< Якова 2 >
1 Брати́ мої, не зважаючи на обличчя, майте віру в нашого Господа слави, Ісуса Христа.
Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina.
2 Бо коли до вашого зібра́ння ввійде чоловік із золотим перснем, у шаті блискучій, увійде й біда́р у вбогім вбранні́,
Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo,
3 і ви поглянете на то́го, хто в шаті блискучій, і скажете йому: „Ти сідай вигі́дно отут, “а бідаре́ві прокажете: „Ти стань там, чи сідай собі тут на підніжку моїм“,
oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,
4 то чи не стало між вами поді́лення, і не стали ви злоду́мними суддями?
miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma?
5 Послухайте, мої брати любі, — чи ж не вибрав Бог бідарі́в цього світу за багатих вірою й за спадкоє́мців Царства, яке обіцяв Він тим, хто любить Його?
I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?
6 А ви бідаря́ зневажили! Хіба не багачі переслідують вас, хіба не вони тягнуть вас на суди́?
Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?
7 Хіба не вони зневажають те добре ім'я́, що ви ним називаєтесь?
Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay?
8 Коли ви Зако́на Царсько́го виконуєте, за Писа́нням: „Люби свого ближнього, як самого себе“, то ви робите добре.
Haddaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan.
9 Коли ж дивитеся на обличчя, то чините гріх, бо Зако́н удоводнює, що ви винуватці.
Laakiin haddaad dadka u kala eexataan waad dembaabtaan, oo sharcigu wuu idinku caddeeyey inaad tihiin kuwa xadgudbay.
10 Бо хто всього Зако́на виконує, а згрішить в одно́му, той винним у всьому стає.
Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay.
11 Бо Той, Хто сказав: „Не чини перелю́бства“, також наказав: „Не вбивай“. А хоч ти перелю́бства не чиниш, а вб'єш, то ти переступник Зако́ну.
Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.
12 Отак говоріть і отак чиніть, як такі, що будете суджені зако́ном волі.
Sidii kuwo sharciga xorriyadda lagu xukumi doono, u hadla oo u yeela.
13 Бо суд немилосердний на того, хто не вчинив милосердя. Милосердя бо ставиться вище за суд.
Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.
14 Яка ко́ристь, брати мої, коли хто говорить, що має віру, але діл не має? Чи може спасти його віра?
Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga?
15 Коли ж брат чи сестра будуть нагі, і позбавлені денного по́корму,
Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin,
16 а хтонебудь із вас до них скаже: „Ідіть з миром, грійтесь та їжте“, та не дасть їм потрібного тілу, — що ж то поможе?
oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?
17 Так само й віра, коли діл не має, — ме́ртва в собі!
Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.
18 Але скаже хтоне́будь: „Маєш ти віру, а я маю діла; покажи мені віру свою без діл твоїх, а я покажу тобі віру свою від діл моїх“.
Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa.
19 Чи віруєш ти, що Бог один? Добре робиш! Та й де́мони вірують, — і тремтять.
Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan.
20 Чи хочеш ти знати, о марна́ люди́но, що віра без діл — ме́ртва?
Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin?
21 Авраам, отець наш, — чи він не з діл виправданий був, як поклав був на же́ртівника свого сина Ісака?
Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey?
22 Чи ти бачиш, що віра помогла його ділам, і вдоскона́лилась віра із діл?
Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada.
23 І зді́йснилося Писа́ння, що каже: „Авраам же ввірував Богові, і це йому зараховане в праведність, і був на́званий він другом Божим“.
Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah.
24 Отож, чи ви бачите, що люди́на виправдується від діл, а не тільки від віри?
Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.
25 Чи так само і блудни́ця Раха́в не з діл виправдалась, коли прийняла́ посланці́в, і дорогою іншою випустила?
Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay?
26 Бо як тіло без духа ме́ртве, так і віра без діл — мертва!
Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.