< Machitidwe a Atumwi 9 >
1 Pa nthawi imeneyi, Saulo ankaopsezabe okhulupirira Ambuye nafuna kuwapha. Iye anapita kwa mkulu wa ansembe,
Laakiin Sawlos oo weli dhaaranaya inuu cabsiiyo oo dilo xerta Rabbiga, ayuu wuxuu u tegey wadaadkii sare,
2 ndi kukapempha makalata a chilolezo kuti apite nawo ku masunagoge a ku Damasiko, kuti ngati atakapezeka ena kumeneko otsata Njirayo, kaya ndi amuna kapena amayi, akawamange ndi kuwatenga kubwera nawo ku Yerusalemu.
oo weyddiistay warqado uu la tago Dimishaq ilaa sunagogyada, si hadduu helo dadkii Jidka, ha ahaadeen rag ama dumarba, uu iyagoo xidhxidhan Yeruusaalem u keeno.
3 Akuyandikira ku Damasikoku paulendo wake, mwadzidzidzi kuwala kochokera kumwamba kunamuzungulira iye.
Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.
4 Iye anagwa pansi ndipo anamva mawu akuti, “Saulo, Saulo ukundizunziranji Ine?”
Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?
5 Saulo anafunsa kuti, “Ndinu yani Ambuye?” Ambuye anayankha kuti, “Ndine Yesu amene iwe ukumuzunza.”
Markaasuu ku yidhi, Yaad tahay, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid;
6 “Tsopano dzuka, lowa mu mzindamo, ndipo udzawuzidwa zoyenera kuchita.”
laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.
7 Anthu amene anali naye paulendo, anasowa chonena; iwo anamva mawu koma sanaone wina aliyense.
Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.
8 Saulo anayimirira, ndipo pamene anatsekula maso ake sanathe kuona. Kotero anamugwira dzanja ndi kulowa naye mu Damasiko.
Markaasaa Sawlos dhulkii ka kacay; markii indhihiisii furmeenna, waxba ma uu arkin; markaasay gacanta ku hageen oo Dimishaq keeneen.
9 Anakhala wosaona kwa masiku atatu ndiponso sanadye kapena kumwa kanthu kalikonse.
Saddex maalmood ayuu aragla'aan joogay, waxbana ma cunin, waxbana ma cabbin.
10 Ku Damasiko kunali wophunzira wina dzina lake Hananiya. Ambuye anamuyitana mʼmasomphenya kuti, “Hananiya!” Iye anayankha kuti, “Ine Ambuye.”
Haddaba waxaa Dimishaq joogay nin xer ah oo la odhan jiray Ananiyas; oo Rabbigu wuxuu kula hadlay riyo, isagoo ku leh, Ananiyasow. Isna wuxuu ku yidhi, Waa i kan, Rabbiyow.
11 Ambuye anamuwuza iye kuti, “Nyamuka, pita ku nyumba ya Yudasi imene ili pa Njira Yolunjika ndipo ukafunse za munthu wochokera ku Tarisisi dzina lake Saulo, pakuti akupemphera.
Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kac oo aad jidka la yidhaahdo Toosane, oo waxaad guriga Yuudas ka doontaa nin la yidhaahdo Sawlos oo reer Tarsos ah; oo bal eeg, waa tukanayaaye;
12 Ndipo waona mʼmasomphenya munthu, dzina lake Hananiya atabwera ndi kumusanjika manja kuti aonenso.”
oo wuxuu arkay nin la yidhaahdo Ananiyas isagoo u soo gelaya oo gacmihiisa dul saaraya inuu araggiisii helo.
13 Hananiya anayankha kuti, “Ambuye, ndinamva zambiri za munthu uyu ndi zonse zoyipa anachitira oyera mtima a ku Yerusalemu.
Laakiin Ananiyas baa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbiyow, waxaan dad badan ka maqlay ninkanu intuu shar badan u gaystay quduusiintaada Yeruusaalem jooga;
14 Ndipo wabwera kuno ndi ulamuliro wa akulu ansembe kuti adzamange onse amene amayitana pa dzina lanu.”
halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.
15 Koma Ambuye anati kwa Hananiya, “Pita! Munthu uyu ndi chida changa chosankhika chonyamulira dzina langa pamaso pa anthu a mitundu ina ndi mafumu awo ndiponso kwa anthu a Israeli.
Laakiin Rabbigu wuxuu ku yidhi, Soco, maxaa yeelay, wuxuu ii yahay weel aan doortay inuu magacayga hor geeyo dadka aan Yuhuudda ahayn iyo boqorrada iyo reer binu Israa'iil;
16 Ine ndidzamuonetsa zowawa zonse zimene ayenera kumva chifukwa cha dzina langa.”
maxaa yeelay, waxaan tusi doonaa waxyaalaha waajib ku ah inuu u silco magacaygii dartiis.
17 Pamenepo Hananiya ananyamuka ndi kukalowa mʼnyumbayo. Anamusanjika manja Sauloyo ndipo anati, “Mʼbale Saulo, Ambuye Yesu, amene anakuonekera pa msewu pamene umabwera kuno wandituma kuti uwonenso ndi kudzazidwa ndi Mzimu Woyera.”
Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.
18 Nthawi yomweyo mʼmaso mwa Saulo munachoka zinthu zokhala ngati mamba ansomba, ndipo anayambanso kuona. Iye anayimirira nabatizidwa,
Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay;
19 ndipo atadya chakudya, anapezanso mphamvu. Saulo anakhala masiku angapo ndi ophunzira a ku Damasiko.
cunto buuna cunay, waana xoogaystay. Haddaba dhawr maalmood ayuu la joogay xertii Dimishaq joogtay.
20 Posakhalitsa anayamba kulalikira mʼsunagoge kuti Yesu ndiye Mwana wa Mulungu.
Oo markiiba sunagogyada dhexdooda ayuu dadka kaga dhex wacdiyey Ciise inuu yahay Wiilka Ilaah.
21 Onse amene anamva iye akulalikira anadabwa ndipo anafunsa kuti, “Kodi uyu si munthu amene anayambitsa kuzunza okhulupirira ku mpingo wa ku Yerusalemu? Kodi siwabwera kuno kuti awamange ndi kuwapereka kwa akulu a ansembe?”
Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.
22 Koma mphamvu za Saulo zinali kukulirakulira ndipo anathetsa nzeru Ayuda okhala ku Damasiko powatsimikizira kuti Yesu ndi Mpulumutsi.
Laakiin Sawlos xooggiisii baa u sii kordhay, wuuna wareeriyey Yuhuuddii Dimishaq joogtay isagoo caddaynaya inuu kanu yahay Masiixa.
23 Patapita masiku ambiri, Ayuda anapangana zoti aphe Saulo,
Oo markii maalmo badan dhaafeen, ayay Yuhuuddu ku tashadeen inay dilaan;
24 koma iye anadziwa za chiwembucho. Anthu ankadikirira usana ndi usiku pa zipata za mzindawo kuti amuphe.
laakiin Sawlos waa ogaaday tashigoodii. Haddaba habeen iyo maalinba irdaha magaalada bay ka fiirin jireen inay dilaan;
25 Koma ophunzira ake anamutenga usiku, namutsitsira kunja kwa mpandawo mʼdengu.
laakiin xertiisii baa habeen qaadday oo derbiga ka sii daysay iyagoo dambiil ku dejinaya.
26 Saulo atafika ku Yerusalemu, anayesetsa kulowa mʼgulu la ophunzira koma onse anamuopa chifukwa sanakhulupirire kuti anali wophunziradi.
Oo kolkuu Yeruusaalem yimid, wuxuu isku dayay inuu xertii ku darsamo; dhammaantoodse waa ka cabsadeen, maxaa yeelay, ma ay rumaysnayn inuu xer yahay.
27 Koma Barnaba anamutenga napita naye kwa atumwi. Iye anawafotokozera iwo za mmene Saulo anaonera Ambuye pa njira paja, ndi kuti Ambuye anamuyankhula, ndi momwe analalikira ku Damasiko mʼdzina la Yesu mosaopa.
Laakiin Barnabas baa kaxeeyey, oo wuxuu u geeyey rasuulladii oo u sheegay siduu Rabbiga ugu arkay jidka, iyo inuu la hadlay, iyo siduu Dimishaq geesinimo ugu wacdiyey magaca Ciise.
28 Kotero Saulo anakhala nawo nayendayenda mwaufulu mu Yerusalemu akulalikira molimba mtima mʼdzina la Ambuye.
Markaasuu iyagii la joogay, isagoo la gelaya, kalana baxaya Yeruusaalem, geesinimona dadka ugu wacdiyaya magaca Rabbiga;
29 Anayankhula ndi kutsutsana ndi Ayuda a Chihelene, koma iwo ankafuna kumupha.
wuxuuna la hadlay oo la dooday Yuhuuddii Gariigta ahayd; iyaguse waxay doondooneen inay dilaan.
30 Abale atadziwa zimenezi, anamutenga Saulo ndi kupita naye ku Kaisareya, ndipo anamutumiza ku Tarisisi.
Kolkii walaalihii garteen, waxay keeneen Kaysariya, oo waxay u sii direen Tarsos.
31 Pamenepo mpingo wa ku Yudeya konse, ku Galileya ndi ku Samariya unakhala pamtendere, unalimbikitsidwa; ndi kupatsidwa mphamvu ndi Mzimu Woyera, unakula mʼchiwerengero, ndi kukhala moopa Ambuye.
Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
32 Pamene Petro amayendera mpingo, anapita kukachezera oyera mtima a ku Luda.
Oo waxaa dhacay intuu Butros marayay dhinacyada oo dhan inuu u yimid quduusiintii Ludda degganayd.
33 Kumeneko anakapeza munthu dzina lake Eneya, wofa ziwalo amene anagona pa mphasa kwa zaka zisanu ndi zitatu.
Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa.
34 Petro anati kwa iye, “Eneya, Yesu Khristu akukuchiritsa iwe, dzuka ndipo yalula mphasa yako.” Nthawi yomweyo Eneya anayimirira.
Markaasaa Butros wuxuu ku yidhi, Ayne'asow, Ciise Masiix baa ku bogsiinaya; kac oo sariirtaada gogol. Oo markiiba wuu kacay.
35 Anthu onse amene anakhala ku Luda ndi ku Sharoni anamuona ndipo anatembenukira kwa Ambuye.
Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen.
36 Ku Yopa kunali wophunzira wina dzina lake Tabita (mʼChigriki amati Dorika) amene nthawi zonse ankachita zachifundo ndiponso kuthandiza osauka.
Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay.
37 Nthawi imeneyi anadwala ndipo anamwalira, anasambitsa thupi lake, namugoneka mʼchipinda chammwamba.
Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare.
38 Popeza ku Yopa kunali pafupi ndi Luda; pamene ophunzira anamva kuti Petro anali ku Luda, anatuma anthu awiri kuti akamudandaulire kuti, “Chonde bwerani kuno msanga!”
Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid.
39 Petro ananyamuka, napita nawo, ndipo atafika anamutengera ku chipinda chammwamba. Amasiye onse anayima momuzungulira akulira ndi kumuonetsa mwinjiro ndi zovala zina zimene Dorika ankapanga akanali moyo.
Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
40 Petro anatulutsa anthu onse mʼchipindamo; ndipo anagwada pansi ndi kupemphera. Anatembenukira mtembo uja nati, “Tabita, dzuka,” Tabita anatsekula maso ake, ndipo ataona Petro anakhala pansi.
Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.
41 Petro anamugwira dzanja, namuyimiritsa. Ndipo anayitana okhulupirira ndi amasiye namupereka wamoyo.
Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.
42 Zimenezi zinadziwika ku Yopa konse, ndipo anthu ambiri anakhulupirira Ambuye.
Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.
43 Petro anakhala ku Yopa kwa masiku ambiri kwa munthu wina, dzina lake Simoni, mmisiri wa zikopa.
Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.