< 2 Летописи 17 >
1 А вместо Аса се възцари син му Иосафат, който се засили против Израиля;
Oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad, oo wuxuu u xoogaystay si uu dadka Israa'iil isaga daafaco.
2 защото тури военни сили във всичките укрепени градове на Юда, и постави гарнизони в Юдовата земя и в Ефремовите градове, които баща му Аса бе превзел.
Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.
3 И Господ бе с Иосафата, понеже той ходи в първите пътища на баща си Давида и не потърси ваалимите,
Oo Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin,
4 но потърси Бога на бащите си, и в Неговите заповеди ходи, а не по делата на Израиля.
laakiinse wuxuu doonay Ilaahii awowgiis, oo wuxuu ku socday amarradiisii, mana uu yeelin falimihii dadka Israa'iil.
5 Затова Господ, утвърди царството в ръката му; и целият Юда даде подаръци на Иосафата; и той придоби богатство и голяма слава.
Oo sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan.
6 При това, като се поощри сърцето му в Господните пътища, той отмахна от Юда високите места и ашерите.
Oo qalbigiisuna wuxuu u sara kacay inuu qaado jidadka Rabbiga, oo weliba wuxuu dalka Yahuudah ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo geedihii Asheeraah.
7 Тоже в третата година от царуването си прати първенците си Венхаила, Авдия, Захария, Натанаила и Михаия да поучават в Юдовите градове,
Oo haddana sannaddii saddexaad oo boqortooyadiisa ayuu diray amiirradiisii oo ahaa Benxayl, iyo Cobadyaah, iyo Sekaryaah, iyo Netaneel, iyo Miikaayaah inay magaalooyinka dalka Yahuudah dadka wax ku baraan,
8 и с тях левитите Семаия, Натания, Зевадия, Асаила, Семирамота, Ионатана, Адония, Товия и Товадония, левитите, и заедно с тях свещениците Елисама и Иорама.
oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.
9 И те поучаваха в Юда, като имаха със себе си книгата на Господния закон; и обхождаха всичките Юдови градове та поучаваха людете.
Oo iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen.
10 И страх от Господа обзе всичките царства в земите, които бяха около Юда, та не воюваха против Иосафата.
Oo boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn.
11 Някои и от филистимците донесоха подаръци на Иосафата, и сребро като данък; арабите още му докараха стада: седем хиляди и седемстотин овена, и седем хиляди и седемстотин козли.
Oo reer Falastiin qaarkood ayaa Yehooshaafaad u keenay gabbaro iyo lacag baad ah, oo weliba Carabtiina waxay u keeneen adhi badan oo ah toddoba kun iyo toddoba boqol oo wan iyo toddoba kun iyo toddoba boqol oo orgi.
12 И Иосафат продължаваше да се възвеличава твърде много; и съгради в Юда крепости и житници-градове.
Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.
13 И имаше много работи в Юдовите градове, и военни мъже, силни и храбри, в Ерусалим.
Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.
14 А ето броят им, според бащините им домове: от Юда хилядници: Адна, началникът, и с него триста хиляди души силни и храбри;
Oo tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun,
15 след него, Иоанан, началникът, и с него двеста и осемдесет хиляди души;
oo waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin,
16 след него, Амасия Захриевият син, който драговолно принесе себе си Господу, и с него двеста хиляди силни и храбри мъже;
oo isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan.
17 а от Вениамина: Елиада, силен и храбър, и с него двеста хиляди души въоръжени с лъкове и щитчета;
Oo reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Elyaadaac oo ahaa nin xoog badan, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo nin oo sita qaanso iyo gaashaan,
18 а след него, Иозавад, и с него сто и осемдесет хиляди души въоръжени за война.
oo isna waxaa ku xigay Yehoosaabaad, waxaana isaga la jiray boqol iyo siddeetan kun oo nin oo dagaal loo diyaariyey.
19 Тия бяха мъжете, които слугуваха на царя, освен ония, които царят постави в укрепените градове в целия Юда.
Oo kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.