< 1 Mbiri 9 >

1 Aisraeli onse analembedwa potsata mibado yawo mʼbuku la mafumu a Aisraeli. Anthu a ku Yuda anatengedwa kunka ku ukapolo ku Babuloni chifukwa cha kusakhulupirika kwawo.
Sidaasaa reer binu Israa'iil oo dhan loogu abtiriyey, oo bal eeg, iyagu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada reer binu Israa'iil. Oo dadkii Yahuudahna xadgudubkoodii aawadiis ayaa maxaabiis ahaan loogu kaxaystay Baabuloon.
2 Tsono anthu oyamba kukhala mʼmadera awo anali Aisraeli wamba, ansembe, Alevi ndi otumikira ku Nyumba ya Yehova.
Haddaba kuwii ugu horreeyey oo degay dalkii ay hantiyeen iyo magaalooyinkoodii waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim.
3 Anthu a ku Yuda, Benjamini ndi Efereimu ndiponso Manase amene anakhala mu Yerusalemu anali awa:
Oo Yeruusaalem waxaa ka degganaa reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim, iyo reer Manaseh:
4 Utai mwana wa Amihudi, mwana wa Omuri, mwana wa Imuri, mwana wa Bani, chidzukulu cha Perezi mwana wa Yuda.
Cuutay oo ahaa ina Cammiihuud, ina Coomrii, ina Imrii, ina Baanii oo ahaa reer Feres oo ahaa wiilkii Yahuudah.
5 A banja la Siloni: Asaya mwana wake woyamba pamodzi ndi ana ake.
Oo reer Shiilohna waxaa ka degganaa Casaayaah oo ahaa curadkii iyo wiilashiisii.
6 A banja la Zera: Yeueli. Anthu ochokera ku Yuda analipo 690.
Reer Seraxna waxaa ka joogay Yecuu'eel iyo walaalahood, oo waxay ahaayeen lix boqol iyo sagaashan.
7 A fuko la Benjamini: Salu mwana wa Mesulamu, mwana wa Hodaviya, mwana wa Hasenuya;
Oo reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Sallu oo ahaa ina Meshullaam, ina Hoodawyaah, ina Hasenu'aah,
8 Ibineya mwana wa Yerohamu; Ela mwana wa Uzi, mwana wa Mikiri; ndi Mesulamu mwana wa Sefatiya, mwana wa Reueli mwana wa Ibiniya.
iyo Yibneyaah oo ahaa ina Yeroxaam, iyo Eelaah oo ahaa ina Cusii, ina Mikrii, iyo Meshullaam oo ahaa ina Shefatyaah, ina Recuu'eel, ina Yibniyaah,
9 Anthu ochokera ku Benjamini monga analembedwera mwa mibado yawo, analipo 956. Anthu onsewa anali atsogoleri a mabanja awo.
iyo walaalahood oo ahaa sidii dhalashadoodu ahayd, oo waxayna ahaayeen sagaal boqol iyo lix iyo konton. Oo nimankaas oo dhammu waxay ahaayeen madaxdii reerahooda siday kala reer u ahaayeen.
10 Ansembe: Yedaya, Yehoyaribu; Yakini;
Oo wadaaddadiina waxaa ka joogay Yedacyaah, iyo Yehooyaariib, iyo Yaakiin,
11 Azariya mwana wa Hilikiya, mwana wa Mesulamu, mwana wa Zadoki mwana wa Merayoti, mwana wa Ahitubi, wamkulu woyangʼanira Nyumba ya Mulungu;
iyo Casaryaah oo ahaa ina Xilqiyaah, ina Meshullaam, ina Saadooq, ina Meraayood, ina Axiituub oo ahaa taliyihii guriga Ilaah,
12 Adaya mwana wa Yerohamu, mwana wa Pasi-Huri, mwana wa Malikiya; ndi Maasai mwana wa Adieli, mwana wa Yahizera, mwana wa Mesulamu, mwana wa Mesilemoti, mwana wa Imeri.
iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah, iyo Macsay oo ahaa ina Cadii'eel, ina Yaxseraah, ina Meshullaam, ina Meshilleemiid, ina Immeer,
13 Ansembe amene anali atsogoleri a mabanja awo analipo 1,760. Anali anthu amphamvu ndi odziwa kutumikira mʼnyumba ya Mulungu.
iyo walaalahood oo ahaa madaxdii reerahooda, oo tiradooduna ahayd kun iyo toddoba boqol iyo lixdan, oo waxayna ahaayeen rag aad karti ugu leh shuqulka adeegidda guriga Ilaah.
14 Alevi: Semaya mwana wa Hasubu, mwana wa Azirikamu, mwana wa Hasabiya, wa mʼbanja la Merari;
Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii,
15 Bakibakara, Heresi, Galali ndi Mataniya mwana wa Mika, mwana wa Zikiri, mwana wa Asafu;
iyo Baqbaqar, iyo Xeresh, iyo Gaalaal, iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sikrii, ina Aasaaf,
16 Obadiya mwana wa Semaya mwana wa Galali, mwana wa Yedutuni ndi Berekiya mwana wa Asa, mwana wa Elikana, amene ankakhala ku midzi ya Anetofati.
iyo Cobadyaah oo ahaa ina Shemacyaah, ina Gaalaal, ina Yeduutuun, iyo Berekyaah oo ahaa ina Aasaa, ina Elqaanaah, kaasoo degganaan jiray tuulooyinkii reer Netofaah.
17 Alonda a pa makomo: Salumu, Akubu, Talimoni, Ahimani ndi abale awo. Mtsogoleri wawo anali Salumu.
Oo iridjoogayaashiina waxaa ka joogay Shalluum, iyo Caquub, iyo Talmon, iyo Axiiman, iyo walaalahood, oo waxaa iyaga madax u ahaa Shalluum,
18 Amenewa amakhala pa chipata cha mfumu kummawa mpaka lero lino. Alonda a gulu la Alevi anali awa:
oo ilaa maantadan la joogo boqorka iriddiisa xaggeeda bari joogi jiray, oo iyagu waxay iridjoogayaal u ahaayeen xeradii reer Laawi.
19 Salumu mwana wa Kore, mwana wa Ebiyasafu, mwana wa Kora, pamodzi ndi abale ake a ku banja la makolo ake, Akora aja ankanyangʼanira khomo la Tenti monga ankachitira abambo awo polondera khomo la malo okhalapo Yehova.
Oo Shalluum ina Qore oo ahaa ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, iyo walaalihiis oo ahaa reer Qorax, waxay u talin jireen shuqulkii adeegidda, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii irdaha taambuugga, oo awowayaashoodna waxay u talin jireen xeradii Rabbiga, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii iridda.
20 Masiku oyamba Finehasi mwana wa Eliezara anali woyangʼanira alonda apakhomo ndipo Yehova anali naye.
Oo waagii hore waxaa iyaga madax u ahaan jiray Fiinexaas oo ahaa ina Elecaasaar, oo Rabbiguna isaga wuu la jiri jiray.
21 Zekariya mwana wa Meselemiya anali mlonda woyangʼanira pa chipata cha tenti ya msonkhano.
Oo Sekaryaah ina Meshelemyaahna wuxuu ahaan jiray iridjoogihii iridda teendhadii shirka.
22 Onse amene anasankhidwa kukhala alonda pa khonde analipo 212. Iwo analembedwa mwa mibado yawo ku midzi yawo. Davide ndi mneneri Samueli ndiwo anawayika mʼmalo awo antchito chifukwa cha kukhulupirika kwawo.
Oo kulligood intaas loo doortay inay iridjoogayaal ahaadaan waxay dhammaantood ahaayeen laba boqol iyo laba iyo toban. Oo kuwaas abtiriskooda waxaa lagu tiriyey tuulooyinkoodii, kuwaasoo Daa'uud iyo Samuu'eel oo ahaa waxarkihii ay u doorteen shuqulkoodii lagu aaminay.
23 Iwo ndi zidzukulu zawo anali oyangʼanira zipata za nyumba ya Yehova imene imatchedwa Tenti.
Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah.
24 Alonda apakhomowa anali mbali zonse zinayi: kummawa, kumadzulo, kumpoto ndi kummwera.
Oo afarta dhinacba waxaa joogay iridjoogayaashii xagga bari, iyo xagga galbeed, iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
25 Abale awo a ku midzi yawo amabwera nthawi ndi nthawi kudzagwira ntchito yawo kwa masiku asanu ndi awiri.
Oo walaalahoodii tuulooyinkooda joogayna had iyo goor toddobadii maalmoodba way u iman jireen inay iyaga la joogaan,
26 Koma atsogoleri akuluakulu anayi a alonda, amene anali Alevi, anapatsidwa udindo woyangʼanira zipinda ndi chuma cha nyumba ya Mulungu.
waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.
27 Iwo amakhala usiku wonse atayima mozungulira Nyumba ya Mulungu, chifukwa anayenera kuyilondera. Ndipo anali ndi kiyi wotsekulira mmawa uliwonse.
Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.
28 Ena amayangʼanira zipangizo zimene amagwiritsa ntchito pa ntchito mʼNyumba ya Mulungu. Iwo amaziwerenga zikamalowetsedwa ndi potulutsidwa.
Oo iyaga qaarkoodna waxay u talin jireen weelasha lagu adeego, waayo, weelasha tiraa lagu soo gelin jiray, oo tiraa lagu bixin jiray.
29 Ena anapatsidwa udindo wosamalira zipangizo ndi zinthu zina zonse za ku malo opatulika, pamodzi ndi ufa, vinyo, mafuta, lubani ndi zonunkhira.
Oo iyaga qaarkood kalena waxaa loo doortay inay u taliyaan alaabta guriga iyo weelasha meesha quduuska ah oo dhan, iyo burka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo fooxa, iyo uunsiga.
30 Koma ansembe ena amasakaniza zonunkhirazo.
Oo wiilashii wadaaddada qaarkoodna waxay hagaajin jireen cadarkii uunsiga lahaa.
31 Mlevi wotchedwa Matitiya mwana woyamba wa Salumu wa mʼbanja la Kora, anapatsidwa udindo woyangʼanira zophikidwa mʼziwaya.
Oo Matityaah oo ka mid ahaa reer Laawi, oo ahaa curadkii Shalluum oo ahaa reer Qorax shuqulkiisii joogtada ahaa wuxuu ahaa inuu ilaaliyo waxyaalaha digsiyada lagu dubo.
32 Abale ake ena a mʼbanja la Akohati amaphika buledi wa pa Sabata lililonse amene amayikidwa pa tebulo.
Oo walaalahood qaarkood oo reer Qohaad ahaana waxay u talin jireen kibistii tusniinta, si ay sabti kasta u diyaariyaan.
33 Atsogoleri a mabanja a Alevi, amene anali ndi luso loyimba, amakhala mʼzipinda za Nyumba ya Mulungu ndipo samagwira ntchito zina chifukwa ankatumikira usana ndi usiku.
Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii.
34 Onsewa anali atsogoleri a mabanja a Alevi, akuluakulu monga analembedwera pa mibado yawo, ndipo ankakhala mu Yerusalemu.
Kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen rag madax ah, oo waxay degganaan jireen Yeruusaalem.
35 Yeiyeli abambo a Gibiyoni ankakhala ku Gibiyoni. Dzina la akazi awo linali Maaka,
Oo Gibecoonna waxaa degganaa Gibecoon aabbihiis oo la odhan jiray Yecii'eel, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah,
36 ndipo mwana wawo woyamba kubadwa anali Abidoni, motsatana ndi Zuri, Kisi, Baala, Neri, Nadabu,
iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal, iyo Neer, iyo Naadaab,
37 Gedori, Ahiyo, Zekariya ndi Mikiloti.
iyo Gedoor, iyo Axiyoo, iyo Sekaryaah, iyo Miqlood.
38 Mikiloti anabereka Simeamu. Iwonso ankakhala ndi abale awo ku Yerusalemu.
Miqloodna wuxuu dhalay Shime'aam. Iyana walaalahood ayay la degganaayeen Yeruusaalem meel walaalahood ka soo hor jeedda.
39 Neri anabereka Kisi, Kisi anabereka Sauli, ndipo Sauli anabereka Yonatani, Maliki-Suwa, Abinadabu ndi Esibaala.
Neerna wuxuu dhalay Qiish, Qiishna wuxuu dhalay Saa'uul, Saa'uulna wuxuu dhalay Yoonaataan, iyo Malkiishuuca, iyo Abiinaadaab, iyo Eshbacal.
40 Mwana wa Yonatani anali Meri-Baala, amene anabereka Mika.
Wiilkii Yoonaataanna wuxuu ahaa Meriibacal, Meriibacalna wuxuu dhalay Miikaah.
41 Ana a Mika anali: Pitoni, Meleki, Tahireya ndi Ahazi.
Wiilashii Miikaahna waxay ahaayeen Fiitoon, iyo Meleg, iyo Taxreeca iyo Aaxaas.
42 Ahazi anabereka Yara, Yara anabereka Alemeti, Azimaveti ndi Zimuri, ndipo Zimiri anabereka Moza.
Aaxaasna wuxuu dhalay Yacraah, Yacraahna wuxuu dhalay Calemed, iyo Casmaawed, iyo Simrii, Simriina wuxuu dhalay Moosaa.
43 Moza anabereka Bineya. Ana ake anali Refaya, Eleasa ndi Azeli.
Moosaana wuxuu dhalay Bincaa, oo wiilkiisiina wuxuu ahaa Refaayaah, oo dhalay Elecaasaah, oo isna dhalay Aaseel,
44 Azeli anali ndi ana asanu ndi mmodzi ndipo mayina awo anali awa: Azirikamu, Bokeru, Ismaeli, Seariya, Obadiya ndi Hanani. Awa anali ana a Azeli.
Aaseelna wuxuu lahaa lix wiil, oo magacyadoodiina waa kuwan: Casriiqaam, iyo Bokeruu, iyo Ismaaciil, iyo Shecaryaah, iyo Cobadyaah, iyo Xaanaan. Intaasu waxay ahaayeen wiilashii Aaseel.

< 1 Mbiri 9 >