< Sabuurradii 112 >
1 Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
你們要讚美耶和華! 敬畏耶和華,甚喜愛他命令的, 這人便為有福!
2 Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
他的後裔在世必強盛; 正直人的後代必要蒙福。
3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
他家中有貨物,有錢財; 他的公義存到永遠。
4 Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
正直人在黑暗中,有光向他發現; 他有恩惠,有憐憫,有公義。
5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
施恩與人、借貸與人的,這人事情順利; 他被審判的時候要訴明自己的冤。
6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
他永不動搖; 義人被記念,直到永遠。
7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
他必不怕凶惡的信息; 他心堅定,倚靠耶和華。
8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
他心確定,總不懼怕, 直到他看見敵人遭報。
9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
他施捨錢財,賙濟貧窮; 他的仁義存到永遠。 他的角必被高舉,大有榮耀。
10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
惡人看見便惱恨,必咬牙而消化; 惡人的心願要歸滅絕。