< Deuteronomo 33 >
1 Awa ndi madalitso amene Mose, munthu wa Mulungu, anawapereka kwa Aisraeli asanafe.
Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.
2 Iye anati: “Yehova anabwera kuchokera ku Sinai ndipo anatulukira kuchokera ku Seiri; anawala kuchokera pa Phiri la Parani. Iye anabwera ndi chiwunyinji cha angelo kuchokera kummwera, moto woyaka uli mʼdzanja mwake.
Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
3 Ndithu ndinu amene mumakonda anthu anu; opatulika ake onse ali mʼmanja mwake. Onse amagwada pansi pa mapazi anu kuchokera kwa inu amalandira malangizo,
Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
4 malamulo amene Mose anatipatsa, chuma chopambana cha mtundu wa Yakobo.
Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
5 Iye anali mfumu ya Yesuruni pamene atsogoleri a anthu anasonkhana, pamodzi ndi mafuko a Israeli.
Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor. Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu Ay soo wada urureen.
6 “Lolani Rubeni akhale ndi moyo ndipo asafe, anthu ake asachepe pa chiwerengero.”
Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman, Oo raggiisu yuusan yaraan.
7 Ndipo ponena za Yuda anati: “Inu Yehova, imvani kulira kwa Yuda; mubweretseni kwa anthu ake. Ndi manja ake omwe adziteteze yekha. Inu khalani thandizo lake polimbana ndi adani ake!”
Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
8 Za fuko la Alevi anati: “Tumimu wanu ndi Urimu ndi za mtumiki wanu wokhulupirika. Munamuyesa ku Masa; munalimbana naye ku madzi a ku Meriba.
Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
9 Iye ananena za abambo ake ndi amayi ake kuti, ‘Sindilabadira za iwo.’ Sanasamale za abale ake kapena ana ake, koma anayangʼanira mawu anu ndipo anateteza pangano lanu.
Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
10 Iye amaphunzitsa Yakobo malangizo anu ndi malamulo anu kwa Israeli. Amafukiza lubani pamaso panu ndiponso amapereka nsembe zanu zonse zopsereza pa guwa lanu.
Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
11 Inu Yehova, dalitsani luso lake lonse ndipo mukondwere ndi ntchito za manja ake. Menyani adani awo mʼchiwuno kanthani amene amuwukira kuti asadzukenso.”
Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee, Oo shuqulka gacmihiisana aqbal, Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
12 Za fuko la Benjamini anati: “Wokondedwa wa Yehova akhale mwamtendere mwa Iye, pakuti amamuteteza tsiku lonse, ndipo amene Yehova amamukonda amawusa pa mapewa ake.”
Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi, Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa ah, Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay, Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
13 Za fuko la Yosefe anati: “Yehova adalitse dziko lake ndi mame ambiri ochokera kumwamba ndiponso madzi ambiri ochokera pansi pa nthaka;
Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi, Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa, Iyo moolka hoos fidsan,
14 ndi zinthu zambiri zimene zimacha ndi dzuwa ndiponso ndi zokolola zabwino kwambiri zimene zimacha ndi mwezi uliwonse;
Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
15 ndi zipatso zabwino kwambiri zochokera mʼmapiri amakedzanawa ndiponso zokolola zochuluka zochokera ku zitunda zakalekale;
Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
16 ndi mphatso zabwino kwambiri zochokera pa dziko lapansi ndi zonse zimene zili mʼmenemo ndiponso kukoma mtima kwa Iye amene amakhala mʼchitsamba choyaka moto. Madalitso onsewa akhale pa mutu pa Yosefe, wapaderadera pakati pa abale ake.
Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
17 Ulemerero wake uli ngati ngʼombe yayimuna yoyamba kubadwa; nyanga zake zili ngati za njati. Ndi nyanga zakezo adzapirikitsa anthu a mitundu ina, ngakhale iwo amene akukhala ku malekezero a dziko lapansi. Nyanga zimenezi ndiye anthu miyandamiyanda a Efereimu; nyanga zimenezi ndiye anthu 1,000 a Manase.”
Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
18 Za fuko la Zebuloni anati: “Kondwera Zebuloni, pamene ukutuluka, ndipo iwe, Isakara, kondwera mʼmatenti ako.
Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
19 Adzayitanira mitundu ya anthu kumapiri, kumeneko adzaperekako nsembe zachilungamo; kumeneko adzadyerera zinthu zochuluka zochokera ku nyanja, chuma chobisika mu mchenga.”
Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
20 Za fuko la Gadi anati: “Wodala amene amakulitsa malire a Gadi! Gadi amakhala kumeneko ngati mkango, kukhadzula mkono kapena mutu.
Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
21 Iye anadzisankhira dziko labwino kwambiri; gawo la mtsogoleri anasungira iye. Pamene atsogoleri a anthu anasonkhana, anachita chifuniro cha Yehova molungama, ndiponso malamulo onena za Israeli.”
Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.
22 Za fuko la Dani anati: “Dani ndi mwana wamkango, amene akutuluka ku Basani.”
Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.
23 Za fuko la Nafutali anati: “Nafutali wadzaza ndi kukoma mtima kwa Yehova ndipo ndi wodzaza ndi madalitso ake; cholowa chake chidzakhala mbali ya kummwera kwa nyanja.”
Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
24 Za fuko la Aseri anati: “Mwana wodalitsika kwambiri ndi Aseri; abale ake amukomere mtima, ndipo asambe mapazi ake mʼmafuta.
Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.
25 Zotsekera za zipata zako zidzakhala za chitsulo ndi za mkuwa, ndi mphamvu zako zidzakhala ngati masiku a moyo wako.
Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
26 “Palibe wina wofanana ndi Mulungu wa Yesuruni, amene amakwera pa thambo kukuthandizani ndiponso pa mitambo ya ulemerero wake.
Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.
27 Mulungu wamuyaya ndiye pothawirapo pathu, ndipo pa dziko lapansi amakusungani ndi mphamvu zosatha. Adzathamangitsa patsogolo panu mdani wanu, adzanena kuti, ‘Muwonongeni!’
Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.
28 Motero Israeli adzakhala yekha mwamtendere; zidzukulu za Yakobo zili pa mtendere mʼdziko la tirigu ndi vinyo watsopano, kumene thambo limagwetsa mame.
Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh, Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.
29 Iwe Israeli, ndiwe wodala! Wofanana nanu ndani anthu opulumutsidwa ndi Yehova? Iye ndiye chishango ndi mthandizi wanu ndi lupanga lanu la ulemerero. Adani ako adzakugonjera, ndipo iwe udzapondereza pansi malo awo achipembedzo.”
Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.