< 1 Царе 12 >

1 Тогава Самуил каза на целия Израил: Ето, послушах гласа ви за всичко, що ми казахте, и поставих цар над вас.
Samuu'eel wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Bal eega, anigu waan maqlay codkiinnii iyo wixii aad igu tidhaahdeen oo dhan, oo waxaan idiin yeelay boqor idiin taliya.
2 И сега, ето, царят ви предвожда; а аз съм стар и белокос, и, ето, синовете ми са с вас; и обходата ми от младостта ми до днес е пред вас.
Oo haatan, bal eega, boqorkii wuu idin hor socdaaye, oo anigu waan gaboobay, waanan cirroobay; oo bal eega, wiilashaydiina way idinla joogaan, oo aniguna waxaan idin hor socday tan iyo yaraantaydii.
3 Ето ме: свидетелствувайте против мене пред Господа и пред помазаника Му - Кому съм взел вола? или кому съм взел осела? или кого съм онеправдал? кого съм притеснил? или из ръката на кого съм взел подкуп, за да ослепя очите си с него, та да ви го върна?
Bal waa i kan. Rabbiga hortiisa igu markhaati fura, iyo kan uu subkaday hortiisaba. Bal yaan dibigiisii ka qaatay? Amase bal yaan dameerkiisii ka qaatay? Amase yaan dulmay? Amase yaan cadaadiyey? Kumaanse gacantiisa laaluush ka qaatay si aan isu indhatiro daraaddeed? Hadday saas tahay waan idiin celin.
4 А те рекоха: Не си ни онеправдал, нито си ни притеснил, нито се взел нещо от ръката на някого.
Oo iyana waxay yidhaahdeen, Nama aad dulmin, namana aad cadaadin, oo ninnaba gacantiisa waxba kama aad qaadan.
5 И рече им: Свидетел ви е Господ, свидетел е и Неговият помазаник Днес, че не намерихте нищо в ръката ми. И те отговориха: Свидетел е.
Markaasuu isna wuxuu ku yidhi iyaga, Maanta Rabbigaa idinku marag ah, iyo kan uu subkaday, inaydnaan waxba gacantayda ku helin. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Haah, isagu waa ka marag.
6 И рече Самуил на людете: Господ е, Който постави Моисея и Аарона и изведе бащите ви от Египетската земя.
Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Muuse iyo Haaruun waxaa doortay Rabbiga, oo isagaa awowayaashiin ka soo saaray dalkii Masar.
7 Сега, прочее, застанете, за да разсъждавам с вас пред Господа за всичките справедливи дела, които Господ направи вам и на бащите ви.
Haddaba bal joogsada inaan Rabbiga hortiisa idinkula hadlo wax ku saabsan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa oo dhan, oo uu idiin sameeyey idinka iyo awowayaashiinba.
8 Когато Яков дойде в Египет, и бащите ви извикаха към Господа, тогава Господ прати Моисея и Арона, които изведоха бащите ви из Египет и заселиха ги на това място.
Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.
9 Те обаче забравиха Господа своя Бог; затова ги предаде в ръката на Сисара, асорския военачалник, в ръката на филистимците и в ръката на моавския цар, които воюваха против тях.
Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga.
10 Тогава те извикаха към Господа, казвайки: Съгрешихме, понеже оставихме Господа та служихме на ваалимите и на астартите; но сега избави ни от ръката на неприятелите ни, и ще Ти служим.
Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa.
11 И Господ изпрати Ероваала, Водана, Ефтая и Самуила та ви избави от ръката на неприятелите ви от всякъде; и вие живеехте в безопасност.
Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.
12 Но когато видяхте, че Наас, царят на амонците, дойде против вас, рекохте ми: Не, но цар да царува над нас, - когато Господ вашият Бог ви беше цар.
Oo markii aad aragteen boqorkii Naaxaash ahaa oo reer Cammoon inuu idinku soo duulay, waxaad igu tidhaahdeen, Maya, laakiinse waa inuu boqor noo taliyaa; markaasna waxaa boqor idiin ahaa Rabbiga Ilaahiinna ah.
13 Сега, прочее, ето царят, когото избрахте, когато искахте! и, ето Господ постави цар над вас.
Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.
14 Ако се боите от Господа и Му служите, и слушате гласът Му, и не въставате против Господното повеление, и следвате Господа вашия Бог, както вие, така и царят, който царува над вас, добре;
Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
15 но, ако не слушате Господния глас, а въставате против Господното повеление, тогава Господната ръка ще бъде против, вас, както беше против бащите ви.
Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.
16 Сега, прочее, застанете та вижте това велико дело, което Господ ще направи пред очите ви.
Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.
17 Не е ли днес жетва на пшеницата? Ще призова Господа; и Той ще прати гръмове и дъжд, за да познаете и видите, че злото, което направихте, като си поискахте цар, е голямо пред Господа.
Sow maanta ma aha maalintii sarreenka la gooynayay? Anigu Rabbigaan baryayaa inuu soo diro onkod iyo roob; oo idinna markaasaad ogaan doontaan oo arki doontaan inuu weyn yahay sharkiinna aad Rabbiga hortiisa ku samayseen markaad boqor weyddiisateen.
18 Тогава Самуил призова Господа; и Господ прати гръмове и дъжд през същия ден; и всичките люде се уплашиха твърде много от Господа и от Самуила.
Saas aawadeed Samuu'eel Rabbiguu baryay, oo Rabbiguna maalintaasuu onkod iyo roob soo diray, oo dadkii oo dhammuna aad iyo aad bay uga cabsadeen Rabbiga iyo Samuu'eelba.
19 И всичките люде казаха на Самуила: Помоли се за слугите си на Господа твоя Бог, за да не измрем; защото върху всичките си грехове притурихме и това зло, да искаме за себе си цар.
Markaasaa dadkii oo dhammu waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Addoommadaada u bari Rabbiga Ilaahaaga ah, yaannan dhimanne, waayo, dembiyadayadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan markaannu boqor weyddiisannay.
20 И Самуил каза на людете: Не бойте се; вие наистина сторихте всичко това зло; но да се не отклоните та да не следвате Господа, а служете Господу от все сърце;
Oo Samuu'eelna wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina; xaqiiqa, waxaad samayseen sharkan oo dhan, laakiinse gees ha uga leexanina Rabbiga lasocodkiisa, waxaadse ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan;
21 и да се не отклоните, защото тогава ще идете след суетностите, които не могат да ползват, или да избавят, понеже са суетни.
oo gees ha uga leexanina, waayo, markaas waxaad raaci lahaydeen waxyaalo aan micne lahayn ee aan waxba tari karin, waxna badbaadin karin, waayo, iyagu micne ma leh.
22 Защото Господ няма да остави людете Си заради великото Си Име, понеже Господ благоволи да ви направи Свои люде.
Maxaa yeelay, Rabbigu ka tegi maayo dadkiisa, magiciisa weyn aawadiis; maxaa yeelay, Rabbiga way ka farxisay inuu dad idinka dhigto.
23 А колкото за мене, да не даде Бог да съгреша на Господа, като престана да се моля за вас! но ще ви уча добрия и правия път.
Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.
24 Само бойте се от Господа, и служете Му искрено от все сърце; защото помислете колко велики дела извърши Той за вас.
Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.
25 Но ако следвате да струвате зло, това и вие и царят ви ще погинете.
Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.

< 1 Царе 12 >