< Baxniintii 11 >

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.
耶和華對摩西說:「我再使一樣的災殃臨到法老和埃及,然後他必容你們離開這地。他容你們去的時候,總要催逼你們都從這地出去。
2 Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah.
你要傳於百姓的耳中,叫他們男女各人向鄰舍要金器銀器。」
3 Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
耶和華叫百姓在埃及人眼前蒙恩,並且摩西在埃及地、法老臣僕,和百姓的眼中看為極大。
4 Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,
摩西說:「耶和華這樣說:『約到半夜,我必出去巡行埃及遍地。
5 oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.
凡在埃及地,從坐寶座的法老直到磨子後的婢女所有的長子,以及一切頭生的牲畜,都必死。
6 Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.
埃及遍地必有大哀號;從前沒有這樣的,後來也必沒有。
7 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
至於以色列中,無論是人是牲畜,連狗也不敢向他們搖舌,好叫你們知道耶和華是將埃及人和以色列人分別出來。』
8 Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
你這一切臣僕都要俯伏來見我,說:『求你和跟從你的百姓都出去』,然後我要出去。」於是,摩西氣忿忿地離開法老,出去了。
9 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.
耶和華對摩西說:「法老必不聽你們,使我的奇事在埃及地多起來。」
10 Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
摩西、亞倫在法老面前行了這一切奇事;耶和華使法老的心剛硬,不容以色列人出離他的地。

< Baxniintii 11 >