< 2 Mbiri 15 >
1 Mzimu wa Mulungu unabwera pa Azariya mwana wa Odedi.
Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Casaryaah oo ahaa ina Codeed,
2 Iye anapita kukakumana ndi Asa ndipo anati kwa iye, “Tandimverani, inu Asa ndi Ayuda onse ndi Benjamini. Yehova ali ndi inu, inunso mukakhala naye. Ngati inu mumufunafuna Iye mudzamupeza, koma ngati mumusiya, Iye adzakusiyani.
oo intuu u soo baxay inuu Aasaa ka hor tago ayuu ku yidhi, Aasaa, iyo dadkii Yahuudah iyo Benyaamiin oo dhammow, i maqla. Rabbigu wuu idinla jiraa intaad isaga la jirtaan, oo haddaad isaga doondoontaanna waad heli doontaan, laakiinse haddaad isaga ka tagtaan, isna wuu idinka tegi doonaa.
3 Kwa nthawi yayitali Israeli anali wopanda Mulungu weniweni, wopanda wansembe wophunzitsa ndi wopanda malamulo.
Haddaba intii wakhti dheer ah dadka Israa'iil ma ay haysan Ilaaha runta ah, iyo wadaad iyaga wax bara, iyo sharci toona,
4 Koma pamene anali pa mavuto anatembenukira kwa Yehova, Mulungu wa Israeli ndi kufunafuna Iye, ndipo anamupeza.
laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen.
5 Masiku amenewo sikunali kwabwino kuyenda ulendo, pakuti anthu onse okhala mʼdziko anali pa mavuto aakulu.
Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn.
6 Mtundu umodzi umakanthidwa ndi mtundu wina ndipo mzinda wina umakanthidwa ndi mzinda wina, pakuti Mulungu amawasautsa ndi mazunzo a mtundu uliwonse.
Oo iyagii way kala burbureen, oo quruumuba quruun bay ka gees noqotay, magaalona magaalay ka gees noqotay, waayo, Ilaah baa ku dhibay cidhiidhi oo dhan.
7 Koma inu, khalani amphamvu ndipo musataye mtima, pakuti mudzalandira mphotho ya ntchito yanu.”
Laakiinse idinku xoogaysta oo gacmihiinnu yay debcin, waayo, shuqulkiinna waa laydiinka abaalgudi doonaa.
8 Asa atamva mawu awa ndiponso uneneri wa Azariya mwana wa Odedi, analimba mtima. Iye anachotsa mafano onse onyansa mʼdziko lonse la Yuda ndi Benjamini ndi mʼmizinda yonse imene analanda a ku mapiri a Efereimu. Iye anakonzetsa guwa lansembe la Yehova limene linali kutsogolo kwa khonde la Nyumba ya Mulungu.
Oo Aasaana markuu maqlay erayadaas iyo waxsheegiddii Nebi Codeed ayuu sii dhiirranaaday, oo dalka Yahuudah iyo kan Benyaamiin oo dhan iyo magaalooyinkii uu ka qabsaday dalka buuraha leh oo reer Efrayim wuu ka wada fogeeyey karaahiyadii, oo weliba wuxuu cusboonaysiiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo ku hor tiil balbalada Rabbiga.
9 Kenaka anasonkhanitsa anthu onse a ku Yuda ndi Benjamini ndiponso anthu ochokera ku Efereimu, Manase ndi Simeoni amene ankakhala pakati pawo, pakuti gulu lalikulu linabwera kwa iye kuchokera ku Israeli litaona kuti anali ndi Yehova Mulungu wake.
Markaasuu soo wada shiriyey dadkii Yahuudah iyo dadkii Benyaamiin iyo kuwii iyaga la degganaa oo ka yimid reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Simecoonba, waayo, isagay ku soo darmeen iyagoo tiro badan, markay arkeen in Rabbiga Ilaahiisa ahu uu isaga la jiro.
10 Iwo anasonkhana mu Yerusalemu mwezi wachitatu wa chaka cha 15 cha ulamuliro wa Asa.
Sidaas daraaddeed waxay ku soo urureen Yeruusaalem sannaddii shan iyo tobnaad oo boqortooyadii Aasaa bisheedii saddexaad.
11 Pa nthawi imeneyi anapereka nsembe kwa Yehova, ngʼombe 700 ndiponso nkhosa ndi mbuzi 7,000 zochokera pa zolanda ku nkhondo zimene anabweretsa.
Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.
12 Iwo anachita pangano loti azifunafuna Yehova, Mulungu wa makolo awo, ndi mtima ndi moyo wawo wonse.
Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan,
13 Aliyense wosafunafuna Yehova Mulungu wa Israeli aziphedwa, kaya ndi wamngʼono kapena wamkulu, mwamuna kapena mkazi.
iyo in la dilo ku alla kii aan doondoonin Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahay, ama hadduu nin yahay iyo hadday naag tahayba.
14 Iwo analumbira kwa Yehova, mokweza mawu, akuyimba malipenga ndi mbetete.
Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan.
15 Anthu onse a ku Yuda anakondwera pa kulumbirako chifukwa analumbira ndi mtima wawo wonse. Iwo anafunafuna Mulungu mwachidwi, ndipo anamupeza Iye. Kotero Yehova anawapatsa mpumulo mbali zonse.
Oo dadkii Yahuudah oo dhammu way ku reyreeyeen dhaartii, maxaa yeelay, qalbigooda oo dhan ayay ku dhaarteen, oo waxay isaga ku doondooneen xiisahooda oo dhan, wayna heleen, oo Rabbiguna hareerahooda oo dhan wuu ka nasiyey.
16 Mfumu Asa anachotsanso Maaka agogo ake pa udindo wa amayi a mfumu chifukwa anapanga fano lonyansa la Asera. Asa anagwetsa fanolo, naliswa ndipo kenaka anakaliwotcha ku chigwa cha Kidroni.
Oo weliba Macakaah oo ahayd Boqor Aasaa hooyadiis boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey oo wuxuu ka dhigay boodh, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.
17 Ngakhale kuti sanachotse malo opembedzerako mafano mu Israeli, mtima wa Asa unali wodzipereka kwathunthu kwa Yehova, masiku onse a moyo wake.
Laakiinse meelihii sarsare dalka Israa'iil lagama baabbi'in, habase yeeshee Aasaa qalbigiisu wuu qummanaa cimrigiisii oo dhan.
18 Iye anabweretsanso mʼNyumba ya Mulungu zipangizo zasiliva, golide ndi ziwiya zina zimene iyeyo ndi abambo ake anazipatula.
Oo gurigii Ilaah wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.
19 Panalibenso nkhondo mpaka chaka cha 35 cha ufumu wa Asa.
Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.