, kii saddexaadna Yoo'aax, kii afraadna Saakaar, kii shanaadna Netaneel,
5 六為阿米耳,七為依撒加爾,八為培烏肋秦;天主實在祝福了敖貝得厄東。
kii lixaadna Ammii'eel, kii toddobaadna Isaakaar, kii siddeedaadna Fecultay, waayo, Ilaah baa isaga barakeeyey.
6 他的兒子舍瑪雅所生的兒子,都為他們父家的主管,因為都是有力的勇士。
Oo weliba wiilkiisii Shemacyaahna wiilal baa u dhashay, oo iyagaa u talin jiray reerkii aabbahood, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan.
7 舍瑪雅的兒子:敖特尼、勒法耳和敖貝得;他的兄弟厄耳匝巴得的兒子,厄里胡和色瑪革雅也是勇敢的人。
Wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Cotnii, iyo Refa'eel, iyo Coobeed, iyo Elsaabaad, walaalahoodna oo ah Eliihuu iyo Semakiyaah waxay ahaayeen rag xoog badan.
8 這些都是敖貝得厄東的後裔。他們及他們的兒子並兄弟,個個都是勇敢而又能幹的人。敖貝得厄東的後裔共計六十二人。
Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.
9 默舍肋米亞的子孫和弟兄,都是勇士共計十八人。
Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa siddeed iyo toban nin oo ahaa rag xoog badan, waxayna wada ahaayeen wiilashiisii iyo walaalihiis.
10 默辣黎的子孫中曷撒有些兒子:為首的是史默黎,他原非長子,是他父親立他為首的,
Oo weliba Xosaah oo ahaa reer Meraariina wuxuu lahaa wiilal, waxaana ugu weynaa Shimrii (waayo, in kastoo uusan curadkii ahayn haddana aabbihiis ayaa madax ka dhigay),
11 次為希耳克雅,三為特巴里雅,四為則加黎雅。曷撒的兒子和弟兄共計十三人。
kii labaadna wuxuu ahaa Xilqiyaah, kii saddexaadna Tebalyaah, kii afraadna Sekaryaah. Oo Xosaah wiilashiisii iyo walaalihiis oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban.
12 以上是守門者的班次,無論是族長或是他們的弟兄,在上主殿內盡職,都有同等的任務。
Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.
13 他們不論大小,按照他們的家族抽籤,看守各門。
Oo iyana midkooda ugu yar iyo midka ugu weynba, sidii ay qolooyinkoodu kala ahaayeen ayay irid kasta saami ugu riteen.
14 中籤首東門的為舍肋米雅。他的兒子則加黎雅是個聰敏的謀士,中籤守北門。
Oo saamigii dhanka bari wuxuu u soo baxay Shelemyaah. Oo haddana waxay saami u rideen wiilkiisii Sekaryaah, oo ahaa lataliye xigmad badan, oo saamigiisiina wuxuu ku helay dhankii woqooyi.
15 敖貝得厄東守衛南門,他的兒子們看守庫房。
Cobeed Edoomna waxaa u soo baxay dhankii koonfureed, oo wiilashiisiina waxaa u soo baxay guryihii wax lagu kaydin jiray.
16 曷撒守西邊上坡大路的舍肋革特門。每班守衛人數相等:
Shufiim iyo Xosaahna waxaa u soo baxay dhankii galbeed oo u dhowaa iriddii Shalleked la odhan jiray, oo ku ag tiil jidka kor u baxa, oo waardiyeba waardiyaha kaluu ka soo hor jeeday.
17 東面每日六人,北面每日四人,南面每日四人,每一庫房二人;
Dhanka bari waxaa joogi jiray lix reer Laawi ah, dhanka woqooyina maalintiiba waxaa dhawri jiray afar nin, dhanka koonfureedna maalintiiba waxaa dhawri jiray afar nin, oo guryaha wax lagu kaydiyana waxaa dhawri jiray laba laba nin.
18 西面廊房行人路上四人,廊房兩人:
Oo Farbaar dhankeedii galbeed, oo u dhow jidkiina waxaa dhawri jiray afar, oo Farbaarna waxaa dhawri jiray laba.
19 以上是科辣黑子孫和默辣黎子孫守門的班次。[殿內府庫守衛]
Intaasu waxay ahaayeen kooxihii iridjoogayaasha, oo waxayna ahaayeen reer Qorax iyo reer Meraarii.
20 他們的弟兄肋未人,掌管天主殿內的府庫,及聖物的府庫。
Oo mid ka mid ahaa reer Laawi oo Axiiyaah ahaana wuxuu u talin jiray khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii ay alaabta quduuska ahu tiil.
21 革爾雄族拉當的子孫中作族長的,是革爾雄足拉當的子孫耶希耳。
Kuwii reer Lacdaan ee reer Gershoon oo uu lahaa Lacdaan, oo ahaa madaxdii reerahooda oo uu lahaa Lacdaan oo ahaa reer Gershoon, waxay ahaayeen Yexii'eelii,
22 耶希耳與他的弟兄則堂和約厄耳掌管上主殿內的府庫。
iyo wiilashii Yexii'eelii oo ahaa Seetaam, iyo Yoo'eel oo walaalkiis ahaa, waxayna u talin jireen khasnadihii guriga Rabbiga.
23 至於阿默蘭族、依茲哈爾族、赫貝龍族和烏齊耳族:
Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel.
24 有梅瑟的兒子,革爾雄的子孫叔巴耳為府庫的司長。
Oo Shebuu'eel oo ahaa ina Gershoom, oo ahaa reer Muusena wuxuu ahaa taliye xukuma khasnadihii.
25 至於他的弟兄厄里厄則爾的子孫,是勒哈彼雅、耶沙雅、約蘭、齊革黎和舍羅米特。
Waxaana la jiray walaalihiis ahaa reer Eliiceser, kuwaasoo ahaa wiilkiisii Rexabyaah, iyo isagii wiilkiisii Yeshacyaah, iyo isagii wiilkiisii Yooraam, iyo isagii wiilkiisii Sikrii, iyo isagii wiilkiisii Shelomood.
26 這舍羅米特和他的弟兄們掌管府庫中的一切聖物,就是達味君王、各族長、千夫長、百夫長及軍官所獻的聖物、
Oo kuwan oo ah Shelomood iyo walaalihiis waxay u talin jireen khasnadihii alaabta quduuska ah, kuwaasoo ay quduus ka dhigeen Boqor Daa'uud, iyo madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishii ciidanku.
27 他們將戰爭時所掠奪的財物獻上,作為修建上主殿宇之用。
Maalkii boolida ahaa oo dagaalka lagu soo dhacay waxay quduus uga dhigeen si loogu cusboonaysiiyo gurigii Rabbiga.
28 此外,尚有「先見者」撒慕爾、克士的兒子撒烏耳、乃爾的兒子阿貝乃爾和責魯雅的兒子約阿布所獻的一切財物。總之,凡是奉獻之物,全由舍羅米特和他的弟兄們掌管。[委派各地長官]
Oo kulli waxyaalihii ay quduus ka dhigeen Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo Saa'uul ina Qiish, iyo Abneer ina Neer, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wax alla wixii quduus laga dhigay oo dhammu waxay ku jireen gacantii Shelomood iyo tii walaalihiis.
29 依茲哈爾的子孫革納尼雅和他的兒子充任官長和判官,處理以色列的外務。
Oo Kenanyaah iyo wiilashiisii oo ahaa reer Isehaarna waxay saraakiil iyo xaakinno u ahaayeen hawlaha dibadda oo reer binu Israa'iil.
30 赫貝龍的子孫哈沙彼雅和他的弟兄一千七百人,都是勇敢的人,負責約但河西以色列人所有關於上主和君王的事務。
Oo Xashabyaah iyo walaalihiis oo ahaa reer Xebroon, oo weliba ahaa rag xoog badan, oo tiradoodu ahayd kun iyo toddoba boqol oo nin, waxay u talin jireen reer binu Israa'iilkii dhanka galbeed oo Webi Urdun ka shisheeyey, iyo shuqulkii Rabbiga oo dhan, iyo adeegiddii boqorkaba.
31 赫貝龍族為族長的是耶黎雅。達味在位第四十年,曾按照赫貝龍族的族系和家世調查,在基肋阿得的雅則爾找到了這族的有力的勇士。
Oo reer Xebroonna Yeriyaah madax buu ahaa, intaasu waa reer Xebroon sidii dadka reerahoodu u kala dhasheen. Oo waxaa iyaga la doondoonay sannaddii afartanaad oo boqortooyadii Daa'uud, oo waxaa iyaga dhexdoodii laga helay rag xoog badan oo jooga Yacser tii reer Gilecaad.
32 耶黎雅的弟兄中有二千七百人,都是英勇之士,又兼為族長;達味君王便委派他們負責勒烏本人、加得人和默納協半支派的一切有關天主和君王的事務。
Oo walaalihiis oo ahaa rag xoog badanuna waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol oo nin, oo ah madaxdii qolooyinka kuwaasoo boqor Daa'uud uu ka dhigay inay taliyayaal ugu ahaadaan reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, xagga wax kasta oo xag Ilaah ku saabsan, iyo xagga danaha boqorkaba.

< 歷代志上 26 >