< 1 Коринтяни 7 >

1 А относно това, що ми писахте: Добре е човек да се не докосва до жена.
Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban.
2 Но, за да се избягват блудодеянията, нека всеки мъж има своя си жена, и всяка жена да има свой мъж.
Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.
3 Мъжът нека има с жената дължимото към нея сношение; подобно и жената с мъжа.
Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso.
4 Жената не владее своето тяло, а мъжът; така и мъжът не владее своето тяло, а жената.
Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.
5 Не лишавайте един друг от съпружеско сношение, освен ако бъде по съгласие за малко време, за да се предавате на молитва, и пак бъдете заедно, да не би сатана да ви изкушава чрез вашата невъзможност да се въздържате.
Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed.
6 Но, това казвам, като позволение, а не като заповед.
Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.
7 Обаче, бих желал всичките човеци да бъдат какъвто съм аз. Но всеки има своя особен дар от Бога, един така, а друг инак.
De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.
8 А на неженените и вдовците казвам: Добро е за тях, ако си останат такива, какъвто съм и аз.
Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,
9 Но, ако не могат да се въздържат, нека се женят, защото по-добре е да се женят, отколкото да се разжегват.
laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.
10 А на жените заръчвам, и то не аз, но Господ: Жена да не оставя мъжа си;
Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.
11 (но ако го остави, нека остане неомъжена, или нека се помири с мъжа си; ) и мъж да не напуща жена си.
Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.
12 А на другите казвам аз, не Господ: Ако някой брат има невярваща жена, и тя е съгласна да живее с него, да не я напуща.
Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin.
13 И жена, която има невярващ мъж, и той е съгласен да живее с нея, да не напуща мъжа си.
Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin.
14 Защото невярващият мъж се освещава чрез жената, и невярващата жена се освещава чрез брата, своя мъж; инак чедата ви щяха да бъдат нечисти, а сега са свети.
Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus.
15 Но, ако невярващият напусне, нека напусне; в такива случаи братът или сестрата не са поробени на брачния закон. Бог, обаче, ни е призвал към мир.
Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad.
16 Защото отгде знаеш жено, дали не ще спасиш мъжа си? или отгде знаеш мъжо, дали не ще спасиш жена си?
Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?
17 Само нека всеки постъпва така, както Господ му е отделил сили, и всеки, както Бог го е призовал; и така заръчвам по всичките църкви.
Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa.
18 Обрязан ли е бил призован някой във вярата, да не крие обрязването. Необрязан ли е бил някой призован, да се не обрязва.
Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.
19 Обрязването е нищо, и необрязването е нищо, но важното е пазенето на Божиите заповеди.
Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.
20 Всеки нека си остава в това звание, в което е бил призван във вярата.
Nin kastaa sidii loogu yeedhay, ha sii ahaado.
21 В положение на роб ли си бил призован? да те не е грижа, (но ако можеш и свободен да станеш, по-добре използувай случая);
Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid.
22 защото, който е бил призован в Господа като роб, е свободен човек на Господа; така и който е бил призован като свободен човек, е роб на Христа.
Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix.
23 С цена сте били купени; не ставайте роби на човеци.
Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina.
24 Братя, всеки в каквото е бил призован във вярата, в него нека си остане с Бога.
Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado, isagoo Ilaah la jira.
25 Относно девиците нямам заповед от Господа; но давам мнение като един, който е получил милост от Господа да бъде верен.
Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga, laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado.
26 И тъй, поради настоящата неволя, ето какво мисля за доброто, че е добре за човека така да остане както си е.
Sidaa daraaddeed waxay ila tahay dhibta haatan joogta aawadeed inay u roon tahay nin inuu sii ahaado siduu yahay.
27 Вързан ли си в жена? не търси развързване. Отвързан ли си от жена? не търси жена.
Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag.
28 Но, ако се и ожениш, не съгрешаваш; и девица, ако се омъжи, не съгрешава; но такива ще имат житейски скърби, а пък аз ви жаля.
Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin, bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin, laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan, laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa.
29 Това само казвам, братя, че останалото време е кратко; затова и тия, които имат жени, нека бъдат, като че нямат;
Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin;
30 и които плачат, като че не плачат; които се радват; като че не се радват; които купуват, като че нищо не притежават;
oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn;
31 и които си служат със света, като че не са преданни на него: защото сегашното състояние(Гръцки: Образът ) на тоя свят преминава.
kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.
32 А аз желая вие да бъдете безгрижни. Нежененият се грижи за това, което е Господно, как да угажда на Господа;
Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga, siduu Rabbiga uga farxin lahaa.
33 а жененият се грижи за това, което е световно, как да угажда на жена си.
Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa.
34 Тъй също има разлика между жена и девица. Неомъжената се грижи за това, което е Господно, за да бъде света и в тяло и в дух; а омъжената се грижи за това, което е световно, как да угажда на мъжа си.
Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso.
35 И това казвам за вашата собствена полза, не да ви държа с оглавник, но заради благоприличието, и за да служите на Господа без отвличане на ума.
Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan.
36 Пак, ако някой мисли, че постъпва неприлично към дъщеря си девица, ако й е минала цветущата възраст, и ако трябва така да стане, нека прави каквото ще; не съгрешава, нека се женят.
Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado, ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen.
37 Но който стои твърдо в сърцето си, и не бива принуден, но има власт да изпълни волята си, и е решил в сърцето си да държи дъщеря си девицата неомъжена, ще направи добре.
Kii qalbigiisa ka adkaysta, isagoo aan la qasbin, laakiin nafsaddiisa u taliya, uuna qalbigiisa ka goostay inuu bikraddiisa iska sii hayo, si wanaagsan buu falaa.
38 Така щото, който омъжи дъщеря си девицата добре прави; а който я не омъжи, ще направи по-добре
Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa, iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa.
39 Жената е вързана до когато е жив мъжът й; но ако мъжът умре, свободна е да се омъжи за когото ще, само в Господа.
Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.
40 Но, по моето мнение, по-щастлива е, ако си остане така; а мисля, че и аз имам Божия Дух.
Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay, oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.

< 1 Коринтяни 7 >