< Nahumu 3 >

1 Tsoka kwa mzinda wopha anthu, mzinda wodzaza ndi mabodza, mzinda wodzaza ndi anthu olanda zinthu anzawo, mu mzinda mʼmene simusowa anthu osautsidwa nthawi zonse!
Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga! Waayo, dhammaanteed waxaa ka buuxa been iyo dhac, oo boobkuna iyada kama dhammaado.
2 Kulira kwa zikwapu, mkokomo wa mikombero, kufuwula kwa akavalo ndiponso phokoso la magaleta!
Oo waxaa ka buuxa dhawaaqa karbaashka, iyo dhawaaqa giraangiraha qablamaya, iyo fardo qoobqaadaya, iyo gaadhifardoodyo boodboodaya,
3 Kuthamanga kwa anthu okwera pa akavalo, kungʼanima kwa malupanga ndi kunyezimira kwa mikondo! Anthu ambiri ophedwa, milumilu ya anthu akufa, mitembo yosawerengeka, anthu akupunthwa pa mitemboyo.
iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,
4 Zonsezi ndi chifukwa cha zilakolako za mkazi wachiwerewere, wokopa anthu uja, mkazi wochita zamatsenga, amene anakopa mitundu ya anthu ndi zachiwerewere zake, ndiponso anthu a mitundu ina ndi zaufiti zake.
maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.
5 Yehova Wamphamvuzonse akuti, “Ine ndikutsutsana nawe. Ndidzakuvula chovala chako. Anthu a mitundu ina ndidzawaonetsa umaliseche wako ndipo udzachita manyazi pamaso pa maufumu onse.
Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.
6 Ndidzakuthira zonyansa, ndidzakuchititsa manyazi ndiponso kukusandutsa chinthu choseketsa.
Oo wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.
7 Onse amene adzakuona adzakuthawa ndipo adzati, ‘Ninive wasanduka bwinja, adzamulira ndani?’ Kodi ndingamupeze kuti munthu woti nʼkukutonthoza?”
Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?
8 Kodi ndiwe wopambana Tebesi, mzinda wokhala mʼmbali mwa Nailo, wozunguliridwa ndi madzi? Mtsinjewo unali chitetezo chake, madziwo anali linga lake.
Bal adigu miyaad ka wanaagsan tahay Noo Aamoon, taasoo webiyada dhexdooda ku jirtay, oo ay biyuhu ku hareeraysnaayeen, oo dhufayskeedu u badda ahaa, derbigeeduna u badda ahaa?
9 Mphamvu zake zinali Kusi ndi Igupto, Puti ndi Libiya anali ena mwa abwenzi ake.
Itoobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.
10 Komabe anthu a ku Tebesi anagwidwa ndipo anapita ku ukapolo. Ana ake anawaphwanyitsa pansi mʼmisewu yonse ya mu mzindamo. Anachita maere ogawana anthu ake otchuka, ndipo anthu ake onse amphamvu anamangidwa ndi maunyolo.
Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.
11 Iwenso Ninive udzaledzera; udzabisala ndipo udzafunafuna malo othawirako kuopa mdani.
Oo weliba adigu waad sakhraami doontaa oo waad qarsoonaan doontaa, adiguna cadowga aawadiis dufays baad doondooni doontaa.
12 Malo ako onse otetezedwa ali ngati mitengo ya mkuyu yokhala ndi zipatso zoyambirira kucha; pamene agwedeza mitengoyo, nkhuyuzo zimagwera mʼkamwa mwa wofuna kuzidya.
Qalcadahaaga oo dhammu waxay noqon doonaan sida geedo berde ah oo midho hore u bislaaday ku yaalliin, oo haddii la ruxruxo waxay ku soo daatan kan wax cuna afkiisa.
13 Tayangʼana ankhondo ako, onse ali ngati akazi! Zipata za dziko lako zatsekukira adani ako; moto wapsereza mipiringidzo yake.
Bal eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.
14 Tungani madzi woti mudzamwe nthawi ya kuzunguliridwa kwanu, limbitsani chitetezo chanu! Pondani dothi, ikani mʼchikombole, konzani khoma la njerwa!
Biyo u soo dhaanso hareeraynta aawadeed, oo qalcadahaagana adkee. Dhoobada dhex gal, oo dhigada ku joogjoogso, oo xoog u yeel meesha lebenka lagu dubo.
15 Kumeneko moto udzakupserezani; lupanga lidzakukanthani ndipo lidzakuwonongani ngati likuwononga ziwala. Chulukanani ngati ziwala, chulukanani ngati dzombe!
Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.
16 Mwachulukitsa chiwerengero cha anthu a malonda anu mpaka kupambana nyenyezi za mlengalenga, koma iwo ngati dzombe akuwononga dziko ndipo kenaka akuwuluka nʼkuchoka.
Baayacmushtariyaashaadii waxaad ka sii badisay xiddigaha samada, koronkorraduse intay wax cunto bay iska duushaa.
17 Akalonga ako ali ngati dzombe, akuluakulu ako ali ngati gulu la dzombe limene lamatirira pa khoma nthawi yozizira, koma pamene dzuwa latuluka limawuluka, ndipo palibe amene amadziwa komwe lapita.
Kuwaaga taajka lahu waa sidii ayax oo kale, oo karraaniyaashaaduna waa sidii kobojaan raxan ah, kaasoo maalintii qabow xaydaanka dhex dega, laakiinse kolkii qorraxdu soo baxdo way iska cararaan, oo meeshay joogaan lama yaqaan.
18 Iwe mfumu ya ku Asiriya, abusa ako agona tulo; anthu ako olemekezeka amwalira. Anthu ako amwazikira ku mapiri popanda ndi mmodzi yemwe wowasonkhanitsa.
Boqorkii Ashuurow, adhijirradaadii lulo baa haysa, geesiyaashaadii way nasanayaan, dadkaagii wuxuu ku kala firidhsan yahay buuraha dushooda, oo wax iyaga soo ururiyana lama arko.
19 Palibe chimene chingachize bala lako; chilonda chako sichingapole. Aliyense amene amamva za iwe amawomba mʼmanja chifukwa cha kugwa kwako, kodi alipo amene sanazilawepo nkhanza zako zosatha?
Nabarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?

< Nahumu 3 >