< Rooma 13 >
1 Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh.
ⲁ̅ⲙⲁⲣⲉ ⲯⲩⲭⲏ ⲛⲓⲙ ϩⲩⲡⲟⲧⲁⲥⲥⲉ ⲛⲛⲓⲉⲝⲟⲩⲥⲓⲁ ⲉⲧϫⲟⲥⲉ ⲙⲛ ⲉⲝⲟⲩⲥⲓⲁ ⲅⲁⲣ ⲉⲓⲙⲏⲧⲓ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲛⲉⲧϣⲟⲟⲡ ⲇⲉ ⲉⲩⲧⲏϣ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ
2 Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun.
ⲃ̅ϩⲱⲥⲧⲉ ⲡⲉⲧⲛⲁϯ ⲟⲩⲃⲉ ⲧⲉⲝⲟⲩⲥⲓⲁ ⲉϥϯ ⲟⲩⲃⲉ ⲡⲧⲱϣ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲛⲉⲧϯ ⲇⲉ ⲥⲉⲛⲁϫⲓ ⲛⲁⲩ ⲛⲟⲩϩⲁⲡ
3 Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga.
ⲅ̅ⲛⲁⲣⲭⲱⲛ ⲛϩⲉⲛϩⲟⲧⲉ ⲁⲛ ⲛⲉ ⲙⲡϩⲱⲃ ⲉⲧⲛⲁⲛⲟⲩϥ ⲁⲗⲗⲁ ⲙⲡⲡⲉⲑⲟⲟⲩ ⲕⲟⲩⲱϣ ⲇⲉ ⲉⲧⲙⲣ ϩⲟⲧⲉ ϩⲏⲧⲥ ⲛⲧⲉⲝⲟⲩⲥⲓⲁ ⲁⲣⲓⲡⲁⲅⲁⲑⲟⲛ ⲁⲩⲱ ⲕⲛⲁϫⲓ ⲛⲟⲩⲧⲁⲉⲓⲟ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲟⲟⲧⲥ
4 Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya.
ⲇ̅ⲟⲩⲇⲓⲁⲕⲟⲛⲟⲥ ⲅⲁⲣ ⲛⲧⲉ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲛⲁⲕ ⲧⲉ ⲉⲩⲡⲉⲧⲛⲁⲛⲟⲩϥ ⲉϣⲱⲡⲉ ⲇⲉ ⲉⲕϣⲁⲛⲣ ⲡⲡⲉⲑⲟⲟⲩ ⲁⲣⲓϩⲟⲧⲉ ⲉⲓⲕⲏ ⲅⲁⲣ ⲁⲛ ⲥⲫⲟⲣⲓ ⲛⲧⲥⲏ ϥⲉ ⲟⲩⲇⲓⲁⲕⲟⲛⲟⲥ ⲅⲁⲣ ⲛⲧⲉ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲧⲉ ⲛⲣⲉϥϫⲓⲕⲃⲁ ⲉⲧⲟⲣⲅⲏ ⲙⲡⲉⲧⲉⲓⲣⲉ ⲙⲡⲡⲉⲑⲟⲟⲩ
5 Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna.
ⲉ̅ⲉⲧⲃⲉ ⲡⲁⲓ ϣϣⲉ ⲉϩⲩⲡⲟⲧⲁⲥⲥⲉ ⲟⲩ ⲙⲟⲛⲟⲛ ⲉⲧⲃⲉ ⲧⲟⲣⲅⲏ ⲁⲗⲗⲁ ⲉⲧⲃⲉ ⲧⲕⲉⲥⲩⲛⲓⲇⲏ ⲥⲓⲥ
6 Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas.
ⲋ̅ⲉⲧⲃⲉ ⲡⲁⲓ ⲅⲁⲣ ⲧⲉⲧⲛϯϣⲱⲙ ϩⲉⲛⲗⲓⲧⲟⲩⲣⲅⲟⲥ ⲅⲁⲣ ⲛⲧⲉ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲛⲉ ⲉⲩⲡⲣⲟⲥⲕⲁⲣⲧⲉⲣⲉⲓ ⲉⲡⲉⲉⲓϩⲱⲃ
7 Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.
ⲍ̅ϯ ⲛⲟⲩⲟⲛ ⲛⲓⲙ ⲛⲛⲉⲧⲉⲣⲱⲧⲛ ⲡϣⲱⲙ ⲙⲡⲁ ⲡϣⲱⲙ ⲡⲧⲉⲗⲟⲥ ⲙⲡⲁ ⲡⲧⲉⲗⲟⲥ ⲑⲟⲧⲉ ⲙⲡⲁ ⲑⲟⲧⲉ ⲡⲧⲁⲉⲓⲟ ⲙⲡⲁ ⲡⲧⲁⲉⲓⲟ
8 Ninna yuusan wax idinku lahaan in midkiinba midka kale jeclaado mooyaane. Waayo, kii deriskiisa jeclaadaa sharciguu oofiyey.
ⲏ̅ⲙⲡⲣⲕⲁ ⲗⲁⲁⲩ ⲉⲣⲱⲧⲛ ⲛⲧⲛ ⲗⲁⲁⲩ ⲛⲥⲁ ⲡⲙⲉⲣⲉ ⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ ⲡⲉⲧⲙⲉ ⲅⲁⲣ ⲙⲡⲉⲑⲓ ⲧⲟⲩⲱϥ ⲁϥϫⲉⲕ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲉⲃⲟⲗ
9 Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
ⲑ̅ϩⲙ ⲡⲧⲣⲉϥϫⲟⲟⲥ ⲅⲁⲣ ϫⲉ ⲛⲛⲉⲕⲣⲛⲟⲉⲓⲕ ⲛⲛⲉⲕϩⲱⲧⲃ ⲛⲛⲉⲕϫⲓⲟⲩⲉ ⲛⲛⲉⲕⲉⲡⲓⲑⲩⲙⲓ ⲁⲩⲱ ⲡⲕⲉⲥⲉⲉⲡⲉ ⲛⲛⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲉϣⲁⲩϫⲱⲕ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ ⲡⲉⲉⲓϣⲁϫⲉ ϩⲛ ⲉⲕⲉⲙⲉⲣⲉ ⲡⲉⲑⲓⲧⲟⲩⲱⲕ ⲛⲧⲉⲕϩⲉ
10 Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.
ⲓ̅ⲙⲉⲣⲉ ⲧⲁⲅⲁⲡⲏ ⲣⲡⲉⲑⲟⲟⲩ ⲙⲡⲉⲑⲓⲧⲟⲩⲱⲥ ⲡϫⲱⲕ ϭⲉ ⲉⲃⲟⲗ ⲙⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲡⲉ ⲧⲁⲅⲁⲡⲏ
11 Oo weliba waad garanaysaan wakhtiga inay haatan tahay saacaddii aad hurdada ka toosi lahaydeen, waayo, haatan ay badbaadintu inooga dhow dahay markii horoo aan rumaysannay.
ⲓ̅ⲁ̅ⲁⲩⲱ ⲡⲁⲓ ⲉⲛⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙⲡⲓⲟⲩⲟⲉⲓϣ ϫⲉ ⲁⲧⲉⲩⲛⲟⲩ ϭⲉ ϣⲱⲡⲉ ⲉⲧⲣⲉⲛⲧⲱⲟⲩⲛ ϩⲁ ⲡϩⲓⲛⲏⲃ ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲅⲁⲣ ⲁⲡⲉⲛⲟⲩϫⲁⲓ ϩⲱⲛ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲉⲣⲟⲛ ⲉϩⲟⲩⲉ ⲡⲉⲩⲟⲉⲓϣ ⲉⲛⲧⲁⲛⲡⲓⲥⲧⲉⲩⲉ
12 Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka.
ⲓ̅ⲃ̅ⲁⲧⲉⲩϣⲏ ⲡⲣⲟⲕⲟⲡⲧⲉ ⲁⲡⲉϩⲟⲟⲩ ϩⲱⲛ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲙⲁⲣⲛⲕⲱ ϭⲉ ⲛⲥⲱⲛ ⲛⲛⲉϩⲃⲏⲩⲉ ⲙⲡⲕⲁⲕⲉ ⲛⲧⲛϯ ⲇⲉ ϩⲓⲱⲱⲛ ⲛⲛϩⲟⲡⲗⲟⲛ ⲙⲡⲟⲩⲟⲉⲓⲛ
13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso.
ⲓ̅ⲅ̅ϩⲱⲥ ⲉⲛϩⲙ ⲡⲉϩⲟⲟⲩ ⲙⲁⲣⲛⲙⲟⲟϣⲉ ⲉⲛⲧⲥⲁⲛⲏⲩ ϩⲛ ϩⲉⲛϫⲏⲣ ⲁⲛ ⲙⲛ ϩⲉⲛϯϩⲉ ϩⲛ ϩⲉⲛⲙⲁ ⲛⲛⲕⲟⲧⲕ ⲁⲛ ⲙⲛ ϩⲉⲛϫⲱϩⲙ ϩⲛ ϩⲉⲛϯⲧⲱⲛ ⲁⲛ ⲙⲛ ϩⲉⲛⲕⲱϩ
14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
ⲓ̅ⲇ̅ⲁⲗⲗⲁ ϯϩⲓⲱⲧ ⲧⲏⲩⲧⲛ ⲙⲡⲉⲛϫⲟⲉⲓⲥ ⲓⲏⲥ ⲡⲉⲭⲥ ⲁⲩⲱ ⲙⲡⲣϥⲓⲡⲣⲟⲟⲩϣ ⲛⲧⲉⲧⲛⲥⲁⲣⲝ ⲉϩⲉⲛⲉⲡⲓⲑⲩⲙⲓⲁ