< 歷代志上 17 >
1 [達味想建聖殿]當達味住在宮殿時,對納堂先知說:「看,我住在香柏木的宮殿裡,上主的結約之櫃卻在帳幕裡。」
Oo waxay noqotay markii Daa'uud gurigiisii degay, in Daa'uud Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii axdiga Rabbigu wuxuu yaal daahyo hoostood.
2 納堂回答達味說:「你心中打算的,你全可照辦,因為上主與你同在。」
Markaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii qalbigaaga ku jira oo dhan samee, waayo, Ilaah baa kula jira.
Oo isla habeenkaas eraygii Ilaah baa u yimid Naataan oo ku yidhi,
4 你去告訴我的僕人達味,上主這樣說:不是你要為我建築殿宇居住。
Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxba guri aan dego ha ii dhisin,
5 我自從領以色列上來那天起,直到今天,從沒有住過殿宇,只從這帳棚到那帳棚,從這會幕到那會幕。
waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil soo bixiyey iyo tan iyo maantadan, laakiinse teendhaba teendho kalaan uga bixi jiray oo taambuugna mid kalaan uga bixi jiray.
6 在我與全以色列同行時,我何嘗向我立為牧養我民以色列的一個民長說過:你們為什麼不為我建造一座香柏木的殿宇﹖[天主許與達味鴻恩]
Oo meel kasta oo aan kula socday reer binu Israa'iil oo dhan, xaakinnadii reer binu Israa'iil oo aan ku amray inay quudiyaan dadkayga ma midkood baan eray kula hadlay, oo miyaan ku idhi, War maxaad iigu dhisi weydeen guri kedar ah?
7 現在你要對我的僕人達味說:萬軍的上主這樣說:是我揀選你離開牧場,離開放羊的事,作我民以色列的領袖。
Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
8 你不論往那裏去,我總是同你在一起,由你面前消滅你的一切仇敵。我要使你成名,像世上出名的大人物。
waanan kula jiray meel kastoo aad tagtayba, oo cadaawayaashaadii oo dhanna hortaadaan ka baabbi'iyey. Oo waxaan kuu bixin doonaa magac la mid ah magacyada kuwa waaweyn oo dhulka jooga.
9 我要為我民以色列安置一個地方,栽培他們,在那裏久住,再也不受驚擾,再也不像先前受惡人的蹂躪,
Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa, inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,
10 有如我為我民以色列立民長的時候一樣;我要降服你的一切仇敵。並且我告訴你:上主必要為你建立家室。
iyo tan iyo maalintii aan xaakinno ku amray inay dadkayga reer binu Israa'iil u taliyaan. Cadaawayaashaada oo dhanna waan jebin doonaa. Oo weliba waxaan kaloo kuu sheegayaa inuu Rabbigu reer kuu yeeli doono.
11 及至你日子滿期,到你祖先那裏去時,我必要在你以後給你興起一個後裔,即你所生的一個兒子,鞏固他的王權。
Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.
12 他要為我建造殿宇,我要鞏固他的王位,直到永遠。
Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.
13 我要作他的父親,他要作我的兒子;我決不使我的寵愛離棄他,有如離棄你以前那一位;
Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,
14 反要使他堅立在我的家和我的國中,至於永遠;他的王位永固不移。」
laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
15 納堂便照這一切話,將整個啟示告訴了達味。[達味謝恩]
Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.
16 達味就進去,端坐在上主面前說:「上主,天主! 我是誰﹖我的家族又算什麼,你竟領我到了這個地步!
Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Rabbow Ilaahow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
17 天主,者贊你眼裏還以為太小,而你又說明了你僕人家族的未來遠景,竟視我有如一個高貴的人,上主,天主!
Oo waxanu hortaada wuu ku yaraa, Ilaahow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, anoo addoonkaaga ah, oo weliba Rabbow Ilaahow, waxaad iiga fikirtay sidii nin darajo weyn leh.
18 為了你加於你僕人達味的光榮,我還有什麼話可向你說,你認識你的僕人。
Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa taasoo ku saabsan cisadii aad ii samaysay anoo addoonkaaga ah? Waayo, waad i garanaysaa.
19 上主! 你為了你的僕人,按照你的心意,成就了這些偉大的事,為將這些偉大的事彰顯出來。
Rabbow, aniga daraadday, iyo qalbigaaga siduu yahay, ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad waxyaalahan waaweyn oo dhan wada muujiso.
20 上主! 照我們耳朵所聽到的,沒有誰能與你相比;除你以外,也沒有別的神。
Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu.
21 世上又有那一個民族,能比得上你的民族以色列﹖天主竟親自將他們解救出來,作為自己的民族,為使你成名,就在你從埃及解救出來的人民前,行了大而可畏的奇事,驅散了異民;
Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan iyo inaad magac isugu yeesho waxyaalo waaweyn oo cabsi badan, markaad quruumaha ka eriday dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar?
22 你使你的民族以色列永遠作你的民族,你,上主做他們的天主。
Waayo, dadkaaga reer binu Israa'iil waxaad ka dhigtay inay dadkaaga ahaadaan weligood, oo Ilaahood baad noqotay, Rabbiyow.
23 上主! 現在求你永遠堅持你論及你僕人,及他的家室所說的話,照你所說的話履行罷!
Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel.
24 願這話堅定不移,願你的名永遠受尊崇,人人都說:萬軍的上主,以色列的天主,實在是以色列的天主。願你的僕役達味的家室,在你面前堅定不移!
Oo magacaaguna ha xoogaysto oo ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagu wuxuu Ilaah u yahay reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkaygu hortaaduu ku dhisan yahay.
25 我的天主! 因為是你啟示你的僕人,要為他建立家室,因此,你的僕人纔敢在你面前如此祈禱。
Waayo, Ilaahayow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan hortaada kugu baryo.
26 上主! 惟獨你是天主! 是你向你僕人應許了這些恩惠。
Haddaba Rabbiyow, adigu waxaad tahay Ilaah, oo waxan wanaagsan baad ii ballanqaadday, anoo addoonkaaga ah,
27 現在,就請你惠然祝福你僕人的家室,使它永遠在你面前存立。上主! 因為凡你祝福的,必永遠獲得祝福。」
oo waxaad ku faraxday inaad barakaysid reerkayga anoo addoonkaaga ah, inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, Rabbiyow, adigu waad barakaysay, oo wuu barakaysan yahay weligiis.