< Gabaygii Sulaymaan 8 >
1 Haddaad ahaan lahayd walaalkay Oo naasihii hooyaday nuugay, Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa. Oo innaba layma quudhsadeen.
O, da si mi brat, da si sisao prsa majke moje, našla bih te vani, poljubila bih te i nitko me zato ne bi prezirao.
2 Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
Povela bih te i uvela u kuću majke svoje koja me odgojila, pojila bih te najboljim vinom i sokom od mogranja.
3 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
Njegova mi je lijeva ruka pod glavom, a desnom me grli.
4 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.
Zaklinjem vas, kćeri jeruzalemske, ne budite, ne budite ljubav mojuš dok sama ne bude htjela!
5 Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu? Gacalisada Hadlaysaa Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis. Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay, Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
Tko je ta što dolazi iz pustinje, naslonjena na dragoga svoga? Probudio sam te pod jabukom gdje te mati rodila, gdje te na svijet dala roditeljka tvoja.
6 Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga. (Sheol )
Stavi me kao znak na srce, kao pečat na ruku svoju, jer ljubav je jaka kao smrt, a ljubomora tvrda kao grob. Žar je njezin žar vatre i plamena Jahvina. (Sheol )
7 Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
Mnoge vode ne mogu ugasiti ljubav niti je rijeke potopiti. Da netko daje za ljubav sve što u kući ima, taj bi navukao prezir na sebe.
8 Annagu waxaannu leennahay walaal yar, Oo aan innaba naaso lahayn. Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa Maalintii iyada guur loo soo doonto?
Imamo malu sestru koja još nema grudi, što ćemo činiti sa svojom sestrom kad bude riječ o njoj?
9 Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah, Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.
Ako bude poput zida, sagradit ćemo na njemu krunište od srebra; ako bude poput vrata, utvrdit ćemo ih cedrovim daskama.
10 Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale. Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.
Ja sam zid i grudi su moje kule: tako postadoh u očima njegovim kao ona što nađe smirenje.
11 Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
Salomon ima vinograd u Baal Hamonu, dao ga je čuvarima i svaki mora donijeti za urod tisuću srebrnjaka.
12 Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.
Moj vinograd je preda mnom: tebi, Salomone, tisuća, a dvjesta onima što čuvaju plodove.
13 Taada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii.
O ti, koja boraviš u vrtovima, drugovi slušaju glas tvoj, daj da ga i ja čujem!
14 Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.
Pohitaj, mili moj, budi kao srna i kao jelenče na gorama mirisnim!