< Matta 17 >

1 Ki kume nukkundi Yesu tu Bitrus kange Yakubu kange Yuwana yiciye yaken ki co bangko cweem cwemeu, ki bwico.
Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.
2 Yirom cembo tii ba kabum ciyembo tikob cebo, ti bibai na kakuk, kange bellece ti tibai na filang.
Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.
3 Katten di Musa kange Iliya cerkangu cinen, tak.
Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.
4 Bitru kari, yi Yecu Teluwe yori bo fo fiye wo bo wiye. Tona mon cwitiri man ywel bi kurdo tar, win kimo win ki Musa, win ki Iliya
Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.
5 Co mor takka kerer biloro tia nyi cumo co diro coro bi loromi yici kiwo bi bwini mi cwiye coni fumen nen tiye kom nuco.
Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.
6 La bibei tomange ce nuwa yori cin mwelken dorcero bitene wori cin cwatai.
Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.
7 Yecu bo ke ci yici ki kweni kom nuware tai.
Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.
8 Ci kum dore ciyero, cito bo nii.
Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.
9 Fiyaci yirouti bang Yecu nyiki kom yire ni dukkum bowo fico bi bwe nii kwanen.
Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
10 Bi bei bwangka ce me ki yebwe ni mulanka a tok ti ki Iliya yo boteye?
Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?
11 Yecu diye cinen ki Iliya an boragu ki dikero.
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa.
12 Di miyi kom ti iliya kweri bou dila ci yomkombo nyori cin macinen diker ci cwiye. nurewo, bi bwe nifire an nuwa dotange kan ciye.
Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga.
13 wo bi bei tomangece ci nyme ki tok cine kero tok Yuhana nii yuka mogen.
Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.
14 Ci law fiye mwirkanka ko weyenri kange nii bo cine, cunguge kabumce toki.
Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,
15 Teluwe ci bi bwemi wori ki juwe takeu, nuwa dotangeti kwabi ki yalti mwem kange kira ngit.
Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,
16 Maboki ci bi bei tomange nin cin dor bo twaka.
oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.
17 Yecu, Kari tokki nom bwini birinke kange cwatanka kle fiya fiyang mayi ti ki kome ko bo ki co fiye mi wiye.
Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.
18 Yecu kwenancinenten la ning bwice celum bwi fiya tai ka?
Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.
19 Bi bei tomange ce bo Yecu nen yulum yurang me ki yebi nyo fweki co kake?
Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?
20 Yecu yiciki bilenker kumero nyo bi duwar mi yi kom ti naki kam wii ki beilenker na nun bi katairi kam nyi tiyo kamki kwam yaken fire tiyo an kom dike kange mani wo ala bi gwamm ki matiye.
Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
21 La iren kelkeliyo wo mani a certi ciya kwobka dilo.
Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.
22 Ciyim Galili, Yecu yi bei tomange ce ki ciyan ne bi bweni kan nii.
Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.
23 Ci nyi mom twirum co ki kume tar an kwenum bibei tomange ceu nero kayam.
Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.
24 Ci lam Kafanahum nubo yo dortiyeu wumer cekeltiyeu cin bo Bitru. ciki nii merankakumeko, ne wumer cekeliti. Na dore ce?
Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo?
25 Co toki ong dila Bitru do ken mor luwe Yecu ter kero kange co, nye mo kwatiye Saminu? liyam karero ciki nyo kemer doren wine kika kemer mweng fiye nobfuwai.
Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha?
26 Bitru kar cinen fiye Fabubo wiye Yecu yic nyori citu nob finyige keben yakako dila kari.
Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin.
27 Bi don nyo ka doreka bwirangke, kam ya wima, mam ker bibumo kom tau jinge wo ter bo kakeri. tano kom wom niceri, komfiya cekelo kumtu kone nubo yodoro tiyeu mi kange mwin.
Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.

< Matta 17 >