< ܫܠܝ̈ܚܐ 16 >

ܘܡܛܝ ܗܘܐ ܠܕܪܒܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܠܠܘܤܛܪܐ ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܬܠܡܝܕܐ ܚܕ ܕܫܡܗ ܛܝܡܬܐܘܤ ܒܪܗ ܕܝܗܘܕܝܬܐ ܚܕܐ ܡܗܝܡܢܬܐ ܘܐܒܘܗܝ ܐܪܡܝܐ ܗܘܐ 1
Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig.
ܘܟܠܗܘܢ ܬܠܡܝܕܐ ܕܡܢ ܠܘܤܛܪܐ ܘܡܢ ܐܝܩܢܘܢ ܡܤܗܕܝܢ ܗܘܘ ܥܠܘܗܝ 2
Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay.
ܠܗܢܐ ܨܒܐ ܗܘܐ ܦܘܠܘܤ ܕܢܕܒܪܝܘܗܝ ܥܡܗ ܘܢܤܒ ܓܙܪܗ ܡܛܠ ܝܗܘܕܝܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܒܐܬܪܐ ܝܕܥܝܢ ܗܘܘ ܓܝܪ ܟܠܗܘܢ ܠܐܒܘܗܝ ܕܐܪܡܝܐ ܗܘܐ 3
Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa.
ܘܟܕ ܐܙܠܝܢ ܗܘܘ ܒܡܕܝܢܬܐ ܡܟܪܙܝܢ ܗܘܘ ܘܡܠܦܝܢ ܠܗܘܢ ܕܢܗܘܘܢ ܢܛܪܝܢ ܦܘܩܕܢܐ ܐܝܠܝܢ ܕܟܬܒܘ ܫܠܝܚܐ ܘܩܫܝܫܐ ܕܒܐܘܪܫܠܡ 4
Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan.
ܒܪܡ ܥܕܬܐ ܡܬܩܝܡܢ ܗܘܝ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܤܓܝܢ ܗܘܝ ܒܡܢܝܢܐ ܟܠܝܘܡ 5
Haddaba kiniisadihii iimaankay ku xoogoobeen, oo maalin kastaba tiradoodu waa kordhaysay.
ܗܠܟܘ ܕܝܢ ܒܦܪܘܓܝܐ ܘܒܓܠܛܝܐ ܐܬܪܘܬܐ ܘܟܠܬ ܐܢܘܢ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܕܠܐ ܢܡܠܠܘܢ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܒܐܤܝܐ 6
Markaasay waxay dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya iyagoo Ruuxa Quduuska ahu u diiday inay ereyga kaga dhex hadlaan Aasiya,
ܘܟܕ ܐܬܘ ܠܡܘܤܝܐ ܐܬܪܐ ܨܒܝܢ ܗܘܘ ܕܢܐܙܠܘܢ ܡܢ ܬܡܢ ܠܒܝܬܘܢܝܐ ܘܠܐ ܐܦܤܬ ܠܗܘܢ ܪܘܚܗ ܕܝܫܘܥ 7
oo markay Musiya u dhowaadeen waxay isku dayeen inay Bituniya galaan; laakiin Ruuxa Ciise uma oggolaan;
ܘܟܕ ܢܦܩܘ ܡܢ ܡܘܤܝܐ ܢܚܬܘ ܠܗܘܢ ܠܛܪܘܐܤ ܐܬܪܐ 8
markaasay soo dhaafeen Musiya oo waxay yimaadeen Taroo'as.
ܘܒܚܙܘܐ ܕܠܠܝܐ ܐܬܚܙܝ ܠܦܘܠܘܤ ܐܝܟ ܓܒܪܐ ܚܕ ܡܩܕܘܢܝܐ ܕܩܐܡ ܘܒܥܐ ܡܢܗ ܟܕ ܐܡܪ ܕܬܐ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܘܥܕܪܝܢܝ 9
Oo habeennimo ayaa Bawlos wax riyo ku arkay. Waxaa taagnaa nin reer Makedoniya ah isagoo ka baryaya oo leh, Makedoniya kaalay oo na caawi.
ܟܕ ܕܝܢ ܚܙܐ ܦܘܠܘܤ ܗܢܐ ܚܙܘܐ ܡܚܕܐ ܨܒܝܢ ܠܡܦܩ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܡܛܠ ܕܐܤܬܟܠܢ ܕܡܪܢ ܩܪܢ ܕܢܤܒܪ ܐܢܘܢ 10
Oo markuu riyadii arkay dabadeed markiiba waxaannu doonnay inaannu Makedoniya tagno, taasoo nala noqotay in Ilaah noogu yeedhay inaannu iyaga injiilka ku wacdinno.
ܘܪܕܝܢ ܡܢ ܛܪܘܐܤ ܘܬܪܨܢ ܠܤܡܬܪܩܐ ܘܡܢ ܬܡܢ ܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܐܬܝܢ ܠܢܐܦܘܠܝܤ ܡܕܝܢܬܐ 11
Haddaba ayaannu Taroo'as ka dhoofnay, oo waxaannu toos u aadnay Samotraki, maalintii xigtayna waxaannu nimid Ne'abolis;
ܘܡܢ ܬܡܢ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܕܗܝ ܗܝ ܪܫܐ ܕܡܩܕܘܢܝܐ ܘܐܝܬܝܗ ܩܘܠܘܢܝܐ ܗܘܝܢ ܕܝܢ ܒܗ ܒܗܕܐ ܡܕܝܢܬܐ ܝܘܡܬܐ ܝܕܝܥܐ 12
markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood.
ܘܢܦܩܢ ܒܝܘܡܐ ܕܫܒܬܐ ܠܒܪ ܡܢ ܬܪܥܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܥܠ ܝܕ ܢܗܪܐ ܡܛܠ ܕܬܡܢ ܡܬܚܙܐ ܗܘܐ ܒܝܬ ܨܠܘܬܐ ܘܟܕ ܝܬܒܢ ܡܡܠܠܝܢ ܗܘܝܢ ܥܡ ܢܫܐ ܕܟܢܝܫܢ ܗܘܝ ܬܡܢ 13
Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa.
ܘܐܢܬܬܐ ܚܕܐ ܡܙܒܢܬ ܐܪܓܘܢܐ ܕܕܚܠܐ ܗܘܬ ܡܢ ܐܠܗܐ ܫܡܗ ܗܘܐ ܠܘܕܝܐ ܡܢ ܬܐܘܛܝܪܐ ܡܕܝܢܬܐ ܕܗܕܐ ܦܬܚ ܠܒܗ ܡܪܢ ܘܫܡܥܐ ܗܘܬ ܡܕܡ ܕܐܡܪ ܦܘܠܘܤ 14
Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay.
ܘܥܡܕܬ ܗܘܬ ܗܝ ܘܒܢܝ ܒܝܬܗ ܘܒܥܝܐ ܗܘܬ ܡܢܢ ܘܐܡܪܐ ܕܐܢ ܗܘ ܕܫܪܝܪܐܝܬ ܬܟܝܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܗܝܡܢܬ ܒܡܪܢ ܬܘ ܫܪܘ ܠܟܘܢ ܒܒܝܬܝ ܘܤܓܝ ܐܠܨܬܢ 15
Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
ܘܗܘܐ ܕܟܕ ܐܙܠܝܢܢ ܠܒܝܬ ܨܠܘܬܐ ܦܓܥܬ ܒܢ ܥܠܝܡܬܐ ܚܕܐ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܠܗ ܪܘܚܐ ܕܩܨܡܐ ܘܥܒܕܐ ܗܘܬ ܠܡܪܝܗ ܬܐܓܘܪܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܒܩܨܡܐ ܕܩܨܡܐ ܗܘܬ 16
Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda.
ܘܐܬܝܐ ܗܘܬ ܒܬܪ ܦܘܠܘܤ ܘܒܬܪܢ ܘܩܥܝܐ ܗܘܬ ܘܐܡܪܐ ܗܠܝܢ ܐܢܫܐ ܥܒܕܘܗܝ ܐܢܘܢ ܕܐܠܗܐ ܡܪܝܡܐ ܘܡܤܒܪܝܢ ܠܟܘܢ ܐܘܪܚܐ ܕܚܝܐ 17
Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada.
ܘܗܟܢܐ ܥܒܕܐ ܗܘܬ ܝܘܡܬܐ ܤܓܝܐܐ ܘܐܬܬܦܝܪ ܦܘܠܘܤ ܘܐܡܪ ܠܗ ܠܪܘܚܐ ܗܝ ܦܩܕ ܐܢܐ ܠܟܝ ܒܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܬܦܩܝܢ ܡܢܗ ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܢܦܩܬ 18
Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.
ܘܟܕ ܚܙܘ ܡܪܝܗ ܕܢܦܩ ܠܗ ܡܢܗ ܤܒܪܐ ܕܬܐܓܘܪܬܗܘܢ ܐܚܕܘܗܝ ܠܦܘܠܘܤ ܘܠܫܝܠܐ ܘܢܓܕܘ ܐܝܬܝܘ ܐܢܘܢ ܠܫܘܩܐ 19
Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,
ܘܩܪܒܘ ܐܢܘܢ ܠܐܤܛܪܛܓܐ ܘܠܪܫܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܘܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܕܗܠܝܢ ܐܢܫܐ ܡܕܠܚܝܢ ܠܗ ܠܡܕܝܢܬܢ ܡܛܠ ܕܝܗܘܕܝܐ ܐܢܘܢ 20
oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,
ܘܡܟܪܙܝܢ ܠܢ ܥܝܕܐ ܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܡܦܤ ܠܢ ܠܡܩܒܠܘ ܘܠܡܥܒܕ ܡܛܠ ܕܪܗܘܡܝܐ ܚܢܢ 21
oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.
ܘܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܐܬܟܢܫܘ ܥܠܝܗܘܢ ܗܝܕܝܢ ܐܤܛܪܛܓܐ ܤܕܩܘ ܢܚܬܝܗܘܢ ܘܦܩܕܘ ܕܢܢܓܕܘܢ ܐܢܘܢ 22
Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.
ܘܟܕ ܢܓܕܘ ܐܢܘܢ ܤܓܝ ܐܪܡܝܘ ܐܢܘܢ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܦܩܕܘ ܠܢܛܪ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܕܢܛܪ ܐܢܘܢ ܙܗܝܪܐܝܬ 23
Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;
ܗܘ ܕܝܢ ܟܕ ܩܒܠ ܗܢܐ ܦܘܩܕܢܐ ܐܥܠ ܚܒܫ ܐܢܘܢ ܒܒܝܬܐ ܓܘܝܐ ܕܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܐܤܪ ܪܓܠܝܗܘܢ ܒܤܕܐ 24
isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.
ܘܒܦܠܓܗ ܕܠܠܝܐ ܦܘܠܘܤ ܘܫܝܠܐ ܡܨܠܝܢ ܗܘܘ ܘܡܫܒܚܝܢ ܗܘܘ ܠܐܠܗܐ ܘܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܠܗܘܢ ܐܤܝܪܐ 25
Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;
ܘܡܢ ܫܠܝܐ ܙܘܥܐ ܪܒܐ ܗܘܐ ܘܐܬܬܙܝܥ ܫܬܐܤܐ ܕܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܐܬܦܬܚܘ ܡܚܕܐ ܬܪܥܐ ܟܠܗܘܢ ܘܐܤܘܪܝܗܘܢ ܕܟܠܗܘܢ ܐܫܬܪܝܘ 26
oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.
ܘܟܕ ܐܬܬܥܝܪ ܢܛܪ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܚܙܐ ܕܦܬܝܚܝܢ ܬܪܥܐ ܕܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܢܤܒ ܤܦܤܪܐ ܘܒܥܐ ܕܢܩܛܘܠ ܢܦܫܗ ܡܛܠ ܕܤܒܪ ܗܘܐ ܕܥܪܩܘ ܠܗܘܢ ܐܤܝܪܐ 27
Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.
ܘܩܪܝܗܝ ܦܘܠܘܤ ܒܩܠܐ ܪܡܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܠܐ ܬܥܒܕ ܠܢܦܫܟ ܡܕܡ ܕܒܝܫ ܡܛܠ ܕܟܠܢ ܗܪܟܐ ܚܢܢ 28
Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.
ܘܐܢܗܪ ܠܗ ܫܪܓܐ ܘܫܘܪ ܘܥܠ ܟܕ ܪܐܬ ܘܢܦܠ ܥܠ ܪܓܠܝܗܘܢ ܕܦܘܠܘܤ ܘܕܫܝܠܐ 29
Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,
ܘܐܦܩ ܐܢܘܢ ܠܒܪ ܘܐܡܪ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܡܪܝ ܡܢܐ ܘܠܐ ܠܝ ܠܡܥܒܕ ܐܝܟ ܕܐܚܐ 30
markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
ܘܗܢܘܢ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܗܝܡܢ ܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܘܬܚܐ ܐܢܬ ܘܒܝܬܟ 31
Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.
ܘܡܠܠܘ ܥܡܗ ܡܠܬܐ ܕܡܪܝܐ ܘܥܡ ܟܠܗܘܢ ܒܢܝ ܒܝܬܗ 32
Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan.
ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܒܗ ܒܠܠܝܐ ܕܒܪ ܐܤܚܝ ܐܢܘܢ ܡܢ ܢܓܕܗܘܢ ܘܒܪ ܫܥܬܗ ܥܡܕ ܗܘ ܘܒܢܝ ܒܝܬܗ ܟܠܗܘܢ 33
Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba.
ܘܕܒܪ ܐܤܩ ܐܢܘܢ ܠܒܝܬܗ ܘܤܡ ܠܗܘܢ ܦܬܘܪܐ ܘܪܘܙ ܗܘܐ ܗܘ ܘܒܢܝ ܒܝܬܗ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܕܐܠܗܐ 34
Haddaba gurigiisuu iyagii keenay oo cunto hor dhigay. Isagoo Ilaah rumaysanna ayuu aad ula farxay kuwii gurigiisa joogay oo dhan.
ܘܟܕ ܗܘܐ ܨܦܪܐ ܫܕܪܘ ܐܤܛܪܛܓܐ ܠܫܩܠܝ ܫܒܛܐ ܕܢܐܡܪܘܢ ܠܪܒ ܐܤܝܪܐ ܫܪܝ ܠܗܠܝܢ ܐܢܫܐ 35
Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.
ܘܟܕ ܫܡܥ ܪܒ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܥܠ ܐܡܪ ܠܗ ܗܝ ܗܕܐ ܡܠܬܐ ܠܦܘܠܘܤ ܕܫܕܪܘ ܐܤܛܪܛܓܐ ܐܝܟ ܕܬܫܬܪܘܢ ܘܗܫܐ ܦܘܩܘ ܙܠܘ ܒܫܠܡܐ 36
Markaasaa xabsihayihii hadalladaas u sheegay Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Xaakinnadii baa amar soo diray in laydin sii daayo; haddaba soo baxa oo nabad ku taga.
ܐܡܪ ܠܗ ܦܘܠܘܤ ܕܠܐ ܤܟܠܘ ܢܓܕܘܢ ܠܥܝܢ ܥܠܡܐ ܟܠܗ ܠܐܢܫܐ ܪܗܘܡܝܐ ܘܐܪܡܝܘܢ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܗܫܐ ܡܛܫܝܐܝܬ ܡܦܩܝܢ ܠܢ ܠܐ ܓܝܪ ܐܠܐ ܗܢܘܢ ܢܐܬܘܢ ܢܦܩܘܢܢ 37
Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.
ܘܐܙܠܘ ܫܩܠܝ ܫܒܛܐ ܘܐܡܪܘ ܠܐܤܛܪܛܓܐ ܡܠܐ ܗܠܝܢ ܕܐܬܐܡܪ ܠܗܘܢ ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܕܪܗܘܡܝܐ ܐܢܘܢ ܕܚܠܘ 38
Haddaba saraakiishii baa hadalladaas u sheegay xaakinnadii; oo kolkay maqleen inay reer Rooma yihiin ayay baqeen.
ܘܐܬܘ ܠܘܬܗܘܢ ܘܒܥܘ ܡܢܗܘܢ ܕܢܦܩܘܢ ܘܢܫܢܘܢ ܠܗܘܢ ܡܢ ܡܕܝܢܬܐ 39
Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.
ܘܟܕ ܢܦܩܘ ܡܢ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܥܠܘ ܠܘܬ ܠܘܕܝܐ ܘܚܙܘ ܬܡܢ ܠܐܚܐ ܘܒܝܐܘ ܐܢܘܢ ܘܢܦܩܘ 40
Oo markay xabsigii ka soo baxeen waxay galeen gurigii Ludiya, oo kolkay walaalihii arkeenna ayay dhiirigeliyeen oo ka tageen.

< ܫܠܝ̈ܚܐ 16 >