< Sabuurradii 148 >

1 Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.
Yabi Ubangiji. Yabi Ubangiji daga sammai, yabe shi a bisa sammai.
2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
Yabe shi, dukanku mala’ikunsa, yabe shi, dukanku rundunarsa na sama.
3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
Yabe shi, rana da wata, yabe shi, dukanku taurari masu haskakawa.
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
Yabe shi, ku bisa sammai da kuma ku ruwan bisa sarari.
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
Bari su yabi sunan Ubangiji, gama ya umarta aka kuwa halicce su.
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
Ya sa su a wurarensu har abada abadin; ya ba da umarnin da ba zai taɓa shuɗe ba.
7 Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
Yabi Ubangiji daga duniya, ku manyan halittun teku da kuma dukan zurfafan teku,
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
walƙiya da ƙanƙara, dusar ƙanƙara da gizagizai, hadirin iskar da suke biyayya da umarnansa,
9 Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
ku duwatsu da dukan tuddai, itatuwa masu’ya’ya da dukan al’ul,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
namun jeji da dukan dabbobin gida, ƙanana halittu da tsuntsaye masu firiya,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
sarakunan duniya da dukan al’ummai, ku sarakuna da dukan masu mulkin duniya,
12 Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,
samari da’yan mata, tsofaffi da yara.
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
Bari su yabi sunan Ubangiji, gama sunansa ne kaɗai mafi ɗaukaka; darajarsa ta fi ƙarfin duniya da sammai.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
Ya tayar wa mutanensa ƙaho, yabon dukan tsarkakansa, na Isra’ila, mutanen da suke kurkusa da zuciyarsa. Yabi Ubangiji.

< Sabuurradii 148 >