< Hoseya 2 >

1 “Nena kwa abale ako kuti, ‘Ndinu anthu anga,’ kwa alongo ako kuti ‘Ndinu okondedwa anga.’”
Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, Ruxaamaah.
2 “Dzudzulani amayi anu, adzudzuleni iwo, pakuti si mkazi wanga, ndipo ine sindine mwamuna wake. Iyeyo achotse maonekedwe adama pa nkhope yake, ndi kusakhulupirika pa mawere ake.
Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,
3 Akapanda kutero ndidzamuvula, ndipo adzakhala wamaliseche monga tsiku limene anabadwa; ndidzamuwumitsa ngati chipululu, adzakhala ngati dziko lopanda madzi, ndi kumupha ndi ludzu.
si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.
4 Sindidzaonetsa chikondi changa pa ana ake, chifukwa ndi ana a mʼchiwerewere.
Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed.
5 Amayi awo akhala akuchita zachiwerewere ndipo anawabereka anawo akuchita zinthu zochititsa manyazi. Iwo anati, ‘Ine ndidzatsatira zibwenzi zanga, zimene zimandipatsa chakudya ndi madzi, ubweya ndi thonje, mafuta ndi chakumwa.’
Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.
6 Choncho njira yake ndidzayitseka ndi minga; ndidzamuzinga ndi khoma kotero kuti sadzapezanso njira yotulukira.
Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.
7 Adzathamangira zibwenzi zake koma sadzazipeza; adzazifunafuna koma sadzazipeza. Pamenepo iye adzati, ‘Ndibwerera kwa mwamuna wanga woyamba uja, pakuti ndinali pabwino ndi iyeyo kusiyanitsa ndi pano.’
Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.
8 Iye sanazindikire kuti ndine amene ndinkamupatsa tirigu, vinyo watsopano ndi mafuta. Ndine amene ndinkamukhuthulira siliva ndi golide, zimene ankapangira mafano a Baala.
Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen.
9 “Choncho Ine ndidzamulanda tirigu wanga pa nthawi yokolola, ndi vinyo wanga watsopano pa nthawi yopsinya mphesa. Ndidzamulanda ubweya ndi thonje langa, zomwe akanaphimba nazo umaliseche wake.
Haddaba sidaas daraaddeed anigu hadhuudhkayga wakhtigiisa waan ceshan doonaa, oo khamrigaygana xilligiisa waan ceshan doonaa, oo suufkayga iyo waxayga linenka ah ee cawradeeda dedi lahaana waan ka qaadi doonaa.
10 Motero tsopano ndidzaonetsa maliseche ake pamaso pa zibwenzi zake; palibe ndi mmodzi yemwe adzamupulumutse mʼmanja mwanga.
Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.
11 Ndidzathetsa zikondwerero zake zonse: zikondwerero zake za chaka ndi chaka, za mwezi watsopano, za pa masiku a Sabata ndi maphwando ake onse a pa masiku okhazikitsidwa.
Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba.
12 Ndidzawononga mitengo yake ya mpesa ndi mitengo yake yamkuyu, imene iye ankanena kuti inali malipiro ake ochokera kwa zibwenzi zake. Ndidzayisandutsa chithukuluzi, ndipo zirombo zakuthengo zidzadya zipatsozo.
Oo waxaan baabbi'in doonaa geedaheedii canabka ahaa iyo dhirteedii berdaha ahayd oo ay iyadu tidhi, Kuwanu waa kiradaydii ay kuwii i caashaqi jiray i siiyeen. Oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa duud, waxaana daaqi doona xayawaanka duurka.
13 Ndidzamulanga chifukwa cha masiku amene anafukiza lubani kwa Abaala; anadzikongoletsa povala mphete ndi mikanda yamtengowapatali ndipo anathamangira zibwenzi zake, koma Ine anandiyiwala,” akutero Yehova.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan iyada u taqsiiri doonaa maalmihii ay fooxa Bacaliim u shidday, oo ay isku sharraxday hilqadaheedii iyo dahabkeedii, oo ay daba gashay kuwii iyada caashaqi jiray, anigase ay i illowday.
14 “Koma tsopano ndidzamukopa mkaziyo; ndidzapita naye ku chipululu ndipo ndidzamuyankhula mwachikondi.
Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.
15 Kumeneko ndidzamubwezera minda yake ya mpesa, ndipo ndidzasandutsa Chigwa cha Akori kukhala khomo la chiyembekezo. Kumeneko iye adzayimba nyimbo monga mʼmasiku a ubwana wake, monga tsiku limene anatuluka ku Igupto.
Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.
16 “Tsiku limeneli,” Yehova akuti, “udzandiyitana kuti, ‘Amuna anga;’ sudzandiyitananso kuti, ‘Mbuye wanga.’
Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay.
17 Ndidzachotsa mayina a Abaala pakamwa pake; sadzatchulanso mayina awo popemphera.
Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.
18 Tsiku limenelo ndidzachita pangano ndi zirombo zakuthengo ndi mbalame zamumlengalenga ndiponso zolengedwa zokwawa pansi kuti ziyanjane ndi anthu anga. Ndidzachotsa mʼdzikomo uta, lupanga ndi zida zonse zankhondo, kuti onse apumule mwamtendere.
Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan.
19 Ndidzakutomera kuti ukhale mkazi wanga mpaka muyaya; ndidzakutomera mwachilungamo, mwaungwiro, mwachikondi ndi mwachifundo.
Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.
20 Ndidzakutomera mokhulupirika ndipo udzadziwa Yehova.
Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.
21 “Tsiku limenelo Ine ndidzayankha,” akutero Yehova. “Ndidzayankha mlengalenga pempho lake lofuna mitambo ndipo mvula idzagwa pa dziko lapansi;
Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka.
22 ndipo nthaka idzamvera kupempha kwa tirigu, vinyo ndi mafuta, ndipo zidzamvera Yezireeli.
Oo dhulkuna wuxuu u jawaabi doonaa hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, oo iyaguna waxay u jawaabi doonaan Yesreceel.
23 Ndidzadzala Israeli mʼdziko kuti akhale wanga: ndidzaonetsa chikondi changa kwa anthu amene ndinkawatchula dzina loti, ‘Sakondedwa.’ Ndidzawawuza amene ndinkawatchula dzina loti, ‘Si anthu anga,’ kuti, ‘Ndinu anthu wanga;’ ndipo adzanena kuti, ‘ndinu Mulungu wathu,’”
Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

< Hoseya 2 >