< ܫܠܝ̈ܚܐ 22 >

ܐܚܐ ܘܐܒܗܬܐ ܫܡܥܘ ܡܦܩ ܒܪܘܚ ܕܠܘܬܟܘܢ 1
Walaalayaal iyo aabbayaalow, maqla isdaafacidda aan imminka idiin sheegayo.
ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܕܥܒܪܐܝܬ ܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܡܗܘܢ ܝܬܝܪܐܝܬ ܒܗܠܘ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ 2
Kolkay maqleen inuu af Cibraaniga kula hadlay, ayay sidii hore ka sii aamuseen. Markaasuu ku yidhi,
ܐܢܐ ܓܒܪܐ ܐܢܐ ܝܗܘܕܝܐ ܘܝܠܝܕ ܐܢܐ ܒܛܪܤܘܤ ܕܩܝܠܝܩܝܐ ܐܬܪܒܝܬ ܕܝܢ ܒܗܕܐ ܡܕܝܢܬܐ ܥܠ ܓܢܒ ܪܓܠܘܗܝ ܕܓܡܠܝܐܝܠ ܘܐܬܪܕܝܬ ܓܡܝܪܐܝܬ ܒܢܡܘܤܐ ܕܐܒܗܬܢ ܘܐܝܬܝ ܗܘܝܬ ܛܢܢܐ ܕܐܠܗܐ ܐܝܟ ܡܐ ܕܐܦ ܐܢܬܘܢ ܟܠܟܘܢ ܐܝܬܝܟܘܢ 3
Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin.
ܘܠܗܕܐ ܐܘܪܚܐ ܪܕܦܬ ܥܕܡܐ ܠܡܘܬܐ ܟܕ ܐܤܪ ܗܘܝܬ ܘܡܫܠܡ ܗܘܝܬ ܠܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܓܒܪܐ ܘܢܫܐ 4
Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba.
ܐܝܟ ܡܐ ܕܤܗܕ ܥܠܝ ܪܒ ܟܗܢܐ ܘܟܠܗܘܢ ܩܫܝܫܐ ܕܡܢܗܘܢ ܩܒܠܬ ܐܓܪܬܐ ܕܐܙܠ ܠܘܬ ܐܚܐ ܕܒܕܪܡܤܘܩ ܕܐܦ ܠܗܢܘܢ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܬܡܢ ܐܝܬܐ ܐܢܘܢ ܠܐܘܪܫܠܡ ܟܕ ܐܤܝܪܝܢ ܘܢܩܒܠܘܢ ܡܤܡ ܒܪܫܐ 5
Sidatan ayay iigu markhaati furayaan wadaadka sare iyo waayeelladii oo dhammuba, kuwaasoo aan warqado uga helay walaalaha, oo aan Dimishaq u sodcaalay inaan kuwa halkaas joogayna, iyagoo xidhxidhan, Yeruusaalem keeno si loo ciqaabo.
ܘܟܕ ܐܙܠ ܗܘܝܬ ܘܫܪܝܬ ܡܡܛܐ ܐܢܐ ܠܕܪܡܤܘܩ ܒܦܠܓܗ ܕܝܘܡܐ ܡܢ ܬܚܝܬ ܫܠܝܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܐܙܠܓ ܥܠܝ ܢܘܗܪܐ ܤܓܝܐܐ 6
Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.
ܘܢܦܠܬ ܥܠ ܐܪܥܐ ܘܫܡܥܬ ܩܠܐ ܕܐܡܪ ܗܘܐ ܠܝ ܫܐܘܠ ܫܐܘܠ ܡܢܐ ܪܕܦ ܐܢܬ ܠܝ 7
Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?
ܐܢܐ ܕܝܢ ܥܢܝܬ ܘܐܡܪܬ ܡܢ ܐܢܬ ܡܪܝ ܘܗܘ ܐܡܪ ܠܝ ܐܢܐ ܗܘ ܝܫܘܥ ܢܨܪܝܐ ܕܐܢܬ ܪܕܦ ܐܢܬ 8
Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.
ܘܐܢܫܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܥܡܝ ܚܙܘ ܢܘܗܪܐ ܩܠܐ ܕܝܢ ܠܐ ܫܡܥܘ ܕܗܘ ܕܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܡܝ 9
Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.
ܘܐܡܪܬ ܡܢܐ ܐܥܒܕ ܡܪܝ ܘܡܪܢ ܐܡܪ ܠܝ ܩܘܡ ܙܠ ܠܕܪܡܤܘܩ ܘܬܡܢ ܢܬܡܠܠ ܥܡܟ ܥܠ ܟܠ ܡܕܡ ܕܡܬܦܩܕ ܠܟ ܕܬܥܒܕ 10
Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.
ܘܟܕ ܠܐ ܡܬܚܙܐ ܗܘܐ ܠܝ ܡܛܠ ܬܫܒܘܚܬܗ ܕܢܘܗܪܐ ܗܘ ܐܚܕܘܢܝ ܒܐܝܕܝ ܗܢܘܢ ܕܥܡܝ ܗܘܘ ܘܥܠܬ ܠܕܪܡܤܘܩ 11
Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.
ܘܓܒܪܐ ܚܕ ܚܢܢܝܐ ܟܐܢܐ ܒܢܡܘܤܐ ܐܝܟ ܕܤܗܕܝܢ ܗܘܘ ܥܠܘܗܝ ܟܠܗܘܢ ܝܗܘܕܝܐ ܕܬܡܢ 12
Oo mid la odhan jiray Ananiyas, oo nin cibaadaysan ahaa sida sharcigu leeyahay, oo ahaa mid Yuhuuddii halkaas joogtay oo dhanba marag wanaagsan u furtay,
ܐܬܐ ܠܘܬܝ ܘܐܡܪ ܠܝ ܫܐܘܠ ܐܚܝ ܦܬܚ ܥܝܢܝܟ ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܐܬܦܬܚ ܥܝܢܝ ܘܚܪܬ ܒܗ 13
ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii.
ܘܐܡܪ ܠܝ ܐܠܗܐ ܕܐܒܗܬܢ ܐܩܝܡܟ ܠܡܕܥ ܨܒܝܢܗ ܘܬܚܙܐ ܠܙܕܝܩܐ ܘܬܫܡܥ ܩܠܐ ܡܢ ܦܘܡܗ 14
Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.
ܘܬܗܘܐ ܠܗ ܤܗܕܐ ܠܘܬ ܟܠܗܘܢ ܒܢܝܢܫܐ ܥܠ ܟܘܠ ܡܐ ܕܚܙܝܬ ܘܫܡܥܬ 15
Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.
ܘܗܫܐ ܡܢܐ ܡܫܬܘܚܪ ܐܢܬ ܩܘܡ ܥܡܕ ܘܐܬܕܟܐ ܡܢ ܚܛܗܝܟ ܟܕ ܩܪܐ ܐܢܬ ܫܡܗ 16
Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.
ܘܗܦܟܬ ܐܬܝܬ ܠܟܐ ܠܐܘܪܫܠܡ ܘܨܠܝܬ ܒܗܝܟܠܐ 17
Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,
ܘܚܙܝܬܗ ܒܚܙܘܐ ܟܕ ܐܡܪ ܠܝ ܐܤܬܪܗܒ ܘܦܘܩ ܠܟ ܡܢ ܐܘܪܫܠܡ ܡܛܠ ܕܠܐ ܡܩܒܠܝܢ ܤܗܕܘܬܟ ܕܥܠܝ 18
oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.
ܘܐܢܐ ܐܡܪܬ ܡܪܝ ܐܦ ܗܢܘܢ ܝܕܥܝܢ ܕܐܢܐ ܡܫܠܡ ܗܘܝܬ ܠܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܡܚܐ ܗܘܝܬ ܒܟܠ ܟܢܘܫܢ ܠܐܝܠܝܢ ܕܡܗܝܡܢܝܢ ܗܘܘ ܒܟ 19
Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;
ܘܟܕ ܡܬܐܫܕ ܗܘܐ ܕܡܗ ܕܐܤܛܦܢܤ ܤܗܕܟ ܘܐܦ ܐܢܐ ܥܡܗܘܢ ܩܐܡ ܗܘܝܬ ܘܫܠܡ ܗܘܝܬ ܠܨܒܝܢܗܘܢ ܕܩܛܘܠܘܗܝ ܘܢܛܪ ܗܘܝܬ ܡܐܢܐ ܕܐܝܠܝܢ ܕܪܓܡܝܢ ܗܘܘ ܠܗ 20
oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.
ܘܐܡܪ ܠܝ ܙܠ ܕܐܢܐ ܡܫܕܪ ܐܢܐ ܠܟ ܠܪܘܚܩܐ ܠܡܟܪܙܘ ܠܥܡܡܐ 21
Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.
ܘܟܕ ܫܡܥܘܗܝ ܠܦܘܠܘܤ ܥܕܡܐ ܠܗܕܐ ܡܠܬܐ ܐܪܝܡܘ ܩܠܗܘܢ ܘܩܥܘ ܢܫܬܩܠ ܡܢ ܐܪܥܐ ܐܝܢܐ ܕܗܟܢܐ ܗܘ ܠܐ ܓܝܪ ܘܠܐ ܠܗ ܠܡܚܐ 22
Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.
ܘܟܕ ܡܒܓܢܝܢ ܗܘܘ ܘܡܫܕܝܢ ܗܘܘ ܡܐܢܝܗܘܢ ܘܡܤܩܝܢ ܗܘܘ ܚܠܐ ܠܫܡܝܐ 23
Oo markay qaylinayeen oo dharka iska xoorayeen oo siigo hawada ku tuurayeen,
ܦܩܕ ܟܠܝܪܟܐ ܕܢܥܠܘܢܗ ܠܡܫܪܝܬܐ ܘܦܩܕ ܕܒܢܓܕܐ ܢܫܬܐܠ ܐܝܟ ܕܢܕܥ ܡܛܠ ܐܝܕܐ ܥܠܬܐ ܩܥܝܢ ܗܘܘ ܥܠܘܗܝ 24
ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii.
ܘܟܕ ܡܬܚܘܗܝ ܒܥܪܩܐ ܐܡܪ ܗܘ ܦܘܠܘܤ ܠܩܢܛܪܘܢܐ ܕܩܐܡ ܗܘܐ ܥܠܘܗܝ ܡܦܤ ܠܟܘܢ ܕܠܓܒܪܐ ܪܗܘܡܝܐ ܕܠܐ ܡܚܝܒ ܕܬܢܓܕܘܢ 25
Oo markay suumanka ku xidheen dabadeed ayaa Bawlos wuxuu ku yidhi boqol-u-taliyihii oo ag taagnaa, Ma qaynuun baa inaad karbaashtaan nin reer Rooma ah oo aan la xukumin?
ܘܟܕ ܫܡܥ ܩܢܛܪܘܢܐ ܩܪܒ ܠܘܬ ܟܠܝܪܟܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܡܢܐ ܥܒܕ ܐܢܬ ܗܢܐ ܓܝܪ ܓܒܪܐ ܪܗܘܡܝܐ ܗܘ 26
Markii boqol-u-taliyihii taas maqlayna, wuxuu u tegey sirkaalkii sare oo u sheegay, isagoo leh, Maxaad samaynaysaa? Waayo, ninkanu waa nin reer Rooma ah.
ܘܩܪܒ ܠܘܬܗ ܟܠܝܪܟܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܐܡܪ ܠܝ ܐܢܬ ܪܗܘܡܝܐ ܐܢܬ ܘܐܡܪ ܠܗ ܐܝܢ 27
Markaasaa sirkaalkii sare u yimid oo ku yidhi isagii, Ii sheeg, ma nin reer Rooma ah baad tahay? Markaasuu yidhi, Haah.
ܘܥܢܐ ܟܠܝܪܟܐ ܘܐܡܪ ܐܢܐ ܒܟܤܦܐ ܤܓܝܐܐ ܩܢܝܬܗ ܠܪܗܘܡܝܘܬܐ ܐܡܪ ܠܗ ܦܘܠܘܤ ܐܢܐ ܕܝܢ ܐܦ ܒܗ ܐܬܝܠܕܬ 28
Kolkaasaa sirkaalkii sare u jawaabay oo ku yidhi, Waddaninimadan waxaan siistay lacag badan. Laakiin Bawlos wuxuu ku yidhi, Anigu reer Rooma ayaan u dhashay.
ܘܡܚܕܐ ܦܪܩܘ ܠܗܘܢ ܡܢܗ ܗܢܘܢ ܕܒܥܝܢ ܗܘܘ ܠܡܢܓܕܘܬܗ ܘܕܚܠ ܟܠܝܪܟܐ ܟܕ ܝܠܦ ܕܪܗܘܡܝܐ ܗܘ ܥܠ ܕܦܟܪܗ ܗܘܐ 29
Haddaba kuwii doonayay inay isagii imtixaamaan markiiba way ka tageen, xataa sirkaalkii sarena waa cabsaday markuu ogaaday inuu yahay reer Rooma, maxaa yeelay, wuu xidhay.
ܘܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܨܒܐ ܗܘܐ ܠܡܕܥ ܫܪܝܪܐܝܬ ܕܡܢܐ ܗܝ ܩܛܓܪܢܘܬܐ ܕܡܝܬܝܢ ܗܘܘ ܥܠܘܗܝ ܝܗܘܕܝܐ ܘܫܪܝܗܝ ܘܦܩܕ ܕܢܐܬܘܢ ܪܒܝ ܟܗܢܐ ܘܟܠܗ ܟܢܫܐ ܕܪܫܝܗܘܢ ܘܕܒܪ ܠܦܘܠܘܤ ܘܐܚܬ ܐܩܝܡܗ ܒܝܢܬܗܘܢ 30
Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

< ܫܠܝ̈ܚܐ 22 >