< Об'явлення 9 >

1 І засурмив п'ятий ангол, — і я бачив зо́рю, що спала із неба додолу. І їй да́ний був ключ від криниці безо́дньої. (Abyssos g12)
Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska. (Abyssos g12)
2 І вона відімкнула криницю безо́дню, — і дим повалив із криниці, мов дим із великої пе́чі. І затьми́лося сонце й повітря від криничного диму. (Abyssos g12)
Markaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. (Abyssos g12)
3 А з диму на землю вийшла сарана́, і да́но їй міць, як мають міць скорпіо́ни земні.
Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.
4 І наказано їй, щоб вона не шкодила земній траві́, ані жа́дному зі́ллю, ані жа́дному дереву, але тільки тим людям, які на чо́лах не мають печатки Божої.
Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.
5 І було да́но їй, щоб їх не вбивати, але мучити п'ять місяців; а му́ка від неї, як му́ка від скорпіо́на, коли вкусить люди́ну.
Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.
6 І в ті дні люди смерти шукатимуть, — та не зна́йдуть її! Померти вони захотять, — та втече від них смерть!
Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.
7 А вигляд сарани́ був подібний до ко́ней, на війну приготованих; а на головах у неї — немов би вінки́, подібні на золото, а обличчя її — немов лю́дські обличчя.
Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad.
8 І мала волосся — як волосся жіноче, а її зуби були́ — немов ле́в'ячі.
Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax.
9 І мала вона па́нцери, немов панцери залізні; а шум її крил — немов шум колесни́ць, коли ко́ней багато біжить на війну́.
Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.
10 І мала хвости, подібні до скорпіонових, та жа́ла, а в неї в хвостах її вла́да — п'ять місяців шкодити лю́дям.
Oo waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah.
11 І мала вона над собою царя, ангола безодні; йому по-єврейському ім'я Аваддо́н, а по-грецькому звався він Аполліо́н! (Abyssos g12)
Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon. (Abyssos g12)
12 Одне горе минуло! Ось за ним ще два горя надходять!
Hooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.
13 I засурми́в шостий Ангол, — і я почув один голос із чотирьох ро́гів золотого же́ртівника, який перед Богом,
Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,
14 що казав шостому Анголові, який мав сурму́: „Розв'яжи чотирьох Анголів, що пов'язані при великій річці Ефра́ті“.
oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.
15 I були порозв'я́зувані чотири Анголи́, пригото́вані на годину, і на день, і на місяць, і на рік, щоб убили третину людей.
Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.
16 А число кі́нного ві́йська — двадцять тисяч раз по десять тисяч; і я чув їхнє число.
Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.
17 І так бачив я ко́ней в виді́нні, а на них верхівці́в, що па́нцери мали огняні́, і гіяци́нтові, і сірчані́. А го́лови в ко́ней — немов голови ле́в'ячі, а з їхнього рота виходив огонь, і дим, і сірка.
Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.
18 І побита була́ третина людей від цих трьох пора́зок, — від огню́, і від диму, і від сірки, що вихо́дили з їхніх роті́в.
Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.
19 Сила бо ко́ней була в їхнім роті та в їхніх хвоста́х. А хвости́ їхні подібні до вужі́в, що мають го́лови, і ними вони шкоду чинять.
Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.
20 А решта людей, що не вбита була́ цими пора́зками, не пока́ялася за діла своїх рук, щоб не кланятись де́монам, ані і́долам золотим, і срібним, і мідяним, і кам'яни́м, і дерев'яним, що не можуть вони ані бачити, ані чути, ані ходити.
Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;
21 І вони не покаялися в своїх убивствах, ані в чарах своїх, ні в розпусті своїй, ні в краді́жках своїх.
kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.

< Об'явлення 9 >