< 1 Царе 5 >
1 А филистимците, като хванаха Божия ковчег, занесоха го от Евен-езер в Азот.
Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.
2 И филистимците взеха Божия ковчег та го внесоха в капището на Дагона, и поставиха го до Дагона.
Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.
3 И на следния ден, когато азотяните станаха рано, ето Дагон паднал с лицето си на земята пред Господния ковчег. И взеха Дагона та го поставиха на мястото му.
Oo maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen.
4 И на другия ден като станаха рано сутринта, ето Дагон пак паднал с лицето си на земята пред Господния ковчег, и главата на Дагона и двете длани на ръцете му, остечени върху прага; само трупът на Дагона беше останал.
Oo haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya.
5 (За това, нито Дагоновите жреци, нито някои от ония, които влизат в Дагоновото капище, не стъпват на прага му в Азот до днес).
Taas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.
6 Но ръката на Господа натегна над азотяните, и Той ги изтреби, и порази с хемороиди тях и Азот и околностите му.
Laakiinse gacantii Rabbigu way ku cuslayd reer Ashdood, wuuna baabbi'iyey iyagii, oo wuxuu kasoobaxyo ku soo daayay Ashdood iyo xuduudkeeda oo dhanba.
7 И като видяха азотските мъже, че такава е работата, рекоха: Ковчегът на Израилевия Бог няма да стои между нас, защото ръката Му тежи върху нас и върху бога ни Дагона.
Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.
8 За това, пратиха та събраха при себе си всичките филистимски началници и рекоха: Що да сторим с ковчега на Израилевия Бог? А те отговориха: ковчегът на Израилевия Бог нека се принесе в Гет. И тъй пренесоха в Гет ковчега на Израилевия Бог.
Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.
9 Но като го пренесоха, ръката на Господа беше против града с много голямо поражение; и Той удари градските мъже от малък до голям, та избухнаха по тях хемороиди.
Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.
10 Затова, пратиха Божия ковчег в Акарон. А като дойде Божият ковчег в Акарон, акаронците извикаха, казвайки: Донесоха ковчега на Израилевия Бог у нас, за да измори нас и людете ни.
Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.
11 И тъй, пратиха да съберат всичките филистимски началници, и рекоха: Изпратете ковчега на Израилевия Бог, и нека се върне на мястото си, за да не измори нас и людете ни; защото имаше смъртно поражение по целия град; Божията ръка тежеше там твърде много.
Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.
12 И мъжете, които не умряха, бяха поразени с хемороиди; и викът от града се издигна до небето.
Oo dadkii aan dhimanna waxaa lagu dhuftay kasoobaxyo, oo magaalada qayladeediina waxay u baxday xagga samada.