< ܥܒܪ̈ܝܐ 8 >
ܪܝܫܐ ܕܝܢ ܕܟܠܗܝܢ ܐܝܬ ܠܢ ܪܒ ܟܘܡܪܐ ܐܝܢܐ ܕܝܬܒ ܡܢ ܝܡܝܢܐ ܕܟܘܪܤܝܐ ܕܪܒܘܬܐ ܒܫܡܝܐ | 1 |
Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,
ܘܗܘܐ ܡܫܡܫܢܐ ܕܒܝܬ ܩܘܕܫܐ ܘܕܡܫܟܢܐ ܕܫܪܪܐ ܗܘ ܕܩܒܥ ܐܠܗܐ ܘܠܐ ܒܪܢܫܐ | 2 |
kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.
ܟܠ ܪܒ ܟܘܡܪܐ ܓܝܪ ܕܩܐ ܕܢܩܪܒ ܩܘܪܒܢܐ ܘܕܒܚܐ ܡܛܠ ܗܢܐ ܙܕܩܐ ܗܘܬ ܐܦ ܠܗܢܐ ܕܢܗܘܐ ܐܝܬ ܠܗ ܡܕ ܕܢܩܪܒ | 3 |
Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.
ܘܐܠܘ ܒܐܪܥܐ ܗܘܐ ܐܦܠܐ ܟܘܡܪܐ ܗܘܐ ܗܘܐ ܡܛܠ ܕܐܝܬܝܗܘܢ ܗܘܘ ܟܘܡܪܐ ܕܡܩܪܒܝܢ ܗܘܘ ܩܘܪܒܢܐ ܐܝܟ ܕܒܢܡܘܤܐ | 4 |
Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay;
ܗܢܘܢ ܕܡܫܡܫܝܢ ܠܕܡܘܬܐ ܘܠܛܠܢܝܬܐ ܕܗܠܝܢ ܕܒܫܡܝܐ ܐܝܟ ܕܐܬܐܡܪ ܠܡܘܫܐ ܟܕ ܥܒܕ ܗܘܐ ܡܫܟܢܐ ܕܚܙܝ ܘܥܒܕ ܟܠܡܕ ܒܕܡܘܬܐ ܗܝ ܕܐܬܚܙܝܬ ܠܟ ܒܛܘܪܐ | 5 |
kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.
ܗܫܐ ܕܝܢ ܬܫܡܫܬܐ ܕܡܝܬܪܐ ܡܢ ܗܝ ܩܒܠ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܐܟܡܐ ܕܡܝܬܪܐ ܐܦ ܕܝܬܝܩܐ ܗܝ ܕܥܒܝܕ ܒܗ ܡܨܥܝܐ ܘܒܫܘܘܕܝܐ ܕܡܝܬܪܝܢ ܡܢ ܕܗܝ ܐܬܝܗܒܬ | 6 |
Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.
ܐܠܘ ܓܝܪ ܐܝܬܝܗ ܗܘܬ ܩܕܡܝܬܐ ܕܠܐ ܪܫܝܢ ܠܝܬ ܗܘܐ ܐܬܪܐ ܠܗܕܐ ܕܬܪܬܝܢ | 7 |
Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.
ܪܫܐ ܠܗܘܢ ܓܝܪ ܘܐܡܪ ܕܗܐ ܝܘܡܬܐ ܐܬܝܢ ܐܡܪ ܡܪܝܐ ܘܐܓܡܘܪ ܥܠ ܒܝܬܐ ܕܒܝܬ ܐܝܤܪܝܠ ܘܥܠ ܒܝܬܐ ܕܒܝܬ ܝܗܘܕܐ ܕܝܬܩܐ ܚܕܬܐ | 8 |
Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
ܠܐ ܐܝܟ ܗܝ ܕܝܬܩܐ ܕܝܗܒܬ ܠܐܒܗܝܗܘܢ ܒܝܘܡܐ ܕܐܚܕܬ ܒܐܝܕܗܘܢ ܘܐܦܩܬ ܐܢܘܢ ܡܢ ܐܪܥܐ ܕܡܨܪܝܢ ܡܛܠ ܕܗܢܘܢ ܠܐ ܩܘܝܘ ܒܕܝܬܩܐ ܕܝܠܝ ܐܦ ܐܢܐ ܒܤܝܬ ܒܗܘܢ ܐܡܪ ܡܪܝܐ | 9 |
Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.
ܗܕܐ ܕܝܢ ܕܝܬܩܐ ܕܐܬܠ ܠܒܝܬܐ ܕܒܝܬ ܐܝܤܪܝܠ ܒܬܪ ܝܘܡܬܐ ܗܢܘܢ ܐܡܪ ܡܪܝܐ ܐܬܠܝܘܗܝ ܠܢܡܘܤܝ ܒܡܕܥܝܗܘܢ ܘܥܠ ܠܒܘܬܗܘܢ ܐܟܬܒܝܘܗܝ ܘܐܗܘܐ ܠܗܘܢ ܐܢܐ ܐܠܗܐ ܘܗܢܘܢ ܢܗܘܘܢ ܠܝ ܥܡܐ | 10 |
Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
ܘܠܐ ܢܠܦ ܐܢܫ ܠܒܪ ܡܕܝܢܬܗ ܐܦܠܐ ܠܐܚܘܗܝ ܘܢܐܡܪ ܕܕܥ ܠܡܪܝܐ ܡܛܠ ܕܟܠܗܘܢ ܢܕܥܘܢܢܝ ܡܢ ܙܥܘܪܗܘܢ ܘܥܕܡܐ ܠܩܫܝܫܗܘܢ | 11 |
Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.
ܘܐܚܤܐ ܐܢܘܢ ܡܢ ܥܘܠܗܘܢ ܘܚܛܗܝܗܘܢ ܬܘܒ ܠܐ ܐܬܕܟܪ ܠܗܘܢ | 12 |
Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.
ܒܗܝ ܕܐܡܪ ܚܕܬܐ ܠܩܕܡܝܬܐ ܐܥܬܩܗ ܘܐܝܢܐ ܕܥܬܩ ܘܤܐܒ ܩܪܝܒ ܗܘ ܠܚܒܠܐ | 13 |
Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.