< Второзаконие 20 >

1 Когато излезеш на бой против неприятелите си, и видиш коне, колесници и люде повече от тебе, да се не убоиш от тях; защото с тебе е Господ твоят Бог, Който те е извел из Египетската земя.
Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
2 И като пристъпиш в боя, свещеникът да се приближи и да говори на людете, като им каже:
Oo markaad dagaalka ku soo dhowaataan, wadaadku waa inuu dadka u soo dhowaadaa oo la hadlaa,
3 Слушай, Израилю! вие пристъпвате днес да се биете против неприятелите си; да не премалее сърцето ви; не бойте се, нито се смущавайте, нито се ужасявайте от тях;
oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,
4 защото Господ вашият Бог, Той е, Който ходи с вас да се бие за вас против неприятелите ви, за да ви спаси.
maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo.
5 И военачалниците нека говорят на людете, като рекат: Кой е построил нова къща и не я е посветил? - Нека си иде и се върне у дома си, да не би да умре в боя, и друг да я посвети.
Oo saraakiishu dadka ha la hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa guri cusub dhistay oo aan weli u ducaysan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale u ducaystaaye.
6 И кой е насадил лозе и не е ял от плода му? - Нека си иде и се върне у дома си, да не би да умре в боя и друг да яде плода му.
Oo ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.
7 И кой се е сгодил за жена и не я е взел? - Нека си иде и се върне у дома си, да не би да умре в боя, и друг да я вземе.
Oo ninkee bay naagu u doonan tahay, oo aan weli guursan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale guursadaaye.
8 Военачалниците да говорят още на людете, като рекат: Кой е страхлив и малодушен? - Нека си иде и се върне у дома си, да не би да премалеят сърцата на братята му, както неговото сърце.
Oo saraakiishu weliba dadka ha la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u baqaa sida qalbigiisoo kale.
9 И военачалниците, като свършат да говорят на людете, нека поставят полководци над полковете за водители на людете.
Oo markay saraakiishu dadka lahadliddiisa dhammeeyaan waa inay doortaan saraakiil ciidameed inay dadka madax u noqdaan.
10 Когато се приближиш при някой град, за да воюваш против него, предложи му мир.
Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.
11 Ако ти отговори мирно и ти отвори портите, тогава всичките люде, които се намират в него, да ти станат поданици и да ти работят.
Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.
12 Но ако не направи мир с тебе, но воюва против тебе, тогава да го обсадиш;
Oo hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan,
13 и когато го предаде Господ твоят Бог в ръцете ти, тогава да поразиш всичките му мъжки с острото на ножа;
oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,
14 а жените, децата, добитъкът и всичко що се намира в града, всичкити користи от него да вземеш за себе си; и да ядеш користите от неприятелите си, които Господ твоят Бог ти даде.
laakiinse dumarka iyo dhallaanka iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
15 Така да постъпваш с всичките градове, които са много далеч от тебе, които не са от градовете на тукашните народи.
Oo sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka quruumahan.
16 А от градовете на тия люде, които Господ твоят Бог ти дава за наследство, да не оставиш живо нищо, което диша,
Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin,
17 но да ги обречеш на изтребление; хетейците, аморейците, ханаанците, ферезйците, евейците и евусейците, според както Господ твоят Бог ти заповяда;
illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,
18 за да не ви научат да правите според всичките мерзости, които те са правили за боговете си, и така да съгрешите против Господа вашия Бог.
si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.
19 Когато обсаждаш някой град за дълго време и воюваш против него, за да го превземеш, да не унищожаваш дърветата му, нито да дигаш на тях секира; да не ги насичаш, защото от тях можеш да се храниш. Човек ли е полското дърво та да се обсажда от тебе?
Oo markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin baa oo aad saas darteed u weerartaan?
20 Само дърветата, които знаеш, че не са хранителни дървета, тях можеш да унищожаваш и изсичаш; и с тях да правиш кули против града, който ти се противи, догде бъде превзет.
Waxaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.

< Второзаконие 20 >