< ܫܠܝ̈ܚܐ 4 >
ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܡܠܐ ܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܠܥܡܐ ܩܡܘ ܥܠܝܗܘܢ ܟܗܢܐ ܘܙܕܘܩܝܐ ܘܐܪܟܘܢܐ ܕܗܝܟܠܐ | 1 |
Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,
ܟܕ ܡܬܚܡܬܝܢ ܗܘܘ ܥܠܝܗܘܢ ܕܡܠܦܝܢ ܠܥܡܐ ܘܡܟܪܙܝܢ ܒܡܫܝܚܐ ܥܠ ܩܝܡܬܐ ܕܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ | 2 |
iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.
ܘܐܪܡܝܘ ܥܠܝܗܘܢ ܐܝܕܝܐ ܘܢܛܪܘ ܐܢܘܢ ܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܡܛܠ ܕܩܪܒ ܗܘܐ ܠܗ ܪܡܫܐ | 3 |
Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.
ܘܤܓܝܐܐ ܕܫܡܥܘ ܗܘܘ ܡܠܬܐ ܗܝܡܢܘ ܗܘܘ ܘܐܝܬܝܗܘܢ ܗܘܘ ܒܡܢܝܢܐ ܐܝܟ ܚܡܫܐ ܐܠܦܝܢ ܓܒܪܝܢ | 4 |
Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.
ܘܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܐܬܟܢܫܘ ܐܪܟܘܢܐ ܘܩܫܝܫܐ ܘܤܦܪܐ | 5 |
Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;
ܘܐܦ ܚܢܢ ܪܒ ܟܗܢܐ ܘܩܝܦܐ ܘܝܘܚܢܢ ܘܐܠܟܤܢܕܪܘܤ ܘܐܝܠܝܢ ܕܐܝܬܝܗܘܢ ܗܘܘ ܡܢ ܫܪܒܬܐ ܕܪܒܝ ܟܗܢܐ | 6 |
waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.
ܘܟܕ ܐܩܝܡܘ ܐܢܘܢ ܒܡܨܥܬܐ ܡܫܐܠܝܢ ܗܘܘ ܠܗܘܢ ܕܒܐܝܢܐ ܚܝܠ ܐܘ ܒܐܝܢܐ ܫܡ ܥܒܕܬܘܢ ܗܕܐ | 7 |
Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?
ܗܝܕܝܢ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܐܬܡܠܝ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܪܟܘܢܘܗܝ ܕܥܡܐ ܘܩܫܝܫܐ ܕܒܝܬ ܐܝܤܪܝܠ ܫܡܥܘ | 8 |
Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,
ܐܢ ܚܢܢ ܝܘܡܢܐ ܡܬܕܝܢܝܢ ܚܢܢ ܡܢܟܘܢ ܥܠ ܫܦܝܪܬܐ ܕܗܘܬ ܠܒܪܢܫܐ ܟܪܝܗܐ ܕܒܡܢܐ ܗܢܐ ܐܬܐܤܝ | 9 |
haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,
ܗܕܐ ܬܬܝܕܥ ܠܟܘܢ ܘܠܟܠܗ ܥܡܐ ܕܐܝܤܪܝܠ ܕܒܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܢܨܪܝܐ ܗܘ ܕܐܢܬܘܢ ܙܩܦܬܘܢܝܗܝ ܗܘ ܕܐܩܝܡ ܐܠܗܐ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܒܗ ܒܗܘ ܗܐ ܩܐܡ ܗܢܐ ܩܕܡܝܟܘܢ ܟܕ ܚܠܝܡ | 10 |
dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
ܗܢܘ ܟܐܦܐ ܕܐܤܠܝܬܘܢ ܐܢܬܘܢ ܒܢܝܐ ܘܗܘ ܗܘܐ ܠܪܝܫ ܩܪܢܐ | 11 |
Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.
ܘܠܝܬ ܒܐܢܫ ܐܚܪܝܢ ܦܘܪܩܢܐ ܠܐ ܓܝܪ ܐܝܬ ܫܡܐ ܐܚܪܢܐ ܬܚܝܬ ܫܡܝܐ ܕܐܬܝܗܒ ܠܒܢܝܢܫܐ ܕܒܗ ܘܠܐ ܠܡܚܐ | 12 |
Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܡܠܬܗ ܕܫܡܥܘܢ ܘܕܝܘܚܢܢ ܕܥܝܢ ܒܓܠܐ ܐܡܪܘܗ ܐܤܬܟܠܘ ܕܠܐ ܝܕܥܝܢ ܤܦܪܐ ܘܗܕܝܘܛܐ ܐܢܘܢ ܘܬܗܪܘ ܒܗܘܢ ܘܐܫܬܘܕܥܘ ܐܢܘܢ ܕܥܡ ܝܫܘܥ ܡܬܗܦܟܝܢ ܗܘܘ | 13 |
Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
ܘܚܙܝܢ ܗܘܘ ܕܩܐܡ ܗܘܐ ܥܡܗܘܢ ܚܓܝܪܐ ܗܘ ܕܐܬܐܤܝ ܘܠܐ ܡܫܟܚܝܢ ܗܘܘ ܡܕܡ ܠܡܐܡܪ ܠܘܩܒܠܗܘܢ | 14 |
Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.
ܗܝܕܝܢ ܦܩܕܘ ܕܢܦܩܘܢ ܐܢܘܢ ܡܢ ܟܢܫܗܘܢ ܘܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܚܕ ܠܚܕ | 15 |
Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,
ܡܢܐ ܢܥܒܕ ܠܗܘܢ ܠܓܒܪܐ ܗܠܝܢ ܗܐ ܓܝܪ ܐܬܐ ܓܠܝܬܐ ܕܗܘܬ ܒܐܝܕܝܗܘܢ ܠܟܠܗܘܢ ܥܡܘܪܝܗ ܕܐܘܪܫܠܡ ܐܬܝܕܥܬ ܘܠܐ ܡܫܟܚܝܢܢ ܕܢܟܦܘܪ | 16 |
Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.
ܐܠܐ ܕܠܐ ܝܬܝܪܐܝܬ ܢܦܘܩ ܒܥܡܐ ܛܒܐ ܗܢܐ ܢܬܠܚܡ ܠܗܘܢ ܕܬܘܒ ܠܐ ܢܡܠܠܘܢ ܒܫܡܐ ܗܢܐ ܠܐܢܫ ܡܢ ܒܢܝܢܫܐ | 17 |
Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.
ܘܩܪܘ ܐܢܘܢ ܘܦܩܕܘ ܐܢܘܢ ܕܠܓܡܪ ܠܐ ܢܡܠܠܘܢ ܘܠܐ ܢܠܦܘܢ ܒܫܡ ܝܫܘܥ | 18 |
Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.
ܥܢܘ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܘܝܘܚܢܢ ܘܐܡܪܘ ܠܗܘܢ ܐܢ ܟܐܢܐ ܩܕܡ ܐܠܗܐ ܕܠܟܘܢ ܢܫܡܥ ܝܬܝܪ ܡܢ ܐܠܗܐ ܕܘܢܘ | 19 |
Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;
ܠܐ ܓܝܪ ܡܫܟܚܝܢ ܚܢܢ ܕܡܐ ܕܚܙܝܢ ܘܫܡܥܢ ܕܠܐ ܢܡܠܠܝܘܗܝ | 20 |
waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.
ܘܐܬܠܚܡܘ ܠܗܘܢ ܘܫܪܘ ܐܢܘܢ ܠܐ ܓܝܪ ܐܫܟܚܘ ܠܗܘܢ ܥܠܬܐ ܕܢܤܝܡܘܢ ܒܪܫܗܘܢ ܡܛܠ ܥܡܐ ܟܠܢܫ ܓܝܪ ܡܫܒܚ ܗܘܐ ܠܐܠܗܐ ܥܠ ܡܕܡ ܕܗܘܐ | 21 |
Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.
ܝܬܝܪ ܓܝܪ ܡܢ ܒܪ ܐܪܒܥܝܢ ܫܢܝܢ ܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܓܒܪܐ ܗܘ ܕܗܘܬ ܒܗ ܗܕܐ ܐܬܐ ܕܐܤܝܘܬܐ | 22 |
Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.
ܘܟܕ ܐܫܬܪܝܘ ܐܬܘ ܠܘܬ ܐܚܝܗܘܢ ܘܐܫܬܥܝܘ ܠܗܘܢ ܟܠ ܡܐ ܕܐܡܪܘ ܟܗܢܐ ܘܩܫܝܫܐ | 23 |
Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.
ܘܗܢܘܢ ܟܕ ܫܡܥܘ ܐܟܚܕ ܐܪܝܡܘ ܩܠܗܘܢ ܠܘܬ ܐܠܗܐ ܘܐܡܪܘ ܡܪܝܐ ܐܢܬ ܗܘ ܐܠܗܐ ܕܥܒܕܬ ܫܡܝܐ ܘܐܪܥܐ ܘܝܡܡܐ ܘܟܠ ܕܐܝܬ ܒܗܘܢ | 24 |
Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;
ܘܐܢܬ ܗܘ ܕܡܠܠܬ ܒܝܕ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܒܦܘܡ ܕܘܝܕ ܥܒܕܟ ܠܡܢܐ ܪܓܫܘ ܥܡܡܐ ܘܐܡܘܬܐ ܪܢܝ ܤܪܝܩܘܬܐ | 25 |
kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?
ܩܡܘ ܡܠܟܐ ܕܐܪܥܐ ܘܫܠܝܛܢܐ ܘܐܬܡܠܟܘ ܐܟܚܕܐ ܥܠ ܡܪܝܐ ܘܥܠ ܡܫܝܚܗ | 26 |
Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;
ܐܬܟܢܫܘ ܓܝܪ ܫܪܝܪܐܝܬ ܒܡܕܝܢܬܐ ܗܕܐ ܥܠ ܩܕܝܫܐ ܒܪܟ ܝܫܘܥ ܐܝܢܐ ܕܐܢܬ ܡܫܚܬ ܗܪܘܕܤ ܘܦܝܠܛܘܤ ܥܡ ܥܡܡܐ ܘܟܢܫܐ ܕܐܝܤܪܝܠ | 27 |
waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,
ܠܡܥܒܕ ܟܠ ܡܐ ܕܐܝܕܟ ܘܨܒܝܢܟ ܩܕܡ ܪܫܡ ܕܢܗܘܐ | 28 |
inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.
ܘܐܦ ܗܫܐ ܡܪܝܐ ܚܘܪ ܘܚܙܝ ܠܠܘܚܡܝܗܘܢ ܘܗܒ ܠܥܒܕܝܟ ܕܥܝܢ ܒܓܠܐ ܢܗܘܘܢ ܡܟܪܙܝܢ ܡܠܬܟ | 29 |
Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan,
ܟܕ ܐܝܕܟ ܡܘܫܛ ܐܢܬ ܠܐܤܘܬܐ ܘܠܓܒܪܘܬܐ ܘܠܐܬܘܬܐ ܕܢܗܘܝܢ ܒܫܡܗ ܕܒܪܟ ܩܕܝܫܐ ܝܫܘܥ | 30 |
intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise.
ܘܟܕ ܒܥܘ ܘܐܬܟܫܦܘ ܐܬܬܙܝܥ ܐܬܪܐ ܕܒܗ ܟܢܝܫܝܢ ܗܘܘ ܘܐܬܡܠܝܘ ܟܠܗܘܢ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܘܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܥܝܢ ܒܓܠܐ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ | 31 |
Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.
ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܠܟܢܫܐ ܕܐܢܫܐ ܐܝܠܝܢ ܕܗܝܡܢܘ ܗܘܘ ܚܕܐ ܢܦܫ ܘܚܕ ܪܥܝܢ ܘܠܐ ܐܢܫ ܡܢܗܘܢ ܐܡܪ ܗܘܐ ܥܠ ܢܟܤܐ ܕܩܢܐ ܗܘܐ ܕܕܝܠܗ ܐܢܘܢ ܐܠܐ ܟܠ ܡܕܡ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܕܓܘܐ ܗܘܐ | 32 |
Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen.
ܘܒܚܝܠܐ ܪܒܐ ܡܤܗܕܝܢ ܗܘܘ ܗܢܘܢ ܫܠܝܚܐ ܥܠ ܩܝܡܬܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܘܛܝܒܘܬܐ ܪܒܬܐ ܐܝܬ ܗܘܬ ܥܡ ܟܠܗܘܢ | 33 |
Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.
ܘܐܢܫ ܠܝܬ ܗܘܐ ܒܗܘܢ ܕܨܪܝܟ ܐܝܠܝܢ ܓܝܪ ܕܩܢܝܢ ܗܘܘ ܩܘܪܝܐ ܘܒܬܐ ܡܙܒܢܝܢ ܗܘܘ ܘܡܝܬܝܢ ܕܡܝܐ ܕܡܕܡ ܕܡܙܕܒܢ | 34 |
Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen,
ܘܤܝܡܝܢ ܠܘܬ ܪܓܠܝܗܘܢ ܕܫܠܝܚܐ ܘܡܬܝܗܒ ܗܘܐ ܠܐܢܫ ܐܢܫ ܐܝܟ ܡܕܡ ܕܤܢܝܩ ܗܘܐ | 35 |
oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.
ܝܘܤܦ ܕܝܢ ܗܘ ܕܐܬܟܢܝ ܒܪܢܒܐ ܡܢ ܫܠܝܚܐ ܕܡܬܬܪܓܡ ܒܪܐ ܕܒܘܝܐܐ ܠܘܝܐ ܡܢ ܐܬܪܐ ܕܩܘܦܪܤ | 36 |
Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,
ܐܝܬ ܗܘܐ ܠܗ ܩܪܝܬܐ ܘܙܒܢܗ ܘܐܝܬܝ ܕܡܝܗ ܘܤܡ ܩܕܡ ܪܓܠܝܗܘܢ ܕܫܠܝܚܐ | 37 |
intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.