< Mark 6 >
1 A rju ni ki hi ki gbuma ba ba mriko ma but húa.
Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.
2 Da vi a sabat ye wa ahi ka tsuro tre ni tra rji. Gbugbu nai wa ba wowua ba yo mamaki nda tre akpa toh tsuro yi rjime? A bi wrji time ba nno? A bi ngye towa wa ani tie wa ba zan kagrji?
Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?
3 Ana vren kafinta muyi na, ivren mariya mu ni vayi ba Yakubu, Yosi, Yahuza u Siman Nan?
Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen.
4 U Yesu ka hla bawu din, Anabi bana nyime niwu ni gbu ma mba bi koh Mana.
Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa, iyo dadkiisa, iyo gurigiisa dhexdooda maahee.
5 Ana to tie kpie rligrama ni gbuma na, a sáwo ni ndi fyime yi u baka fe si.
Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane.
6 A yi mamaki ni ka nyime ndi ma ni ndu rji. A ye who hi ni mrli gbu bi wiewiere ni ba nda ka bla tre rji ba wu.
Wuuna ka yaabay rumaysadla'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.
7 A yo mrli koh ma wlon don haá ndá tton ba rju ni hiha ndá nno ba gbengble ni tu bi brji meme,
Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan.
8 ndá hle bawu ndu ba na nji kpie u hi ni ziren a na ba nji kpala ni kpo mba na,
Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaadanina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina.
9 bá son lahgban ndá sur nklon ririyi.
Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.
10 A hla bawu ikoh wa bi ti ria bi ka ki ni ki me hi ntton wa bi wlua.
Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.
11 Igbu wa ba na kpayi ko woyi na, bika kpun me-meh u za mbi hle ni bawu ndu kafa shaida ni tu mba.
Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
12 Ba rju hi ndá ka tree ni ndi ba ndu ba tuba.
Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.
13 Ba zu meme brji rju ni mi ndi gbugbu wu nda nyiu nye ni tu bi lilo u ba kafe si kpa.
Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.
14 Ichu fero a wo in I wa ba ki tie'a don inde Yesu a Shan shu u gbua. Ba ri ba tre Yohana u Batisma ta shine ndá ni tie kpie wa yi wa ba zan kagrjiá!
Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
15 Bari ba tre “a hi Iliya Bari me a ndá hi Anebi na Anebi bi Sen'a”
Laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Waa Eliyaas; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Waa nebi, nebiyada kale la mid ah.
16 Amma fero ni wo nayi ka tre ndi Yohana wa me chu tu ma ua ta Shime.
Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.
17 Fero ana ton ba ndu ba vu Yohanna tro ni tre Herodiya (I wa vayi ma Filibus) don a grand ni gbengble.
Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday,
18 Yohana ana hla ni Fero a hi yours tsu ndu Vu vayi me kpa wa ma.
oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid.
19 Wawu Herodiya ka nji fu Yohana ndá wa kon u wuu hama.
Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin,
20 Don Fero ata klu Yohana niwa ana ndi u klu rji nda zi Yohana ni tro Amma ndá na tie wu ya na. Wo tre ma ta nno fu kpukpo me Kuma ndá giri ni wu'u.
waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.
21 I vi wa a zi gbien ni tu Yohana ye ki tsar-a ni vi u taka ngrji Fero ni wa a yo Indi bi nikon bi ti ndu niwu ni khi kle komanda ba u bi nikon bi Galili rli birli ni wu.
Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili.
22 Ivren wa u Heridiya a ye nga me nda nglu nzan ni ba wu; wa suron Fero bi ni wu ni mbier bi tsri ba. I chuia ka hla ni vren wa, mye kpie wa u wa ni me u me no wu.
Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa.
23 A shi rji ni vren wa nda hla, ko a hi ngye u mye me me nnou, ko ani ta me ga mulki mua ti ha
Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed.
24 me. A tsutsu rju hi ni yi ma nda myen, me myen tiemu ngye ri? A hla wu, Itu Yohana u tie Batisma.
Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.
25 A tsutsu gbla me hi ni chuia nda tre me son ndu ne zizan yi, Itu Yohana u tie Batisma ni mi gbugba.
Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso.
26 Ikpie kpa suron chua tie wie me amma ana wa ani kama na ni wa a shirji wua ua u taka vi grji ma.
Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido.
27 Ichua to me nda yo soja ma ndu ba ka chutu Yohana. Soja wa a ra gbien chua hi ni itra wa ba tro Yohanna nda chu tu ma.
Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay.
28 A nji tu Yohanaye ni mi gbugba kukron nda ka nno vren wā-a u vren wā-a ka nji ka nno yima.
Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.
29 Mru ko ma ha wo nda hi ka ban jiji kpa ma ka rju ni be.
Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.
30 Manzani ba ba ye ni Yesu nda vu ikpie wa ba tie'a bla wa wawu-u.
Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay, oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba.
31 A hla bawu “Rju hi ni wi gi wa bi he kimbi'a ndi kusi tsame. Don indi gbugbu wu ba ta ye nda hi ni ba u ba ka na he nton u rli ua mena.
Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.
32 U Manzani ba ba ka rju dran gwu hi wrji wa indi ba na he'a na.
Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen.
33 Amma indi ba ba to ba nda to rju mba nda tsutsu ni za rju ni mi gbuba wawu-u nda ka ri ni bubu'a guci ni bawu.
Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen, oo magaalooyinka oo dhan ayay ka soo ordeen, wayna ka dheereeyeen.
34 Da ba-a rugran ne'a nda ka to kpentren ndi wa ba ki gben ba'-a, wa a lo'u suron don bana rhi kpe me na intamma wa ba na he ni ndi ma na. a krli ri ni tsuro ba' ikpi gbugbu-u.
Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.
35 Ba he me u icha ye tie u mali ko ma baka tre wu ndu.
Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.
36 Hla ndu ba hi ni mi gbu bi wie wiere na le birli da di don iwrji wa ba he'a bran inkon ni gbu.
Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.
37 Wa' a kasa ba wu din, nno ba ikpie wa ba rlia. Ba mye, ki hi le bredi u denari derli harli ye nno ba?
Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?
38 Wa mye ba “bi he ni gble bredi bren? Hi ndi hi ya' to”. Da ba ka to, ba hla wu din, Igble nton ni lambe hari.
Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.
39 A ndu ba kusun ni giga'a ni nklan ma.
Kolkaasuu ku amray inay cawska koox koox ugu fadhiisiyaan.
40 Ba kuson ini nklan deri-deri mba se'titon.
Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah.
41 A vu bredi ton ba ni lambe ha ba nda nzu ya shulu nda ti lulu ni tu mba nda myre bredi ka nno manzani ma ndu ba ga ndin ba. A la vu lambe ba nda fan ba ti tsitsa ma da ga ba.
Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey, kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey giddigood.
42 Baka ntan da wrji sa'sa'me don mbuerma.
Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen.
43 Ba vu shu ni sisen wlon don harli.
Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka.
44 Bi wa ba tan bredia u lambe-a ba lilon dubu ton.
Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.
45 A ni kle tre's da ndu manzani ba ri ni nhamma gwu'a nda hi guci wu ni Besaida nda ndu kpentren ndi ba hi kpamba.
Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale oo Beytsayda intuu dadkii badnaa dirayo.
46 Da indi ba ba hi wawu-u wa ka hon hi ngblu nda'yi addua.
Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado.
47 Yalu a tie u Jirgi'a ka ri tsutsu ma-a ye u Yesu na rli he ni meme ni nkrji ma.
Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.
48 A to ba ni mi Jirgia ni tsi kpa wa ba ki tie ni shishi ngwungwu'a nda ta son vu ba yiba.
Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa.
49 Amma da ba to u si zren ni tu ma-a baka ya nda ahi ibrji,
Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen.
50 sisri ti ba u baka yira yi! Gbagblame, a tre ni ba nda hla bamu vu suron! A hi me! Na klu sisri na!
Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.
51 A ri mi Jirgi'a ni ba' u ngwu ngwu'a ka ku kli nda na la fu na. Ikpie a nno ba mre kpukpome.
Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen.
52 Don ba na rli rehe to njima ni kpie wa a tie ni bredi ba me' isuron ba ana kpan kpa.
Waayo, iyaga kibistii waxba kama ay garanin, maxaa yeelay, qalbigoodu waa engegnaa.
53 Niwa ba ru kikle (kpace) ma-a, ba ye ni gbu Gennesarit nda llo' Jirgia zi ki.
Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen.
54 Niwa ba rju ni Jirgi'a indi ba ba tsi to-o,
Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga.
55 nda tsutsu ka nji bi lillo ni ba tabli mba rji ba'u nklan mba hi ni wrji wa ba wo nda a hea.
Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo.
56 Duk wrji wa a ri ni gbu, ko rligra ma ko tsitsa ma ko ni meme ndi bari ani to ba zi bi lillo ni bubu wa ba zu hi kasuwa. Ba breu ndu don ba me' ndu ba kpire nyiu nklon ma, gbugbu u wa ba kpire a ba kpa si kpamba
Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.