< Afisawa 4 >

1 Nawo ri nawo min mi furcineu ker kwama mi kenkomti kom yi yimbo daten kange bi co kwama makemeneu.
Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah,
2 Kom yilam ki dikero ken do wu a mati ki dikero ken kange birom nenerem. Kom yo kebkume bo mor cwika.
idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo.
3 Kom yi yim mwerka dorek mor yuwa tangbek kom morum mor fuwor neret.
Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda.
4 Bwiyo wi win kange yuwa tangbekko win, kam ci co kom dor yoka nerer ko wineu.
Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii.
5 Kwama win bilenke win, kange yuka munge kwama win.
Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya,
6 Kwama win kange Tee gwam. Co ci dor diker wuyake, fiye wuyake, kange mor wuyak.
iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
7 Kwama ci nebo nyomka dong dong kange cuwaka nyka almasihu.
Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.
8 Nawo cin bwanten kange cannya mo dotange cin ma nubo ki yomka.
Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
9 In ye tok tiye, “Cin kwiken” kiyi yiram, yaken bitine more cuwa cuwau.
Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya?
10 Co ci yiraweu co ci kwiken dikwama ci mawu naci dim dikero gwam.
Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.
11 Yeecu Nii ne nub yomka nawuro nyo nob tomangeb, dukume nubo waker cero fiye nubo to kwamatiyeu, kange nob merangkatiyeu.
Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.
12 Cima nyo na ywellum nob kwama bo na maka nange neke ce, na mum bwi almaihu.
Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,
13 Ci manyo nabi lam yim bilnker bo ken bo kange nyoka bibwe kwama. ci manyo la bi lam dwika, na birombo lam dim dur cero lo Yeecu.
ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa.
14 Yecu muu wuro nyo kati yelo bi yilam na bi bei. ka cita yilang boti. Wuro nyo kati yoli bi yuwa merangka binen kankak kange buyelangka nob maka cwerkeko.
Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.
15 Nyori ban tok bilenker mor cwika wori nabi dwi mor bi kwanner cer, co cin durken mor Yeecu.
Laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa,
16 Yeecu mwerum bwi nob neka bilenker. Bwiyo mwerum mwere fiye kulteltinim bo wiyeu, na bwiyo duyom na mum dencero mor cwika.
kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
17 Naweu nii makumen be wereti mor kwama miki kom cwobtende yimbo na yim nubo nyombo kwama cimati yim azanci bang da wofi wo manki nageneu.
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.
18 Cin fim kumti cile mor kwaka nerer ciko fabub ki dume nawo kwama ceu, fiyu bwin nyo ka cek wo more ceu kange wo kwamka nerer cekeu.
Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.
19 Ma ci nuwa kwenduwe ti cin neken dor ciro nagen mor bwiyer maka nangendo yeyeu kange la cin merang kenti ki dikero bwir.
Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan.
20 La kebo nyo kom merang nage kwama re.
Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran,
21 Min kwatiri kom kweri, kom nuwam dorcer. mikwatiri cin merang kumen morece, nawo bilenker Yeecu nyeu.
hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto.
22 Yii nen ki tam dikero nanduwo mwa merangeu, kom yii yimkumenbo nanduwo, la nii cer nii carko yakcanti ki bwirankeret ceko.
Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada;
23 Kom minang nii carkowo naci mirim kom fwice mor yuwa tangbe kumek.
oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna,
24 Kom manyo nakom dum ni fwir wo cerkan kwama ci fwel mor bilenker nere, kange wucak kange bilenke.
oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
25 Na wori kom cutan cwekewi, “Tok bilenke kange nii bidom kange mweu,” wori bin kuteltin bwitibo.
Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa.
26 “Kom kanngum ner, dila mare bwiranke”. kom dob re ka kuko ayarum kom kang nerek.
Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan.
27 Kom nere bwe kelkele nyilo.
Ibliiskana meel ha siinina.
28 Ni ku kumtiyeri adubom kuka kuyeko tak. La nyi co liya mananngen manangen ki kanice naci fiya dike catikan nubo kwambe ti cikeu.
Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan.
29 Kero fwemfweu acirangum nyi kom. No nyori, kom ywelten dor kumero na ne luma nubo nuwatiye.
Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla.
30 Kom kande yuwatangbe kwamako nin ner fo fiye ciweu ci dok kumen kange nawo kaku ceer kako ceu.
Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada.
31 Kom cutan fur nerero win, da hasala. fush da tankiya da reny da dukan mugunta. kom ma bwiti kume nen dikiero ken, kom yilam ki nero yiber.
Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba;
32 Kom dob keb kume bo bwirangker cero kambo kwama kume Yeecu dob kumen bwirang ker kumeru.
oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.

< Afisawa 4 >