< Xaakinnada 10 >
1 Markaasaa Abiimeleg dabadiis waxaa u kacay inuu reer binu Israa'iil badbaadiyo Toolac ina Fuwaah oo ahaa ina Doodoo, oo reer Isaakaar ahaa, oo wuxuu degganaa Shaamiir oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
Baada ya Abimeleki, Tola, mwana wa Pua, mwana wa Dodo, mtu wa Isakari, aliyekaa Shamiri, katika mlima wa Efraimu, akaondoka ili kuwaokoa Israeli.
2 Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.
Akawa mwamuzi wa Israeli miaka ishirini na mitatu. Alikufa na kuzikwa Shamiri.
3 Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.
Alifuatiwa na Yairi Mgileadi. Akawa mwamuzi wa Israeli miaka ishirini na miwili.
4 Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.
Alikuwa na wana thelathini waliokuwa wakipanda kwenye punda thelathini, na walikuwa na miji thelathini, ambayo inaitwa Hawoth Yairi hata leo, iliyo katika nchi ya Gileadi.
5 Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.
Yairi alikufa na kuzikwa Kamoni.
6 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.
Watu wa Israeli waliendelea kutenda maovu mbele za Bwana, wakaabudu Mabaali, Maashtoreti, miungu ya Aramu, miungu ya Sidoni, miungu ya Moabu, miungu ya wana wa Amoni, na miungu ya Wafilisti. Wakamsahau Bwana na hawakamsujudia tena.
7 Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.
Hasira ya Bwana ikawaka juu ya Israeli, naye akawauza mikononi mwa Wafilisti na katika mikono ya wana wa Amoni.
8 Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa.
Wakawaangamiza na kuwadhulumu watu wa Israeli mwaka huo, na kwa muda wa miaka kumi na nane waliwafukuza watu wote wa Israeli waliokuwa ng'ambo ya Yordani katika nchi ya Waamori, iliyoko Gileadi.
9 Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.
Nao wana wa Amoni wakavuka Yordani, wakapigana na Yuda, na Benyamini, na nyumba ya Efraimu; Israeli akasumbuliwa sana.
10 Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.
Ndipo wana wa Israeli wakamwita Bwana, wakisema, “Tumekukosea, kwa sababu tumemwacha Mungu wetu, tukaabudu Mabaali.”
11 Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?
Bwana akawaambia wana wa Israeli, “Je, sikuwatoa ninyi kutoka kwa Wamisri, na Waamori, na Waamoni, na Wafilisti,
12 Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii.
na pia kwa Wasidoni? Waamaleki na Wamaoni walipowakandamiza; mliniita, nami nikawaokoa kutoka katika nguvu zao.
13 Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono.
Lakini ninyi mliniacha tena na kuabudu miungu mingine. Kwa hiyo, sitawaokoa tena.
14 Haddaba taga oo u qayshada ilaahyadii aad doorateen; oo iyagu ha idin badbaadiyeen wakhtiga aad cidhiidhi ku jirtaan.
Nendeni mkaiite miungu mnayoiabudu. Ili iwaokoe wakati wa shida.
15 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.
Wana wa Israeli wakamwambia Bwana, Tumefanya dhambi. Tufanyie chochote kinachoonekana kuwa kizuri kwako. Tafadhali, tuokoe leo.
16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
Wakaiacha miungu ya kigeni waliyokuwa nayo, nao wakamwabudu Bwana. Naye akawa na subira juu ya taabu ya Israeli.
17 Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.
Ndipo Waamoni wakakusanyika, wakaweka kambi Gileadi. Waisraeli walikutana na kuweka kambi yao huko Mispa.
18 Markaasaa dadkii iyo amiirradii reer Gilecaad ayaa midba midka kale wuxuu ku yidhi, Car, ninkee baa bilaabaya inuu la diriro reer Cammoon? Kaasu wuxuu ahaan doonaa madaxda dadka Gilecaad deggan oo dhan.
Viongozi wa watu wa Gileadi wakaambiana, 'Ni nani atakayeanza kupigana na Waamoni? Yeye atakuwa kiongozi juu ya wote wanaoishi Gileadi.