< ܫܠܝ̈ܚܐ 10 >
ܒܩܤܪܝܐ ܕܝܢ ܐܝܬ ܗܘܐ ܓܒܪܐ ܚܕ ܩܢܛܪܘܢܐ ܕܫܡܗ ܗܘܐ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܡܢ ܤܦܝܪܐ ܗܝ ܕܡܬܩܪܝܐ ܐܝܛܠܝܩܐ | 1 |
Haddaba waxaa Kaysariya joogay nin la odhan jiray Korneeliyos, oo taliye u ahaa boqol askari oo la odhan jiray Ciidankii Talyaaniga.
ܘܙܕܝܩ ܗܘܐ ܘܕܚܠ ܗܘܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܗܘ ܘܒܝܬܗ ܟܠܗ ܘܥܒܕ ܗܘܐ ܙܕܩܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܒܥܡܐ ܘܒܟܠܙܒܢ ܒܥܐ ܗܘܐ ܡܢ ܐܠܗܐ | 2 |
Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray.
ܗܢܐ ܚܙܐ ܡܠܐܟܐ ܕܐܠܗܐ ܒܚܙܘܐ ܓܠܝܐܝܬ ܠܐܦܝ ܬܫܥ ܫܥܝܢ ܒܐܝܡܡܐ ܕܥܠ ܠܘܬܗ ܘܐܡܪ ܠܗ ܩܘܪܢܠܝܐ | 3 |
Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow.
ܘܗܘ ܚܪ ܒܗ ܘܕܚܠ ܘܐܡܪ ܡܢܐ ܡܪܝ ܘܐܡܪ ܠܗ ܡܠܐܟܐ ܨܠܘܬܟ ܘܙܕܩܬܟ ܤܠܩ ܠܕܘܟܪܢܐ ܩܕܡ ܐܠܗܐ | 4 |
Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.
ܘܗܫܐ ܫܕܪ ܓܒܪܐ ܠܝܘܦܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܐܝܬܐ ܠܫܡܥܘܢ ܕܡܬܩܪܐ ܟܐܦܐ | 5 |
Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros.
ܗܐ ܫܪܐ ܒܒܝܬܗ ܕܫܡܥܘܢ ܒܘܪܤܝܐ ܗܘ ܕܐܝܬܘܗܝ ܥܠ ܝܕ ܝܡܐ | 6 |
Wuxuu marti u yahay nin Simoon la yidhaahdo oo megdeeye ah oo gurigiisu ku yaal badda dhinaceeda.
ܘܟܕ ܐܙܠ ܠܗ ܡܠܐܟܐ ܕܡܠܠ ܥܡܗ ܩܪܐ ܬܪܝܢ ܡܢ ܒܢܝ ܒܝܬܗ ܘܦܠܚܐ ܚܕ ܕܕܚܠ ܠܐܠܗܐ ܐܝܢܐ ܕܡܬܕܢܐ ܗܘܐ ܠܗ | 7 |
Oo kolkii malaa'igtii isaga la hadashay ka tagtay, wuxuu u yeedhay laba midiidin iyo askari cibaadaysan oo ka mid ah kuwa had iyo goorba u adeegi jiray;
ܘܐܫܬܥܝ ܠܗܘܢ ܟܠܡܕܡ ܕܚܙܐ ܘܫܕܪ ܐܢܘܢ ܠܝܘܦܐ | 8 |
oo markuu wax walba u sheegay, ayuu wuxuu u diray Yaafaa.
ܘܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܟܕ ܗܢܘܢ ܪܕܝܢ ܒܐܘܪܚܐ ܘܩܪܝܒܝܢ ܠܡܕܝܢܬܐ ܤܠܩ ܫܡܥܘܢ ܠܐܓܪܐ ܕܢܨܠܐ ܒܫܬ ܫܥܝܢ | 9 |
Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad,
ܘܟܦܢ ܘܨܒܐ ܗܘܐ ܕܢܠܥܤ ܘܟܕ ܗܢܘܢ ܡܬܩܢܝܢ ܠܗ ܢܦܠ ܥܠܘܗܝ ܬܡܗܐ | 10 |
waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday,
ܘܚܙܐ ܫܡܝܐ ܟܕ ܦܬܝܚܝܢ ܘܡܐܢܐ ܚܕ ܟܕ ܐܤܝܪ ܒܐܪܒܥ ܩܪܢܢ ܘܕܡܐ ܗܘܐ ܠܟܬܢܐ ܪܒܐ ܘܫܐܒ ܗܘܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܥܠ ܐܪܥܐ | 11 |
wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka;
ܘܐܝܬ ܗܘܐ ܒܗ ܟܠܗܝܢ ܚܝܘܬܐ ܕܐܪܒܥܬ ܪܓܠܐ ܘܪܚܫܐ ܕܐܪܥܐ ܘܦܪܚܬܐ ܕܫܡܝܐ | 12 |
oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.
ܘܩܠܐ ܐܬܐ ܠܗ ܕܐܡܪ ܫܡܥܘܢ ܩܘܡ ܟܘܤ ܘܐܟܘܠ | 13 |
Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun.
ܘܫܡܥܘܢ ܐܡܪ ܚܤ ܡܪܝ ܕܡܡܬܘܡ ܠܐ ܐܟܠܬ ܟܠ ܕܡܤܝܒ ܘܛܡܐ | 14 |
Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.
ܘܬܘܒ ܕܬܪܬܝܢ ܙܒܢܝܢ ܩܠܐ ܗܘܐ ܠܘܬܗ ܐܝܠܝܢ ܕܐܠܗܐ ܕܟܝ ܐܢܬ ܠܐ ܬܤܝܒ | 15 |
Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin.
ܗܕܐ ܕܝܢ ܗܘܬ ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܘܐܬܥܠܝ ܠܗ ܡܐܢܐ ܠܫܡܝܐ | 16 |
Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.
ܘܟܕ ܡܬܕܡܪ ܫܡܥܘܢ ܒܢܦܫܗ ܕܡܢܘ ܚܙܘܐ ܕܚܙܐ ܡܛܝܘ ܓܒܪܐ ܗܢܘܢ ܕܐܫܬܕܪܘ ܗܘܘ ܡܢ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܘܫܐܠܘ ܥܠ ܒܝܬܐ ܕܫܪܐ ܒܗ ܫܡܥܘܢ ܘܐܬܘ ܘܩܡܘ ܥܠ ܬܪܥܐ ܕܕܪܬܐ | 17 |
Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa,
ܘܩܪܝܢ ܗܘܘ ܬܡܢ ܘܡܫܐܠܝܢ ܕܐܢ ܫܡܥܘܢ ܕܡܬܩܪܐ ܟܐܦܐ ܗܪܟܐ ܫܪܐ | 18 |
waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale.
ܘܟܕ ܫܡܥܘܢ ܪܢܐ ܗܘܐ ܒܚܙܘܐ ܐܡܪ ܠܗ ܪܘܚܐ ܗܐ ܓܒܪܐ ܬܠܬܐ ܒܥܝܢ ܠܟ | 19 |
Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa.
ܩܘܡ ܚܘܬ ܘܙܠ ܥܡܗܘܢ ܟܕ ܠܐ ܡܬܦܠܓ ܪܥܝܢܟ ܡܛܠ ܕܐܢܐ ܗܘ ܫܕܪܬ ܐܢܘܢ | 20 |
Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray.
ܗܝܕܝܢ ܢܚܬ ܫܡܥܘܢ ܠܘܬ ܓܒܪܐ ܗܢܘܢ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܢܐ ܗܘ ܕܒܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܝܕܐ ܗܝ ܥܠܬܐ ܕܡܛܠܬܗ ܐܬܝܬܘܢ | 21 |
Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen?
ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܓܒܪܐ ܚܕ ܕܫܡܗ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܩܢܛܪܘܢܐ ܟܐܢܐ ܕܕܚܠ ܡܢ ܐܠܗܐ ܘܡܤܗܕ ܥܠܘܗܝ ܟܠܗ ܥܡܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܐܬܐܡܪ ܠܗ ܒܚܙܘܐ ܡܢ ܡܠܐܟܐ ܩܕܝܫܐ ܕܢܫܕܪ ܢܥܠܟ ܠܒܝܬܗ ܘܢܫܡܥ ܡܠܬܐ ܡܢܟ | 22 |
Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
ܘܐܥܠ ܐܢܘܢ ܫܡܥܘܢ ܘܩܒܠ ܐܢܘܢ ܟܪ ܕܫܪܐ ܗܘܐ ܘܩܡ ܠܒܬܪܗ ܕܝܘܡܐ ܘܢܦܩ ܐܙܠ ܥܡܗܘܢ ܘܐܙܠܘ ܥܡܗ ܐܢܫ ܐܢܫ ܡܢ ܐܚܐ ܕܝܘܦܐ | 23 |
Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.
ܘܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܥܠ ܠܩܤܪܝܐ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܕܝܢ ܡܩܘܐ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܟܕ ܡܟܢܫܝܢ ܠܗ ܟܠܗܘܢ ܒܢܝ ܛܘܗܡܗ ܘܐܦ ܪܚܡܐ ܚܒܝܒܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܠܗ | 24 |
Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa.
ܘܟܕ ܥܐܠ ܫܡܥܘܢ ܐܪܥܗ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܘܢܦܠ ܤܓܕ ܠܪܓܠܘܗܝ | 25 |
Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday.
ܘܫܡܥܘܢ ܐܩܝܡܗ ܘܐܡܪ ܠܗ ܩܘܡ ܠܟ ܘܐܦ ܐܢܐ ܒܪܢܫܐ ܐܢܐ | 26 |
Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.
ܘܟܕ ܡܡܠܠ ܥܡܗ ܥܠ ܘܐܫܟܚ ܤܓܝܐܐ ܕܐܬܘ ܗܘܘ ܠܬܡܢ | 27 |
Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;
ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܢܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܠܐ ܡܦܤ ܠܓܒܪܐ ܝܗܘܕܝܐ ܕܢܩܦ ܠܐܢܫܐ ܢܘܟܪܝܐ ܕܠܐ ܗܘܐ ܒܪ ܫܪܒܬܗ ܘܠܝ ܐܠܗܐ ܚܘܝܢܝ ܕܠܐ ܐܡܪ ܥܠ ܐܢܫ ܕܛܡܐ ܐܘ ܡܤܝܒ | 28 |
markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;
ܡܛܠ ܗܢܐ ܥܬܝܕܐܝܬ ܐܬܝܬ ܟܕ ܫܕܪܬܘܢ ܒܬܪܝ ܒܪܡ ܡܫܐܠ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܡܛܠ ܡܢܐ ܫܕܪܬܘܢ ܒܬܪܝ | 29 |
sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen.
ܐܡܪ ܠܗ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܐܪܒܥܐ ܝܘܡܝܢ ܐܝܬ ܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܗܐ ܡܢ ܕܨܐܡ ܐܢܐ ܘܒܬܫܥ ܫܥܝܢ ܟܕ ܡܨܠܐ ܐܢܐ ܒܒܝܬܝ ܩܡ ܓܒܪܐ ܚܕ ܩܕܡܝ ܟܕ ܠܒܝܫ ܚܘܪܐ | 30 |
Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,
ܘܐܡܪ ܠܝ ܩܘܪܢܠܝܐ ܐܫܬܡܥܬ ܨܠܘܬܟ ܘܠܙܕܩܬܟ ܕܘܟܪܢܐ ܗܘܐ ܩܕܡ ܐܠܗܐ | 31 |
oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay.
ܒܪܡ ܫܕܪ ܠܝܘܦܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܐܝܬܐ ܠܫܡܥܘܢ ܕܡܬܩܪܐ ܟܐܦܐ ܗܐ ܫܪܐ ܒܒܝܬܗ ܕܫܡܥܘܢ ܒܘܪܤܝܐ ܕܥܠ ܝܕ ܝܡܐ ܘܗܘ ܢܐܬܐ ܢܡܠܠ ܥܡܟ | 32 |
Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal.
ܘܒܪ ܫܥܬܗ ܫܕܪܬ ܠܘܬܟ ܘܐܢܬ ܫܦܝܪ ܥܒܕܬ ܕܐܬܝܬ ܘܗܐ ܚܢܢ ܟܠܢ ܩܕܡܝܟ ܘܨܒܝܢܢ ܕܢܫܡܥ ܟܠ ܡܐ ܕܐܬܦܩܕ ܠܟ ܡܢ ܠܘܬ ܐܠܗܐ | 33 |
Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.
ܦܬܚ ܕܝܢ ܫܡܥܘܢ ܦܘܡܗ ܘܐܡܪ ܒܫܪܪܐ ܐܕܪܟܬ ܕܐܠܗܐ ܠܐ ܗܘܐ ܢܤܒ ܒܐܦܐ | 34 |
Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan:
ܐܠܐ ܒܟܠܗܘܢ ܥܡܡܐ ܐܝܢܐ ܕܕܚܠ ܡܢܗ ܘܦܠܚ ܟܐܢܘܬܐ ܡܩܒܠ ܗܘ ܠܘܬܗ | 35 |
laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa.
ܡܠܬܐ ܓܝܪ ܕܫܕܪ ܠܒܢܝ ܐܝܤܪܝܠ ܘܤܒܪ ܐܢܘܢ ܫܠܡܐ ܘܫܝܢܐ ܒܝܕ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܗܢܘ ܡܪܝܐ ܕܟܠ | 36 |
Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood.
ܘܐܦ ܐܢܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܡܠܬܐ ܕܗܘܬ ܒܟܠܗ ܝܗܘܕ ܕܐܩܦܬ ܡܢ ܓܠܝܠܐ ܒܬܪ ܡܥܡܘܕܝܬܐ ܕܐܟܪܙ ܝܘܚܢܢ | 37 |
Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,
ܥܠ ܝܫܘܥ ܕܡܢ ܢܨܪܬ ܕܐܠܗܐ ܡܫܚܗ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܘܒܚܝܠܐ ܘܗܘܝܘ ܕܡܬܟܪܟ ܗܘܐ ܘܡܐܤܐ ܠܗܢܘܢ ܕܐܬܢܟܝܘ ܡܢ ܒܝܫܐ ܡܛܠ ܕܐܠܗܐ ܗܘܐ ܥܡܗ | 38 |
iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii.
ܘܚܢܢ ܤܗܕܘܗܝ ܥܠ ܟܠ ܡܐ ܕܥܒܕ ܒܟܠܗ ܐܪܥܐ ܕܝܗܘܕ ܘܕܐܘܪܫܠܡ ܠܗ ܠܗܢܐ ܬܠܐܘܗܝ ܝܗܘܕܝܐ ܥܠ ܩܝܤܐ ܘܩܛܠܘܗܝ | 39 |
Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen.
ܘܠܗ ܐܩܝܡ ܐܠܗܐ ܠܬܠܬܐ ܝܘܡܝܢ ܘܝܗܒܗ ܕܢܬܚܙܐ ܥܝܢ ܒܓܠܐ | 40 |
Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey,
ܠܐ ܕܝܢ ܠܟܠܗ ܥܡܐ ܐܠܐ ܠܢ ܐܝܠܝܢ ܕܡܢ ܐܠܗܐ ܐܬܓܒܝܢ ܕܢܗܘܐ ܠܗ ܤܗܕܐ ܕܐܟܠܢ ܥܡܗ ܘܐܫܬܝܢ ܡܢ ܒܬܪ ܩܝܡܬܗ ܕܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ | 41 |
uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
ܘܦܩܕܢ ܕܢܟܪܙ ܘܢܤܗܕ ܠܥܡܐ ܕܗܢܘ ܕܐܬܦܪܫ ܡܢ ܐܠܗܐ ܕܝܢܐ ܕܚܝܐ ܘܕܡܝܬܐ | 42 |
Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
ܘܥܠܘܗܝ ܐܤܗܕܘ ܟܠܗܘܢ ܢܒܝܐ ܕܟܠܡܢ ܕܡܗܝܡܢ ܒܫܡܗ ܢܩܒܠ ܫܘܒܩܢ ܚܛܗܐ | 43 |
Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
ܘܟܕ ܗܘ ܫܡܥܘܢ ܡܡܠܠ ܗܘܐ ܗܠܝܢ ܡܠܐ ܐܓܢܬ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܥܠ ܟܠܗܘܢ ܕܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܡܠܬܐ | 44 |
Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.
ܘܬܡܗܘ ܘܬܗܪܘ ܐܚܐ ܓܙܝܪܐ ܗܢܘܢ ܕܐܬܘ ܥܡܗ ܕܐܦ ܥܠ ܥܡܡܐ ܡܘܗܒܬܐ ܕܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܐܫܬܦܥܬ | 45 |
Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.
ܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܠܗܘܢ ܓܝܪ ܟܕ ܡܡܠܠܝܢ ܒܠܫܢ ܠܫܢ ܘܡܘܪܒܝܢ ܗܘܘ ܠܐܠܗܐ ܘܐܡܪ ܗܘܐ ܫܡܥܘܢ | 46 |
Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.
ܕܠܡܐ ܡܝܐ ܡܫܟܚ ܐܢܫ ܟܠܐ ܕܠܐ ܢܥܡܕܘܢ ܗܢܘܢ ܕܗܐ ܩܒܠܘ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܐܝܟ ܡܐ ܕܚܢܢ | 47 |
Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?
ܗܝܕܝܢ ܦܩܕ ܠܗܘܢ ܕܢܥܡܕܘܢ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܘܒܥܘ ܡܢܗ ܐܝܟ ܕܢܩܘܐ ܠܘܬܗܘܢ ܝܘܡܬܐ | 48 |
Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.