< Levitiko 12 >
1 Yehova anayankhula ndi Mose kuti,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 “Awuze Aisraeli kuti, ‘Mkazi akakhala woyembekezera, nabala mwana wa mwamuna, mkaziyo adzakhala wodetsedwa kwa masiku asanu ndi awiri, ngati pa masiku ake akusamba.
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.
3 Pa tsiku lachisanu ndi chitatu, mwanayo achite mdulidwe.
Oo maalinta siddeedaadna wiilka buuryadiisa ha la gudo.
4 Mkaziyo adikire masiku ena 33 kuti ayeretsedwe ku matenda ake. Asakhudze kanthu kalikonse koyera kapena kulowa mʼmalo wopatulika mpaka masiku a kuyeretsedwa kwake atatha.
Oo iyadu waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda saddex iyo soddon maalmood oo kale, oo waa inayan taaban wax quduus ah, waana inayan meesha quduuska ah gelin ilamaa maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan.
5 Ngati abala mwana wamkazi, adzakhala wodetsedwa kwa masabata awiri, monga zikhalira pa nthawi yake yosamba. Ndipo mkaziyo adikire masiku ena 66, kuti ayeretsedwe ku matenda akewo.
Laakiinse hadday gabadh dhasho, markaas intii laba toddobaad ah waa inay nijaas ahaataa sidii markay xagga dhiigga nijaas ka tahay, oo waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda lix iyo lixdan maalmood oo kale.
6 “‘Masiku ake wodziyeretsa akatha, kaya ndi a mwana wamwamuna kapena a mwana wamkazi, abwere kwa wansembe ndi mwana wankhosa wa chaka chimodzi pa khomo la tenti ya msonkhano kuti ikhale nsembe yopsereza. Abwerenso ndi chiwunda cha nkhunda kapena njiwa kuti ikhale nsembe yopepesera machimo.
Oo markii maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan wiilkeeda aawadiis ama gabadheeda aawadeed waa inay keentaa wan gu jira oo qurbaan la gubo aawadiis loo bixiyo, iyo xamaam yar ama qoolley oo qurbaan dembi aawadiis loo bixiyo oo waa inay wadaadka ugu keentaa teendhada shirka iriddeeda.
7 Wansembeyo apereke zimenezi pamaso pa Yehova pochita mwambo wopepesera mkaziyo. Ndipo mkaziyo adzakhala woyeretsedwa ku msambo wake. “‘Amenewa ndiwo malamulo a mkazi amene wabala mwana wamwamuna kapena wamkazi.
Oo isna qurbaankaas waa inuu ku bixiyaa Rabbiga hortiisa, oo waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana dhiigbixiddeeda way ka daahirsanaan doontaa. Kanu waa sharciga ku saabsan tii dhasha ama wiil ha ahaado ama gabadhe.
8 Ngati mkaziyo sangathe kupeza mwana wankhosa, abwere ndi njiwa ziwiri kapena mawunda ankhunda awiri: imodzi ikhale ya nsembe yopsereza ndipo inayo ikhale ya nsembe yopepesera machimo. Tsono wansembe achite mwambo wopepesera wa mkaziyo ndipo adzayeretsedwa.’”
Oo haddii lacagteedu ayan wan ugu filnaynna waa inay keentaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo midkood waa in loo bixiyaa qurbaan la gubo aawadiis, kan kalena waa in loo bixiyaa qurbaan dembi aawadiis, oo wadaadkuna waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana daahir bay ahaan doontaa.