< Muujintii 22 +
1 Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,
И показа ми чисту реку воды животныя, светлу яко кристалл, исходящу от престола Божия и Агнча.
2 iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin.
Посреде стогны его и по обаполы реки древо животное, еже творит плодов дванадесяте, на кийждо месяц воздая плод свой: и листвие древа во изцеление языком.
3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan,
И всяка анафема не будет ктому: и престол Божий и Агнечь будет в нем, и раби Его послужат Ему,
4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda.
и узрят лице Его, и имя Его на челех их.
5 Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood. (aiōn )
И нощи не будет тамо, и не потребуют света от светилника, ни света солнечнаго, яко Господь Бог просвещает я: и воцарятся во веки веков. (aiōn )
6 Oo markaasay malaa'igtii waxay igu tidhi, Erayadanu waa aamin iyo run; oo Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada nebiyada ayaa malaa'igtiisii u soo diray inuu addoommadiisa tuso waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan.
И рече ми: сия словеса верна и истинна: и Господь Бог святых пророк посла Ангела Своего показати рабом Своим, имже подобает быти вскоре.
7 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.
Се, гряду скоро: блажен соблюдаяй словеса пророчества книги сея.
8 Anigoo Yooxanaa ah waxaan ahay kii maqlay oo arkay waxyaalahan. Oo markii aan maqlay oo aan arkay, ayaan ku hor dhacay cagihii malaa'igtii i tustay waxyaalahan, si aan u caabudo.
И аз Иоанн видех сия и слышах. И егда слышах и видех, падох поклонитися на ногу Ангела показующаго ми сие:
9 Oo haddana waxay igu tidhi, Iska jir oo saas ha yeelin, waayo, anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo nebiyada walaalaha ah iyo kuwa xajiya erayada kitaabkan; haddaba Ilaah caabud.
и глагола ми: виждь, ни: клеврет бо твой есмь и братии твоея пророков и соблюдающих словеса книги сея: Богу поклонися.
10 Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.
И глагола ми: не запечатлей словес пророчествия книги сея: яко время близ есть.
11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo.
Обидяй да обидит еще, и скверный да осквернится еще: и праведный правду да творит еще: и святый да святится еще.
12 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay.
И се, гряду скоро, и мзда Моя со Мною, воздати коемуждо по делом его.
13 Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhammaadka.
Аз есмь Алфа и Омега, начаток и конец, Первый и Последний.
14 Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan.
Блажени творящии заповеди Его, да будет область им на древо животное, и враты внидут во град.
15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.
Вне же пси и чародее, и любодее и убийцы, и идолослужителе и всяк любяй и творяй лжу.
16 Oo anigoo Ciise ah ayaan malaa'igtaydii u soo diray inay waxyaalahan idiinku markhaati furto kiniisadaha aawadood. Anigu waxaan ahay xididkii iyo farcankii Daa'uud, iyo xiddigta waaberi oo dhalaalaysa.
Аз Иисус послах Ангела Моего засвидетелствовати вам сия в церквах. Аз есмь корень и род Давидов, и звезда утренняя и денница.
17 Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.
И Дух и невеста глаголют: прииди, и слышяй да глаголет: прииди. И жаждяй да приидет, и хотяй да приимет воду животную туне.
18 Oo anigu waxaan ku idhaahdaa nin kasta oo maqla erayadii wax sii sheegidda ee kitaabkan lagu qoray, Haddii nin wax ku daro iyaga, Ilaah wuxuu isaga ku dari doonaa belaayooyinka kitaabkan ku qoran;
Сосвидетелствую бо всякому слышащему словеса пророчества книги сея: аще кто приложит к сим, наложит Бог на него язв написанных в книзе сей:
19 oo haddii nin wax ka qaado erayadii kitaabka wax sii sheegiddan, isna Ilaah baa qaybtiisa ka qaadi doona geedka nolosha iyo magaalada quduuska ah iyo waxyaalaha kitaabkan ku qoran.
и аще кто отимет от словес книги пророчествия сего, отимет Бог часть его от книги животныя, и от града святаго, и написанных в книзе сей.
20 Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.
Глаголет свидетелствуяй сия: ей, гряду скоро: аминь. Ей, гряди Господи Иисусе.
21 Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto quduusiinta oo dhan. Aamiin.
Благодать Господа нашего Иисуса Христа со всеми вами. Аминь.