< Masalimo 105 >

1 Yamikani Yehova, itanani dzina lake; lalikirani pakati pa anthu a mitundu ina zimene Iye wachita.
Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
2 Imbirani Iye, imbani matamando kwa Iyeyo; fotokozani za machitidwe ake onse odabwitsa.
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
3 Munyadire dzina lake loyera; mitima ya iwo amene amafunafuna Yehova ikondwere.
Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
4 Dalirani Yehova ndi mphamvu zake; funafunani nkhope yake nthawi yonse.
Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
5 Kumbukirani zodabwitsa zimene Iye anazichita, zozizwitsa zake ndi maweruzo amene anapereka,
Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
6 inu zidzukulu za Abrahamu mtumiki wake, inu ana a Yakobo, osankhika ake.
Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
7 Iye ndiye Yehova Mulungu wathu; maweruzo ake ali pa dziko lonse lapansi.
Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
8 Iyeyo amakumbukira pangano lake kwamuyaya, mawu amene analamula kwa mibado yonse,
Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
9 pangano limene Iye anapanga ndi Abrahamu, lumbiro limene analumbira kwa Isake.
Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Iye analitsimikiza kwa Yakobo monga zophunzitsa, kwa Israeli monga pangano lamuyaya:
Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 “Ndidzapereka kwa iwe dziko la Kanaani ngati gawo la cholowa chako.”
Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
12 Pamene iwo anali ngati anthu ochepa mʼchiwerengero, ochepa ndithu, ndiponso alendo mʼdzikolo,
Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
13 ankayendayenda kuchoka ku mtundu wina wa anthu ndi kupita ku mtundu wina, kuchoka mu ufumu wina kupita ku wina.
Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen, Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
14 Iye sanalole wina aliyense kuwapondereza; anadzudzula mafumu chifukwa cha iwo:
Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
15 “Musakhudze odzozedwa anga; musachitire choyipa aneneri anga.”
Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
16 Iye anabweretsa njala pa dziko ndipo anawononga chakudya chonse;
Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo, Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
17 Iyeyo anatumiza munthu patsogolo pawo, Yosefe anagulitsidwa ngati kapolo.
Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
18 Iwo anavulaza mapazi ake ndi matangadza, khosi lake analiyika mʼzitsulo,
Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago, Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
19 mpaka zimene Iye ananeneratu zitakwaniritsidwa, mpaka mawu a Yehova ataonetsa kuti Iye ananena zoona.
Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
20 Mfumu inatuma munthu kukamumasula, wolamulira wa mitundu ya anthu anamasula iyeyo.
Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
21 Anamuyika kukhala wolamulira nyumba yake, wolamulira zonse zimene iye anali nazo,
Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22 kulangiza ana a mfumu monga ankafunira ndi kuphunzitsa nzeru akuluakulu.
Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23 Tsono Israeli analowa mu Igupto; Yakobo anakhala monga mlendo mʼdziko la Hamu.
Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Yehova anachulukitsa anthu ake; ndipo anachititsa kuti akhale ochuluka kwambiri kuposa adani awo;
Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 amene mitima yawo anayitembenuza kuti idane ndi anthu ake, kukonzera chiwembu atumiki ake.
Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Yehova anatuma Mose mtumiki wake, ndi Aaroni amene Iye anamusankha.
Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse, Iyo Haaruun oo uu doortay.
27 Iwo anachita zizindikiro zozizwitsa pakati pawo, zodabwitsa zake mʼdziko la Hamu.
Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
28 Yehova anatumiza mdima nasandutsa dziko kuti likhale la mdima. Koma anthuwo anakaniratu mawu a Yehova.
Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
29 Yehova anasandutsa madzi awo kukhala magazi, kuchititsa kuti nsomba zawo zife.
Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
30 Dziko lawo linadzaza ndi achule amene analowa mʼzipinda zogona za olamulira awo.
Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.
31 Iye anayankhula, ndipo kunabwera ntchentche zochuluka ndi nsabwe mʼdziko lawo lonse.
Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
32 Iyeyo anatembenuza mvula yawo kukhala matalala, ndi zingʼaningʼani mʼdziko lawo lonse;
Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
33 Anagwetsa mitengo yawo ya mpesa ndi mitengo yawo ya mkuyu, nawononganso mitengo ina ya mʼdziko lawolo.
Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
34 Iye anayankhula, ndipo dzombe linabwera, ziwala zosawerengeka;
Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax, Iyo diir aan la tirin karin,
35 zinadya chilichonse chobiriwira cha mʼdziko lawo, zinadya zonse zotuluka mʼnthaka yawo.
Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
36 Kenaka anakantha ana onse oyamba kubadwa a mʼdziko lawo, zipatso zoyamba za umunthu wawo wonse.
Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
37 Yehova anatulutsa Israeli, atatenga siliva ndi golide wambiri, ndipo pakati pa mafuko awo palibe mmodzi amene anafowoka.
Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab, Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Dziko la Igupto linakondwa pamene iwo anachoka, pakuti kuopsa kwa Israeli kunawagwera iwo.
Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Iye anatambasula mitambo ngati chofunda chawo, ndi moto owawunikira usiku.
Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Iwo anapempha, ndipo Iye anawabweretsera zinziri ndipo anawakhutitsa ndi chakudya chochokera kumwamba.
Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Iye anatsekula thanthwe, ndipo madzi anatuluka; ngati mtsinje anayenda mʼchipululu.
Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Pakuti anakumbukira lonjezo lake loyera limene linaperekedwa kwa Abrahamu mtumiki wake.
Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Iye anatulutsa anthu ake akukondwera, osankhika ake akufuwula mwachimwemwe;
Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan, Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Iye anawapatsa mayiko a anthu a mitundu ina ndipo anakhala olowamʼmalo a zimene ena anazivutikira,
Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha, Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 kuti iwo asunge malangizo ake ndi kutsatira malamulo ake. Tamandani Yehova.
Inay amarradiisa dhawraan, Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan. Rabbiga ammaana.

< Masalimo 105 >