< 1 Samueli 26 >
1 Anthu a ku Zifi anapita kwa Sauli ku Gibeya nati, “Davide akubisala ku phiri la Hakila, limene limayangʼanana ndi Yesimoni.”
Oo waxaa Saa'uul Gibecaah ugu yimid kuwii reer Siif, iyagoo leh, Miyuusan Daa'uud ku dhuuman buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka ku hor taal?
2 Choncho Sauli ananyamuka pamodzi ndi ankhondo ake 3,000 napita ku chipululu cha Zifi kukafunafuna Davide ku chipululuko.
Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.
3 Sauli anamanga msasa wake mʼmbali mwa njira yopita ku phiri la Hakila moyangʼanana ndi Yesimoni. Koma Davide anali mʼchipululumo. Davide ataona kuti Sauli amamulondola mpaka kumeneko,
Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.
4 iye anatumiza anthu okazonda ndipo anapeza kuti Sauli wafikadi ndithu.
Sidaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.
5 Tsono Davide ananyamuka napita kumalo kumene Sauli anamanga misasa. Iye anaona pamene Sauli ndi Abineri mwana wa Neri mkulu wa ankhondo anagona. Sauli anagona mʼkati mwa tenti ndipo asilikali anagona momuzungulira.
Markaasaa Daa'uud soo kacay oo yimid meeshii Saa'uul degay, oo Daa'uud wuxuu arkay meeshii Saa'uul jiifay, isaga iyo Abneer ina Neer oo ahaa sirkaalkii ciidankiisa, oo Saa'uulna wuxuu jiifay meeshii gaadhifardoodku joogay dhexdeeda, oo dadkuna hareerihiisay degeen.
6 Ndipo Davide anafunsa Ahimeleki Mhiti ndi Abisai mwana wa Zeruya, mʼbale wa Yowabu kuti, “Ndani adzapita nane ku msasa kwa Sauli?” Abisai anayankha kuti, “Ine ndidzapita nanu.”
Markaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.
7 Choncho Davide ndi Abisai anapita ku misasa ya ankhondowo usiku. Atafika anangopeza Sauli ali gone mu msasa wake mkondo wake atawuzika pansi pafupi ndi mutu wake, Abineri ndi ankhondo onse anali atagona momuzungulira.
Sidaasay Daa'uud iyo Abiishay dadkii ugu yimaadeen habeennimo, oo waxay arkeen Saa'uul oo hurda meeshii gaadhifardoodka dhexdeeda, oo warankiisiina dhulkuu ku mudnaa meel madaxiisa u dhow; oo Abneer iyo dadkiina hareerihiisay jiifeen.
8 Abisai anawuza Davide kuti, “Lero Mulungu wapereka mdani wanu mʼmanja mwanu. Tsopano ndiloleni ndimukhomere pansi ndi mkondo wangawu kamodzinʼkamodzi. Sindimulasa kawiri.”
Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.
9 Koma Davide anamuyankha Abisai kuti, “Usamuphe! Ndani adzapha wodzozedwa wa Yehova ndi kupezeka wosalakwa?
Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiishay ku yidhi, Ha dilin, waayo, bal yaa gacan u qaadi kara Rabbiga kiisa subkan, oo haddana eedla'aan doona?
10 Davide anati, Pali Yehova wamoyo, Yehova mwini ndiye adzamukanthe, mwina tsiku lake lomwalira lidzafika, kapena adzapita ku nkhondo nakaphedwa komweko.
Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.
11 Koma Yehova andiletse kuti ndisapweteke wodzozedwa wa Yehova. Tsopano tingotenga mkondo umene uli ku mutu kwakewo ndi botolo la madzilo ndipo tizipita.”
Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.
12 Motero Davide anatenga mkondo ndi botolo lamadzi zimene zinali ku mutu kwa Sauli ndipo anachoka. Palibe amene anaona zimenezi kapena kudziwa, ndipo palibenso amene anadzuka. Onse anali mʼtulo, chifukwa Yehova anawagonetsa tulo tofa nato.
Sidaas aawadeed Daa'uud wuxuu Saa'uul madaxiisii ka ag qaatay warankii iyo kusaddii biyaha; kolkaasay tageen, oo ninnaba ma arkin, lamana ogayn, oo midna ma toosin, waayo, kulligood way wada hurdeen, maxaa yeelay, waxaa xagga Rabbiga kaga soo degtay hurdo weyn.
13 Pambuyo pake Davide anadutsa nakakwerera mbali ina ya phiri, ndi kuyimirira pamwamba pa phiri patali. Pakati pawo panali mpata waukulu.
Markaasaa Daa'uud dhankii kale u gudbay oo wuxuu ku dul istaagay buur iyaga in yar ka fog, oo waxaana u dhexeeyey bannaan weyn.
14 Davide anayitana gulu lankhondo ndi Abineri mwana wa Neri nawafunsa kuti, “Kodi sundiyankha ine Abineri?” Abineri anayankha kuti, “Ndiwe yani amene ukuyitana mfumu?”
Kolkaasaa Daa'uud u dhawaaqay dadkii iyo Abneer oo ahaa ina Neer, oo yidhi, Abneerow, war miyaadan jawaabayn? Markaasaa Abneer jawaabay oo yidhi, Kaaga boqorka u dhawaaqayaa, kumaad tahay?
15 Davide anamufunsa Abineri kuti, “Kodi sindiwe mwamuna? Ndipo wofanana nawe ndani mu Israeli? Nʼchifukwa chiyani sunateteze mbuye wako mfumu? Munthu wina anabwera kumeneko.
Markaasaa Daa'uud wuxuu Abneer ku yidhi, War sow ma tihid nin rag ah? Yaana kula mid ah oo reer binu Israa'iil ku jira? Haddaba maxaad u dhawri weyday sayidkaaga boqorka ah? Waayo, mid dadka ka mid ah ayaa xerada u galay inuu boqorka sayidkaaga ah dilo.
16 Chimene wachita iwe si chabwino. Pali Yehova wamoyo iwe ndi asilikali ako muyenera kufa chifukwa simunateteze mbuye wanu, wodzozedwa wa Yehova. Tayangʼanayangʼana. Uli kuti mkondo wa mfumu ndi botolo lamadzi zimene zinali kumutu kwa mfumu?”
War waxan aad samaysay ma wanaagsana. Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaad istaahishaan dhimasho, maxaa yeelay, ma aydaan dhawrin sayidkiinna ah Rabbiga kiisa subkan. Haddaba bal fiiriya boqorka warankiisii iyo kusaddiisii biyaha oo madaxiisa ag yiil.
17 Sauli anazindikira mawu a Davide ndipo anafunsa kuti, “Kodi amenewa ndi mawu ako Davide mwana wanga?” Davide anayankha, “Inde ndi anga, mbuye wanga mfumu.
Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.
18 Nʼchifukwa chiyani mbuye wanga mukundilonda ine mtumiki wanu? Kodi ine ndachita chiyani ndipo ndapezeka ndi cholakwa chotani?
Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?
19 Tsopano mbuye wanga mfumu tamverani mawu a mtumiki wanu. Ngati ndi Yehova wautsa mtima wanu kuti mundiwukire, ndiye alandire chipepeso. Koma ngati ndi anthu amene achita zimene, ndiye Yehova awatemberere popeza andipirikitsa lero kundichotsa mʼdziko la Yehova, namati, ‘Pita kapembedze milungu ina.’
Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.
20 Tsopano musalole kuti magazi anga akhetsedwe kutali ndi Yehova pakuti mfumu ya Israeli yatuluka kudzafunafuna ine nsabwe, monga mmene munthu asakira nkhwali ku mapiri.”
Haddaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.
21 Ndipo Sauli anati, “Ine ndachimwa. Bwerera mwana wanga Davide. Sindidzakuchitanso choyipa popeza lero wauwona moyo wanga ngati wamtengowapatali. Taona, ndachita zauchitsiru ndipo ndachimwa kwambiri.”
Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Waan dembaabay, wiilkaygii Daa'uudow, iska noqo, waayo, anigu mar dambe wax ku yeeli maayo, maxaa yeelay, maanta naftaydu qaali bay kula noqotay. Bal eeg, waan nacasoobay oo aad iyo aad baan u qaldamay.
22 Davide anayankha kuti, “Nawu mkondo wanu, mfumu. Tumani mmodzi wa anyamata anu abwere adzatenge.
Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.
23 Yehova amadalitsa munthu aliyense wolungama ndi wokhulupirika. Yehova anakuperekani lero mʼmanja mwanga, koma ine sindinakhudze wodzozedwa wa Yehova.
Oo Rabbiguna nin walba wuu ka abaalmarin doonaa xaqnimadiisa iyo aaminnimadiisa, waayo, Rabbigu maanta gacantayduu kugu soo riday, aniguse ma aan doonaynin inaan gacantayda u qaado Rabbiga kiisa subkan.
24 Monga momwe ine lero ndachitira kuwuyesa moyo wanu ngati wamtengowapatali, momwemonso Yehova awuyese moyo wanga wamtengowapatali ndipo andipulumutse mʼmavuto anga onse.”
Oo bal eeg, sida maanta naftaadu iigu dheeraatay, sidaas oo kale naftaydu ha ku dheeraato Rabbiga hortiisa, oo dhibaato oo dhanna ha iga samatabbixiyo.
25 Ndipo Sauli anawuza Davide kuti, “Yehova akudalitse iwe Davide mwana wanga. Udzachita zinthu zazikulu ndipo udzapambana.” Choncho Davide anayenda njira yake ndipo Sauli anabwerera kwawo.
Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, waad barakaysan tahay. Hubaal xoog baad yeelan doontaa, waadna guulaysan doontaa. Dabadeedna Daa'uud waa iska tegey, Saa'uulna meeshiisuu ku noqday.