< Sabuurradii 90 >

1 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
תפלה למשה איש האלהים אדני מעון אתה היית לנו בדר ודר׃
2 Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
בטרם הרים ילדו ותחולל ארץ ותבל ומעולם עד עולם אתה אל׃
3 Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
תשב אנוש עד דכא ותאמר שובו בני אדם׃
4 Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
כי אלף שנים בעיניך כיום אתמול כי יעבר ואשמורה בלילה׃
5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
זרמתם שנה יהיו בבקר כחציר יחלף׃
6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
בבקר יציץ וחלף לערב ימולל ויבש׃
7 Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
כי כלינו באפך ובחמתך נבהלנו׃
8 Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
שת עונתינו לנגדך עלמנו למאור פניך׃
9 Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
כי כל ימינו פנו בעברתך כלינו שנינו כמו הגה׃
10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
ימי שנותינו בהם שבעים שנה ואם בגבורת שמונים שנה ורהבם עמל ואון כי גז חיש ונעפה׃
11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
מי יודע עז אפך וכיראתך עברתך׃
12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
למנות ימינו כן הודע ונבא לבב חכמה׃
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.
שובה יהוה עד מתי והנחם על עבדיך׃
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
שבענו בבקר חסדך ונרננה ונשמחה בכל ימינו׃
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
שמחנו כימות עניתנו שנות ראינו רעה׃
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.
יראה אל עבדיך פעלך והדרך על בניהם׃
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
ויהי נעם אדני אלהינו עלינו ומעשה ידינו כוננה עלינו ומעשה ידינו כוננהו׃

< Sabuurradii 90 >