< Yobu 28 >

1 Pali mgodi wa siliva ndiponso malo oyengerapo golide.
Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.
2 Chitsulo amachikumba pansi, ndipo mkuwa amawusungunula ku miyala yamkuwa.
Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.
3 Munthu amalowa mu mdima atatenga nyale, amafunafuna miyala mpaka ku malire a mgodiwo, kufuna mkuwa mu mdima wandiweyani.
Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.
4 Amakumba njira zapansi mu mgodimo, kutali ndi kumene kumakhala anthu, kumalo kumene phazi la munthu silinapondeko; iye amakhala ali lende pansipo namazungulira uku ndi uku.
Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.
5 Nthaka, imene imatulutsa zakudya, kunsi kwake kumachita ngati kwasandulizika ndi moto;
Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.
6 miyala ya safiro imachokera mʼmatanthwe ake, ndipo mʼfumbi lake mumakhala miyala yagolide.
Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.
7 Palibe mbalame yodya zinzake imene imadziwa njira yobisikayi, palibe kamtema amene anayiona.
Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,
8 Zirombo zolusa sizipondamo mʼnjiramo, ndipo mkango sudzeranso mʼmenemo.
Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.
9 Munthu amaphwanya matanthwe olimba, ndipo amagubuduza mapiri kuyambira mʼtsinde.
Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.
10 Amabowola njira mʼmatanthwewo; ndipo amaona chuma chonse cha mʼphirimo.
Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.
11 Amaletsa mitsinje ya pansipo kuti isayendenso, motero amatulutsira poyera zinthu zobisika.
Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.
12 “Koma nzeru zingapezeke kuti? Kodi kumvetsa zinthu kumakhala kuti?
Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
13 Munthu sadziwa kufunika kwake kwa nzeruzo; nzeruyo sipezeka pa dziko lino la anthu amoyo.
Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.
14 Phompho likuti, ‘Sizipezeka mwa ine muno.’ Nyanja ikuti, ‘Mwa ine munonso ayi.’
Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.
15 Nzeru sungazigule ndi golide wabwino kwambiri, mtengo wake sungawuyerekeze ndi siliva wambiri.
Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.
16 Nzeru singagulidwe ndi golide wa ku Ofiri, kapena ndi miyala ya onikisi kapena ya safiro.
Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.
17 Nzeru sungayiyerekeze ndi golide kapena mwala wa galasi, sungayigule ndi zokometsera zagolide.
Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.
18 Miyala ya korali ndi krisitali siyoyeneranso ndi kuyitchula nʼkomwe; mtengo wa nzeru ndi woposa miyala ya rubi.
Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.
19 Nzeru sungayiyerekeze ndi miyala ya topazi ya ku Kusi; nzeru singagulidwe ndi golide wabwino kwambiri.
Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.
20 “Kodi tsono nzeru zimachokera kuti? Kodi kumvetsa zinthu kumakhala kuti?
Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
21 Malo ake ndi obisika kwa zamoyo zonse, ndi obisika ngakhale kwa mbalame zamlengalenga.
Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.
22 Chiwonongeko ndi imfa zikuti, ‘Tangomva mphekesera chabe ya zimenezo!’
Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.
23 Mulungu yekha ndiye amadziwa njira yake yopita kumeneko, ndipo Iye yekha amadziwa kumene nzeru imakhala,
Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.
24 pakuti Iye amayangʼana mpaka ku malekezero a dziko lapansi ndipo amaona zonse za kunsi kwa thambo.
Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
25 Iye atapatsa mphepo mphamvu zake, nayeza kuzama kwa nyanja,
Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.
26 atakhazikitsa lamulo loti mvula izigwa ndi kukonza njira ya chingʼaningʼani cha bingu,
Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,
27 pamenepo ndi pamene anayangʼana nzeruzo naziyeza mtengo wake; nazikhazikitsa ndi kuzisanthula bwino lomwe.
Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.
28 Ndipo Iye anati kwa munthu, ‘Taonani, kuopa Ambuye, ndiye nzeru zimenezo ndipo kuthawa zoyipa ndiye kumvetsa zinthu kumeneko.’”
Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.

< Yobu 28 >