< Откровение 6 >

1 И видях, когато Агнето отвори един от седемте печата, и чух едно от четирите живи същества да казва като с глас от гръм: Дойди [и виж]!
Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.
2 И видях, и ето бял кон; и яздещият на него имаше лик; и даде му се корона и той излезе побеждаващ и да победи.
Oo bal eeg, waxaan arkay faras cad oo kii fuushanaana wuxuu haystay qaanso, oo waxaa isaga la siiyey taaj; oo wuxuu soo baxay isagoo guulaysanaya, wuxuuna u soo baxay inuu guulaysto.
3 И когато отвори втория печат, чух второто живо същество да казва: Дойди [и виж]!
Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag.
4 и излезе друг кон, червен; и на яздещия на него се даде да вдигне мира от земята, тъй щото човеците да се избият един друг; и даде му се голяма сабя.
Markaasaa waxaa soo baxay faras kale oo xamar ah; oo kii fuushanaana waxaa la siiyey amar inuu dunida nabadda ka qaado iyo in dadka midba midka kale dilo; oo waxaa la siiyey seef weyn.
5 И когато отвори третия печат, чух третото живо същество да казва: Дойди [и виж]! И видях, и ето черен кон, и яздещият на него имаше везни в ръката си.
Oo haddana markuu shaabadda saddexaad furay ayaa waxaan maqlay xayawaankii saddexaad oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras madow; oo kii fuushanaana wuxuu gacanta ku haystay miisaan.
6 И чух нещо като глас отсред четирите живи същества, който казваше: Един хиникс пшеница за динар, и три хиникса ечемик за динар; а дървеното масло и виното не повреждай.
Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.
7 И когато отвори четвъртия печат, чух гласа на четвъртото живо същество, което казваше: Дойди [и виж]!
Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag.
8 И видях, и ето блед кон и името на яздещия на него беше смърт, и адът вървеше подире му; и даде им се власт над четвъртата част от земята да умъртвят с меч, с глад, с мор и със земните зверове. (Hadēs g86)
Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka. (Hadēs g86)
9 И когато отвори петия печат, видях под олтара душите на ония, които са били заклани за Божието слово, което опазиха.
Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis,
10 И те викаха с висок глас, казвайки: До кога, Господарю свети и истинни, не ще съдиш и въздадеш на живеещите по земята за нашата кръв?
oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
11 И на всеки от тях се даде по една бяла дреха; и рече им се да си почиват още малко време, докле се допълни числото и на съслужителите им и братята им, които щяха да бъдат убити като тях.
Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.
12 И видях, когато отвори шестия печат, че стана голям тръс: слънцето почерня като козиняво вретище, и цялата луна стана като кръв;
Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;
13 небесните звезди паднаха на земята, като когато смоковница, разклащана от силен вятър, мята неузрелите си смокини;
oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo.
14 небето биде преместено като свитък, когато се свива; и всички планини и острови се вдигнаха от местата си.
Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.
15 И земните царе, големците и хилядниците, богатите и силните, всеки роб и всеки свободен се скриха в пещерите и между скалите на планините;
Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha;
16 и казват на планините и на скалите: Паднете върху нас и скрийте ни от лицето на седещия на престола и от гнева на Агнето;
oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,
17 Защото е дошел великият ден на Неговия гняв; и кой може да устои?
waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

< Откровение 6 >