< Maahmaahyadii 8 >

1 Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin? Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
הלא חכמה תקרא ותבונה תתן קולה׃
2 Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
בראש מרומים עלי דרך בית נתיבות נצבה׃
3 Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda, Meesha magaalada laga soo galo, Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
ליד שערים לפי קרת מבוא פתחים תרנה׃
4 Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa, Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
אליכם אישים אקרא וקולי אל בני אדם׃
5 Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
הבינו פתאים ערמה וכסילים הבינו לב׃
6 I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.
שמעו כי נגידים אדבר ומפתח שפתי מישרים׃
7 Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.
כי אמת יהגה חכי ותועבת שפתי רשע׃
8 Erayada afkayga oo dhammi waa xaq, Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.
בצדק כל אמרי פי אין בהם נפתל ועקש׃
9 Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
כלם נכחים למבין וישרים למצאי דעת׃
10 Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
קחו מוסרי ואל כסף ודעת מחרוץ נבחר׃
11 Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
כי טובה חכמה מפנינים וכל חפצים לא ישוו בה׃
12 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
אני חכמה שכנתי ערמה ודעת מזמות אמצא׃
13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
יראת יהוה שנאת רע גאה וגאון ודרך רע ופי תהפכות שנאתי׃
14 Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
לי עצה ותושיה אני בינה לי גבורה׃
15 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
בי מלכים ימלכו ורוזנים יחקקו צדק׃
16 Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna Anigay wax iigu taliyaan.
בי שרים ישרו ונדיבים כל שפטי צדק׃
17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
אני אהביה אהב ומשחרי ימצאנני׃
18 Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf. Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.
עשר וכבוד אתי הון עתק וצדקה׃
19 Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin, Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.
טוב פריי מחרוץ ומפז ותבואתי מכסף נבחר׃
20 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
בארח צדקה אהלך בתוך נתיבות משפט׃
21 Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan, Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
להנחיל אהבי יש ואצרתיהם אמלא׃
22 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
יהוה קנני ראשית דרכו קדם מפעליו מאז׃
23 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey, Ama intaan dunidu jirin ka hor.
מעולם נסכתי מראש מקדמי ארץ׃
24 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor, Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
באין תהמות חוללתי באין מעינות נכבדי מים׃
25 Intaan la qotomin buuraha Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
בטרם הרים הטבעו לפני גבעות חוללתי׃
26 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
עד לא עשה ארץ וחוצות וראש עפרות תבל׃
27 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
בהכינו שמים שם אני בחוקו חוג על פני תהום׃
28 Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
באמצו שחקים ממעל בעזוז עינות תהום׃
29 Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
בשומו לים חקו ומים לא יעברו פיו בחוקו מוסדי ארץ׃
30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
ואהיה אצלו אמון ואהיה שעשעים יום יום משחקת לפניו בכל עת׃
31 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
משחקת בתבל ארצו ושעשעי את בני אדם׃
32 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
ועתה בנים שמעו לי ואשרי דרכי ישמרו׃
33 Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.
שמעו מוסר וחכמו ואל תפרעו׃
34 Waxaa barakaysan ninka i maqla, Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra, Oo albaabbadayda igu suga.
אשרי אדם שמע לי לשקד על דלתתי יום יום לשמר מזוזת פתחי׃
35 Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol, Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.
כי מצאי מצאי חיים ויפק רצון מיהוה׃
36 Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.
וחטאי חמס נפשו כל משנאי אהבו מות׃

< Maahmaahyadii 8 >