< Nexemyaah 3 >

1 Markaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel.
ויקם אלישיב הכהן הגדול ואחיו הכהנים ויבנו את שער הצאן המה קדשוהו ויעמידו דלתתיו ועד מגדל המאה קדשוהו עד מגדל חננאל׃
2 Oo intii isaga ku xigtayna waxaa dhisay dadkii Yerixoo, oo intii iyaga ku xigtayna waxaa dhisay Sakuur ina Imrii.
ועל ידו בנו אנשי ירחו ועל ידו בנה זכור בן אמרי׃
3 Iriddii Kalluunkana waxaa dhisay reer Hasenaa'aah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.
ואת שער הדגים בנו בני הסנאה המה קרוהו ויעמידו דלתתיו מנעוליו ובריחיו׃
4 Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah, oo ahaa reer Xaqoos. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah oo ahaa ina Mesheysabeel. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Bacanaa.
ועל ידם החזיק מרמות בן אוריה בן הקוץ ועל ידם החזיק משלם בן ברכיה בן משיזבאל ועל ידם החזיק צדוק בן בענא׃
5 Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, laakiinse kuwoodii gobta ahaa waxba kama qaban shuqulkii sayidkooda.
ועל ידם החזיקו התקועים ואדיריהם לא הביאו צורם בעבדת אדניהם׃
6 Iriddii Gabowdayna waxaa cusboonaysiiyey Yooyaadaac oo ahaa ina Faasee'ax iyo Meshullaam oo ahaa ina Besoodyaah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.
ואת שער הישנה החזיקו יוידע בן פסח ומשלם בן בסודיה המה קרוהו ויעמידו דלתתיו ומנעליו ובריחיו׃
7 Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Melatyaah oo ahaa reer Gibecoon, iyo Yaadoon oo ahaa reer Meeronotii, iyo dadkii reer Gibecoon, iyo kuwii reer Misfaah, oo ku hoos jiray carshiga taliyaha webiga ka shisheeya.
ועל ידם החזיק מלטיה הגבעני וידון המרנתי אנשי גבעון והמצפה לכסא פחת עבר הנהר׃
8 Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Cusii'eel oo ahaa ina Xarhayaah oo ka mid ahaa dahabtumayaashii. Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah oo ka mid ahaa dawosameeyayaashii, oo waxay Yeruusaalem adkeeyeen tan iyo derbiga ballaadhan.
על ידו החזיק עזיאל בן חרהיה צורפים ועל ידו החזיק חנניה בן הרקחים ויעזבו ירושלם עד החומה הרחבה׃
9 Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Refaayaah oo ahaa ina Xuur oo ahaa taliyihii degmada Yeruu saalem badhkiis.
ועל ידם החזיק רפיה בן חור שר חצי פלך ירושלם׃
10 Oo meeshii iyaga ku xigtay oo ka soo hor jeedday gurigiisa waxaa cusboonaysiiyey Yedacyaah oo ahaa ina Xaruumaf. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa dhisay Xatuush oo ahaa ina Xashabneyaah.
ועל ידם החזיק ידיה בן חרומף ונגד ביתו ועל ידו החזיק חטוש בן חשבניה׃
11 Malkiiyaah ina Xaarim iyo Xashuub ina Faxad Moo'aabna waxay cusboonaysiiyeen meel kale iyo Munaaraddii Foornooyinka.
מדה שנית החזיק מלכיה בן חרם וחשוב בן פחת מואב ואת מגדל התנורים׃
12 Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shalluum ina Hallooxeesh oo ahaa taliyihii dhistariga Yeruusaalem badhkiis, isagii iyo gabdhihiisii.
ועל ידו החזיק שלום בן הלוחש שר חצי פלך ירושלם הוא ובנותיו׃
13 Iriddii Dooxadana waxaa cusboonaysiiyey Xaanuun iyo dadkii Saanoo'ax degganaa. Iyagu way dhiseen, oo waxay qotomiyeen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo waxay dhiseen kun dhudhun oo derbigii ah tan iyo Iriddii Digada.
את שער הגיא החזיק חנון וישבי זנוח המה בנוהו ויעמידו דלתתיו מנעליו ובריחיו ואלף אמה בחומה עד שער השפות׃
14 Iriddii Digadana waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah ina Reekaab oo ahaa taliyihii degmada Beyd Hakerem; wuu dhisay, wuuna qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.
ואת שער האשפות החזיק מלכיה בן רכב שר פלך בית הכרם הוא יבננו ויעמיד דלתתיו מנעליו ובריחיו׃
15 Iriddii Isha biyaha ahna waxaa cusboonaysiiyey Shalluun ina Kaalxoseh oo ahaa taliyihii degmada Misfaah, wuu dhisay oo deday, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo derbigii Warta Shelax oo beerta boqorka u dhowaana wuu dhisay, oo wuxuu gaadhsiiyey tan iyo jaranjarada hoos uga degata magaalada Daa'uud.
ואת שער העין החזיק שלון בן כל חזה שר פלך המצפה הוא יבננו ויטללנו ויעמידו דלתתיו מנעליו ובריחיו ואת חומת ברכת השלח לגן המלך ועד המעלות היורדות מעיר דויד׃
16 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Nexemyaah ina Casbuuq oo ahaa taliyihii degmada Beytsuur badhkiis, oo isagu wuxuu dhisay tan iyo meesha ka soo hor jeedda xabaalihii Daa'uud, iyo tan iyo balligii la sameeyey, iyo tan iyo gurigii ragga xoogga badan.
אחריו החזיק נחמיה בן עזבוק שר חצי פלך בית צור עד נגד קברי דויד ועד הברכה העשויה ועד בית הגברים׃
17 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Laawi oo Rexuum ina Baanii ka mid ahaa. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xashabyaah oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis oo degmadiisa aawadiis ayuu u dhisay.
אחריו החזיקו הלוים רחום בן בני על ידו החזיק חשביה שר חצי פלך קעילה לפלכו׃
18 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey walaalahood oo uu ka mid ahaa Baway ina Xeenaadaad oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis.
אחריו החזיקו אחיהם בוי בן חנדד שר חצי פלך קעילה׃
19 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Ceser ina Yeeshuuca oo ahaa taliyihii Misfaah, taas oo ahayd meel ka soo hor jeedda meesha loo fuulo maqsinka hubka oo ku ag yiil meeshuu derbigu ka leexdo.
ויחזק על ידו עזר בן ישוע שר המצפה מדה שנית מנגד עלת הנשק המקצע׃
20 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa dadaal ku cusboonaysiiyey Baaruug ina Sabbay, tan iyo leexashada derbiga iyo ilaa albaabkii guriga Eliyaashiib oo ahaa wadaadka sare.
אחריו החרה החזיק ברוך בן זבי מדה שנית מן המקצוע עד פתח בית אלישיב הכהן הגדול׃
21 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah oo ahaa reer Xaqoos, tan iyo guriga Eliyaashiib albaabkiisa iyo ilaa guriga Eliyaashiib dabadiisa.
אחריו החזיק מרמות בן אוריה בן הקוץ מדה שנית מפתח בית אלישיב ועד תכלית בית אלישיב׃
22 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii ahaa dadkii Bannaanka.
ואחריו החזיקו הכהנים אנשי הככר׃
23 Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Benyaamiin iyo Xashuub taas oo ahayd meel guryahooda ka soo hor jeedday. Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Casaryaah ina Macaseeyaah oo ahaa reer Cananyaah, taas oo ahayd gurigiisa dhinaciisa.
אחריו החזיק בנימן וחשוב נגד ביתם אחריו החזיק עזריה בן מעשיה בן ענניה אצל ביתו׃
24 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii.
אחריו החזיק בנוי בן חנדד מדה שנית מבית עזריה עד המקצוע ועד הפנה׃
25 Faalaal ina Uusayna wuxuu cusboonaysiiyey meel leexashadii derbiga ka soo hor jeedday iyo munaaraddii ka taagnayd gurigii boqorka oo sare ee u dhowaa barxaddii waardiyayaasha, oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Fedaayaah ina Farcosh.
פלל בן אוזי מנגד המקצוע והמגדל היוצא מבית המלך העליון אשר לחצר המטרה אחריו פדיה בן פרעש׃
26 (Haddaba reer Netiiniim waxay degganaayeen Cofel iyo tan iyo meel ka soo hor jeedday Iridda Biyaha oo xagga bari, iyo ilaa munaaraddii kor u taagnayd.)
והנתינים היו ישבים בעפל עד נגד שער המים למזרח והמגדל היוצא׃
27 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, taasoo ka soo hor jeedday munaaraddii weynayd oo kor u taagnayd, iyo tan iyo derbigii Cofel.
אחריו החזיקו התקעים מדה שנית מנגד המגדל הגדול היוצא ועד חומת העפל׃
28 Iriddii Faraska korkeedana waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii, oo mid waluba wuxuu sameeyey meeshii gurigiisa ka soo hor jeedday.
מעל שער הסוסים החזיקו הכהנים איש לנגד ביתו׃
29 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Immeer, taasoo ahayd meel gurigiisa ka soo hor jeedday. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shemacyaah ina Shekaanyaah oo ahaa kii dhawri jiray Iridda Bari.
אחריו החזיק צדוק בן אמר נגד ביתו ואחריו החזיק שמעיה בן שכניה שמר שער המזרח׃
30 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday.
אחרי החזיק חנניה בן שלמיה וחנון בן צלף הששי מדה שני אחריו החזיק משלם בן ברכיה נגד נשכתו׃
31 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah oo ahaa dahabtumayaasha midkood oo wuxuu dhisay tan iyo gurigii reer Netiiniim iyo baayacmushtariyada oo ka soo hor jeedday Iridda Mifqaad iyo ilaa meeshii geeska laga fuulo.
אחרי החזיק מלכיה בן הצרפי עד בית הנתינים והרכלים נגד שער המפקד ועד עלית הפנה׃
32 Oo meeshii geeska laga fuulo iyo Iriddii Idaha intii u dhaxaysayna waxaa cusboonaysiiyey dahabtumayaashii iyo baayacmushtariyadii.
ובין עלית הפנה לשער הצאן החזיקו הצרפים והרכלים׃

< Nexemyaah 3 >