< Oweruza 1 >
1 Atamwalira Yoswa Aisraeli anafunsa Yehova kuti, “Ndani mwa ife ayambe nkhondo yomenyana ndi Akanaani?”
Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?
2 Yehova anayankha kuti, “Fuko la Yuda ndilo liyambe kupita. Ndawapatsa dzikolo mʼmanja mwawo.”
Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
3 Choncho Ayuda anawuza abale awo a fuko la Simeoni kuti, “Bwerani tipitire limodzi mʼdziko limene tapatsidwa kuti tikamenyane ndi Akanaani. Ifenso tidzapita nanu mʼdziko limene anakugawirani.” Ndipo Asimeoni anapita nawo.
Markaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.
4 Choncho Ayuda ananyamuka, ndipo Yehova anapereka Akanaani ndi Aperezi mʼmanja mwawo. Ndipo anapha anthu 10,000 ku Bezeki.
Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
5 Ku Bezekiko anakumana ndi ankhondo a mfumu Adoni-Bezeki ndipo anamenyana nawo, ndipo Ayudawo anagonjetsa Akanaani ndi Aperezi.
Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.
6 Adoni-Bezekiyo anathawa, koma anamuthamangira ndi kumupeza, namugwira. Atamugwira anamudula zala zake zazikulu za ku manja ndi miyendo.
Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.
7 Tsono Adoni-Bezeki anati, “Mafumu 70 omwe anadulidwa zala zazikulu za ku manja ndi miyendo yawo ankatola nyenyeswa pansi pa tebulo langa. Mulungu tsopano wandibwezera zomwe ndinawachita.” Kenaka anapita naye ku Yerusalemu ndipo anafera komweko.
Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaalmariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.
8 Pambuyo pake Ayuda anakathira nkhondo mzinda wa Yerusalemu ndipo anawulanda. Anapha anthu ambiri ndi kutentha mzinda wonse.
Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.
9 Kenaka Ayuda anapita kukamenyana ndi Akanaani omwe amakhala ku dziko la ku mapiri, dziko la Negevi kummwera ndiponso mu zigwa.
Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.
10 Anakalimbananso ndi Akanaani amene ankakhala ku Hebroni (mzinda womwe kale unkatchedwa Kiriyati-Araba). Kumeneko anagonjetsa Sesai, Ahimani ndi Talimai.
Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.
11 Kuchokera kumeneko, iwo anakathira nkhondo anthu amene ankakhala ku Debri (mzindawu poyamba unkatchedwa Kiriati Seferi).
Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).
12 Tsono Kalebe anati, “Munthu amene angathire nkhondo mzinda wa Kiriati Seferi ndi kuwulanda, ndidzamupatsa mwana wanga Akisa kuti akhale mkazi wake.”
Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
13 Otanieli mwana wa Kenazi, mngʼono wake wa Kalebe, ndiye anawulanda. Choncho Kalebe anamupatsa mwana wake Akisa kuti akhale mkazi wake.
Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
14 Tsiku lina atafika Akisayo, Otanieli anamuwumiriza mkazi wakeyo kuti apemphe munda kwa Kalebe abambo ake. Pamene Akisa anatsika pa bulu wake, Kalebe anamufunsa kuti, “Kodi ukufuna ndikuchitire chiyani?”
Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?
15 Iye anayankha kuti, “Mundikomere mtima. Popeza mwandipatsa ku Negevi, kumalo kumene kulibe madzi, mundipatsenso akasupe amadzi.” Choncho Kalebe anamupatsa akasupe a kumtunda ndi a kumunsi.
Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.
16 Tsono zidzukulu za Hobabu, Mkeni uja, mpongozi wa Mose, zinachoka ku Yeriko mzinda wa migwalangwa pamodzi ndi anthu a fuko la Yuda mpaka ku chipululu chimene chili kummwera kwa Aradi ndi kukakhala ndi Aamaleki.
Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.
17 Kenaka anthu a fuko la Yuda anapita pamodzi ndi abale awo a fuko la Simeoni ndi kukagonjetsa Akanaani amene amakhala ku Zefati, ndipo mzindawo anawuwononga kwambiri. Choncho mzindawo anawutcha Horima.
Oo reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi'iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.
18 Anthu a fuko la Yuda analandanso mzinda wa Gaza ndi dziko lonse lozungulira, mzinda wa Asikeloni pamodzi ndi dziko lake lonse lozungulira, ndi mzinda wa Ekroni pamodzi ndi dziko lonse lozungulira.
Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.
19 Yehova anathandiza anthu a fuko la Yuda. Iwo analanda dziko la kumapiri, koma sanathe kuwachotsa anthu ku zigwa, chifukwa anali ndi magaleta azitsulo.
Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.
20 Monga analonjezera Mose, Kalebe anapatsidwa Hebroni. Kalebe anapirikitsa mafuko atatu a Anaki mu mzindamo.
Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.
21 Koma fuko la Benjamini linalephera kuwachotsa Ayebusi, amene amakhala mu Yerusalemu. Choncho Ayebusiwo akukhalabe ndi fuko la Benjamini mu Yerusalemu mpaka lero.
Oo reer Benyaamiin ma ay eryin dadkii reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay Yeruusaalem la degganaayeen reer Benyaamiin ilaa maantadan la joogo.
22 A banja la Yosefe nawonso anathira nkhondo mzinda wa Beteli, ndipo Yehova anali nawo.
Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.
23 Anatumiza anthu kuti akazonde Beteli. Mzindawo kale unkatchedwa Luzi.
Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)
24 Anthu okazondawo anaona munthu akutuluka mu mzindamo ndipo anamuwuza kuti, “Tisonyeze njira yolowera mu mzindamu, ndipo ife tidzakuchitira chifundo.”
Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.
25 Choncho iye anawaonetsa njirayo, ndipo iwo anapha anthu onse mu mzindamo ndi lupanga koma munthu uja pamodzi ndi banja lake sanawaphe.
Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.
26 Ndipo iye anapita ku dziko la Ahiti, kumene anamangako mzinda nawutcha dzina lake Luzi. Mpaka lero lino mzindawo dzina lake ndi lomwelo.
Markaasaa ninkii wuxuu tegey dalkii reer Xeed, oo halkaasuu magaalo ka dhisay, oo magaceediina wuxuu u bixiyey Luus, kaasoo ah magaceeda ilaa maantadan la joogo.
27 Koma a fuko la Manase sanachotse nzika za mzinda wa Beti-Seani pamodzi ndi mʼmidzi yake yozungulira, kapena nzika za mzinda wa Taanaki ndi mʼmidzi yake yozungulira, kapenanso nzika za mzinda wa Dori ndi mʼmidzi yake yozungulira. Iwo sanapirikitse nzika za mzinda wa Ibuleamu ndi mʼmidzi yake yozungulira, kapena mzinda wa Megido ndi mʼmidzi yake yozungulira. Choncho Akanaani anapitirirabe kukhala mʼdzikomo.
Oo reer Manasehna ma ay eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, ama kuwii Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, laakiinse reer Kancaan waxay doonayeen inay dalkaas degganaadaan.
28 Aisraeli atakhala amphamvu, anawagwiritsa Akanaaniwo ntchito yakalavulagaga, koma sanawapirikitse.
Oo markii ay reer binu Israa'iil xoogaysteen ayay reer Kancaan addoonsadeen oo mana ay wada eryin.
29 Nawonso Aefereimu sanathamangitse Akanaani amene amakhala mu Gezeri, choncho Akanaaniwo ankakhalabe pakati pawo ku Gezeriko.
Oo reer Efrayimna ma ay eryin dadkii reer Kancaan oo degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan iyagay la degganaayeen Geser.
30 Azebuloni sanathamangitse Akanaani amene amakhala mu Kitironi kapena a ku Nahaloli. Iwo ankakhala pakati pawo ndipo ankawagwiritsa ntchito yakalavulagaga.
Oo reer Sebulunna ma ay eryin dadkii degganaa Qitroon, iyo dadkii degganaa Nahalaal, laakiinse reer Kancaan waxay degganaayeen iyaga dhexdooda, oo addoommo ayay u noqdeen.
31 A fuko la Aseri nawo sanathamangitse amene amakhala mu Ako, Sidoni, Ahilabu, Akizibu, Heliba, Afiki, ndi Rehobu.
Oo reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, ama dadkii degganaa Siidoon, ama kuwii Axlaab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiiq, ama kuwii Rexob.
32 Choncho anthu a fuko la Aseri anakhala pakati pa Akanaani amene ankakhala mʼdzikomo popeza sanawapirikitse.
Laakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, maxaa yeelay, iyagu ma ay eryin.
33 Nalonso fuko la Nafutali silinathamangitse anthu amene ankakhala ku Beti Semesi kapena ku Beti Anati. Koma Anafutaliwo ankakhala pakati pa Akanaaniwo mʼdzikomo. Koma anthu amene ankakhala ku Beti Semesi ndi ku Beti Anati anawasandutsa kukhala ogwira ntchito yathangata.
Oo reer Naftaalina ma ay eryin dadkii degganaa Beytshemesh ama dadkii degganaa Beytcanaad; laakiinse wuxuu degganaa reer Kancaan dhexdooda, kuwaasoo ahaa dadkii dalka degganaa; habase yeeshee dadkii degganaa Beytshemesh iyo Beytcanaad addoommo ayaa u noqdeen iyaga.
34 Aamori anapirikitsira anthu a fuko la Dani ku dziko la ku mapiri popeza sanawalole kuti atsikire ku chigwa.
Markaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.
35 Aamori anatsimikiza mtima zokhalabe ku phiri la Hara-Heresi, ku Ayaloni, ndiponso ku Saalibimu. Koma a fuko la Yosefe anakula mphamvu ndipo anagwiritsa Aamoriwo ntchito yakalavulagaga.
Laakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo ku taal Ayaaloon iyo Shacalbiim; laakiinse waxaa ka adkaatay gacantii reer Yuusuf, oo sidaas daraaddeed addoommo ayay u noqdeen.
36 Malire a Aamori anayambira ku chikweza cha Akirabimu nʼkulowera ku Sela napitirira kumapita chakumapiri ndithu.
Oo xuduudkii reer Amorna wuxuu ka bilaabmayay meesha laga koro Caqrabbiim marka laga bilaabo Selac iyo inta ka sarraysa.