< Masalimo 106 >
1 Tamandani Yehova. Yamikani Yehova chifukwa ndi wabwino; pakuti chikondi chake ndi chosatha.
Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
2 Ndani angathe kufotokoza za ntchito zamphamvu za Yehova kapena kumutamanda mokwanira?
Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
3 Odala ndi amene amasunga chilungamo, amene amachita zolungama nthawi zonse.
Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
4 Mundikumbukire Yehova, pamene mukuonetsa kukoma mtima kwanu kwa anthu anu, bwerani mudzandithandize pamene mukuwapulumutsa iwo,
Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
5 kuti ndidzasangalale ndi chuma cha anthu anu osankhika, kuti ndidzakhale nacho chimwemwe cha anthu anu ndi kukhala pamodzi ndi cholowa chanu pa kukutamandani.
Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda, Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada, Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
6 Ife tachimwa monga momwe anachitira makolo athu; tachita zolakwa ndipo tachita moyipa.
Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
7 Pamene makolo athu anali mu Igupto, sanalingalire za zozizwitsa zanu; iwo sanakumbukire kukoma mtima kwanu kochuluka, ndipo anawukira Inu pa Nyanja Yofiira.
Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
8 Komabe Iye anawapulumutsa chifukwa cha dzina lake, kuti aonetse mphamvu zake zazikulu.
Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
9 Anadzudzula Nyanja Yofiira, ndipo inawuma; anawatsogolera mʼnyanja yakuya ngati akuyenda mʼchipululu.
Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Anawapulumutsa mʼdzanja la amaliwongo; anawawombola mʼdzanja la mdani.
Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Madzi anamiza adani awo, palibe mmodzi wa iwo anapulumuka.
Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii. Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Kenaka iwo anakhulupirira malonjezo ake ndi kuyimba nyimbo zamatamando.
Markaasay rumaysteen erayadiisii, Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 Koma posachedwa anayiwala zimene Iye anachita, ndipo sanayembekezere uphungu wake.
Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
14 Mʼchipululu, anadzipereka ku zilakolako zawo; mʼdziko lopanda kanthu anayesa Mulungu.
Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 Choncho Iye anawapatsa chimene anapempha, koma anatumiza nthenda yowondetsa.
Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
16 Mʼmisasa, anachitira nsanje Mose ndi Aaroni, amene Yehova anadzipatulira.
Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
17 Nthaka inatsekuka ndipo inameza Datani; inakwirira gulu la Abiramu.
Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 Moto unayaka pakati pa otsatira awo; lawi lamoto linapsereza anthu oyipa.
Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 Iwo anapanga mwana wangʼombe pa Horebu ndi kulambira fano loyengedwa kuchokera ku chitsulo.
Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
20 Anasinthanitsa ulemerero wawo ndi fano la ngʼombe yayimuna imene imadya udzu.
Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 Anayiwala Mulungu amene anawapulumutsa, amene anachita zinthu zazikulu mu Igupto,
Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 zozizwitsa mʼdziko la Hamu ndi machitidwe ake woopsa pa Nyanja Yofiira.
Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 Choncho Iye anawawuza kuti adzawawononga, pakanapanda Mose, mtumiki wake wosankhidwa, kuyima pamaso pake, ndi kuletsa mkwiyo wake kuti usawawononge.
Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 Motero iwo ananyoza dziko lokoma; sanakhulupirire malonjezo ake.
Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 Anangʼungʼudza mʼmatenti mwawo ndipo sanamvere Yehova.
Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 Kotero Iye analumbira atakweza dzanja lake, kuti adzachititsa kuti iwowo afere mʼchipululu,
Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 kuchititsa kuti zidzukulu zawo zifere pakati pa anthu a mitundu ina ndi kuwabalalitsa mʼdziko lonse.
Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 Iwo anayamba kupembedza Baala-Peori ndi kudya nsembe zoperekedwa kwa milungu yopanda moyo;
Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 anaputa mkwiyo wa Yehova pa machitidwe awo oyipa, ndipo mliri unabuka pakati pawo.
Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
30 Koma Finehasi anayimirira ndi kulowererapo, ndipo mliri unaleka.
Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
31 Chimenechi ndicho chinayesedwa chilungamo chake, kwa mibado yosatha imene ikubwera.
Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 Pa madzi a ku Meriba iwo anakwiyitsa Yehova ndipo mavuto anabwera kwa Mose chifukwa cha anthuwo,
Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
33 pakuti iwowo anawukira mzimu wa Mulungu, ndipo pa milomo ya Mose panatuluka mawu osayenera.
Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
34 Aisraeliwo sanawononge mitundu ya anthu monga momwe Yehova anawalamulira.
Dadyowgiina uma ay baabbi'in, Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
35 Koma anasakanizana ndi anthu a mitundu inayo ndi kuphunzira miyambo yawo.
Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii, Shuqulladoodiina way barteen,
36 Ndipo anapembedza mafano awo, amene anakhala msampha kwa iwowo.
Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
37 Anapereka nsembe ana awo aamuna ndi ana awo aakazi kwa ziwanda.
Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 Anakhetsa magazi a anthu osalakwa, magazi a ana awo aamuna ndi a ana awo aakazi, amene anawapereka nsembe kwa mafano a ku Kanaani, ndipo dziko linayipitsidwa ndi magazi awo.
Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 Iwo anadzidetsa okha ndi zimene anachita; ndi machitidwe awo amakhala ngati munthu wachigololo.
Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 Tsono Yehova anakwiya ndi anthu ake ndipo ananyansidwa ndi cholowa chake.
Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Iye anawapereka kwa anthu a mitundu ina, ndipo adani awo anawalamulira.
Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Adani awo anawazunza ndi kuwakhazika pansi pa mphamvu yawo.
Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Iye ankawapulumutsa nthawi zambiri, koma iwo ankatsimikiza za kuwukira ndipo anawonongeka mʼmachimo awo.
Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Koma Iye anaona kuzunzika kwawo pamene anamva kulira kwawo;
Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,
45 Chifukwa cha iwo Iye anakumbukira pangano lake ndipo anawalezera mtima chifukwa cha kukula kwa chikondi chake.
Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Iye anachititsa kuti amene anawagwira iwo ukapolo awamvere chisoni.
Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Tipulumutseni Inu Yehova Mulungu wathu, ndipo mutisonkhanitse kuchoka kwa anthu a mitundu ina kuti tithe kuyamika dzina lanu loyera ndi kunyadira mʼmatamando anu.
Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Atamandike Yehova, Mulungu wa Israeli, Kuyambira muyaya mpaka muyaya. Anthu onse anene kuti, “Ameni!” Tamandani Yehova.
Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.